Xafladii xuska
18 May 2009, oo si weyn
loo soo agaasimey , ayaa lagu qabtay magaalada Almere
ee wadanka Holland .Xafladaasi oo ay si
heer sare ah ay uga soo shaqeeyeen inammo iyo gabdho
dhallinyaro ah, oo si fiican wax u bartay, ayaa madashaasi wacdaro
ka muujiyey.
Dadweynihii xafaladda ka soo qayb galey
, waxaa wajiyadooda ka muu qatay farxad iyo reynreyn, waxayna isku hambalyeynayeen
sannad guu rade 18 May , oo
sideed iyo toban sanno ka soo wareegtay, markii
Soma liland la soo noqotay
dawladnimadeedii iyo
karaamadeedii.
|