XAFLADDII 18 MAY EE KA DHACDAY MAGAALADA HELSINKI EE WADANKA FINLAND

 

      

Waxaa si aad baalaadhan oon hore loo arag looga dabaaldegay 18 guurada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland magaala madaxda dalka Finland ee Helsinki, laguna qabtay masrax( theatre) ku yaal vuosaari.


Muusabadda waxa furay Gudoomiye Xigeenka Jaaliyadda Somaliland Cabdillahi Adan Rooble., Waxaana lagu bilaabay aaydo quraan ah oo uu akhriyey Liibaan Yaxya x. Ibrahim. Gudoomiye xigeenku waxaa uu soo jeediyey jaaliyadda intaan munaasab la bilaabin in faataxada loo akhriyo dhammaan mujaahidiinta shahiiday ee SNM.Waxaa uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyha Xasan Cali Sadexle.Gudoomiyuhu waxa uu ugu hambalyeey dhammaanba jaaliyadda reer somaliland ee Finland iyo guud ahaanba dadka reer somaliland ee ku kala nool daafaha adduunka , Waxaana uu si gaara ugu hambalyeeyay dawladda JSL iyo shacabka reer Somaliland. Waxaana uu ilaahay uga baryey in sannadka sannadkiisa aynu ku gaadhno bashabsh iyo barwaaqo.

Ka dib Waxaa loo joodsaday heesta calanka oo ay ku luuqeeyeen dhallinyarada reer somaliland ee finland ku dhaqan.

Waxaa ka soo jeediyey munaasabadda khudbad; Xasan Maxamed Nur, taas oo kaga hadlay taariikhda SNM, SOMALILAND, iyo kaalinta kaga beegan dadka dibeda ku nool inay ka qayb galaan dhismaha dalka, dimquraadiyadda iyo maamulwanaaga, Waxaa uu akhriyey Magacyaddii gudoomiyayaashii SNM, iyo khubadihii 18kii may 1991 laga akhriyey magaalada burco maalintii shacabka reer somaliland kaga dhawaaqeen la soo noqoshada madaxbanaanidooda iyo bilawga dhismaha jamhuuriyadda Somaliland.Waxaa kale oo uu ku akhriyey afka Finnish oo marati sharaftii kaga dhergeen labada afba.

Munaasabadda Waxaa dhextaal u ahaa gabayo iyo geeraaro munaasabadda ka waramaya oo ka soo jeediyeen; Marwo, Abwaan Sahra Xuseen. Munaasabaddan waxa bilay dhallinyarada iyo haweenka oo heeso iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka isla helay jiibta iyo jaanta, aadna ay ula dhaceen dadkii ka soo qaybgalay dabaaldegga sida farshaxanimada ah ee ay u ciyaareen.

Gebegebadii barnaamijka Waxaa la furay Keeg lagu xardhay calanka Somaliland sidii caadada u ahayd Jaaliyadda Somalilande e Finland.,cunto iyo cabitaan.

Xidhitaankii waxaa uu uga mahad naqay Gudoomiyhu dhammaanba Jaaliyadda, yar iyo weyn, haween iyo ragba, sida qiimaha leh ee ay ugu damaanshaadeen maalinta qarannimada somaliland, magaalada Helsinki ee Finland.

SDWO (Finland - Sabti 16 May 09) Waxaa si aad baalaadhan oon hore loo arag looga dabaaldegay 18 guurada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland magaala madaxda dalka Finland ee Helsinki, laguna qabtay masrax( theatre) ku yaal vuosaari.

Muusabadda waxa furay Gudoomiye Xigeenka Jaaliyadda Somaliland Cabdillahi Adan Rooble., Waxaana lagu bilaabay aaydo quraan ah oo uu akhriyey Liibaan Yaxya x. Ibrahim. Gudoomiye xigeenku waxaa uu soo jeediyey jaaliyadda intaan munaasab la bilaabin in faataxada loo akhriyo dhammaan mujaahidiinta shahiiday ee SNM.Waxaa uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyha Xasan Cali Sadexle.Gudoomiyuhu waxa uu ugu hambalyeey dhammaanba jaaliyadda reer somaliland ee Finland iyo guud ahaanba dadka reer somaliland ee ku kala nool daafaha adduunka , Waxaana uu si gaara ugu hambalyeeyay dawladda JSL iyo shacabka reer Somaliland. Waxaana uu ilaahay uga baryey in sannadka sannadkiisa aynu ku gaadhno bashabsh iyo barwaaqo.

Ka dib Waxaa loo joodsaday heesta calanka oo ay ku luuqeeyeen dhallinyarada reer somaliland ee finland ku dhaqan.

Waxaa ka soo jeediyey munaasabadda khudbad; Xasan Maxamed Nur, taas oo kaga hadlay taariikhda SNM, SOMALILAND, iyo kaalinta kaga beegan dadka dibeda ku nool inay ka qayb galaan dhismaha dalka, dimquraadiyadda iyo maamulwanaaga, Waxaa uu akhriyey Magacyaddii gudoomiyayaashii SNM, iyo khubadihii 18kii may 1991 laga akhriyey magaalada burco maalintii shacabka reer somaliland kaga dhawaaqeen la soo noqoshada madaxbanaanidooda iyo bilawga dhismaha jamhuuriyadda Somaliland.Waxaa kale oo uu ku akhriyey afka Finnish oo marati sharaftii kaga dhergeen labada afba.

Munaasabadda Waxaa dhextaal u ahaa gabayo iyo geeraaro munaasabadda ka waramaya oo ka soo jeediyeen; Marwo, Abwaan Sahra Xuseen. Munaasabaddan waxa bilay dhallinyarada iyo haweenka oo heeso iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka isla helay jiibta iyo jaanta, aadna ay ula dhaceen dadkii ka soo qaybgalay dabaaldegga sida farshaxanimada ah ee ay u ciyaareen.

Gebegebadii barnaamijka Waxaa la furay Keeg lagu xardhay calanka Somaliland sidii caadada u ahayd Jaaliyadda Somalilande e Finland.,cunto iyo cabitaan.

Xidhitaankii waxaa uu uga mahad naqay Gudoomiyhu dhammaanba Jaaliyadda, yar iyo weyn, haween iyo ragba, sida qiimaha leh ee ay ugu damaanshaadeen maalinta qarannimada somaliland, magaalada Helsinki ee Finland.







Guddiga jaaliyadda Somaliland

ee Finland.