Munaasibadii dabaal-dagga 18-ka May ee galbeedka London

 

           

Xaflad ballaadhan oo loogu dabaal degay la soo noqoshadii xornimadii Somaliland 18-kii May 1991-kii ayaa lagu qabtay galbeedka Magaalada London (West london ). Xafladdaa oo uu soo qaban qaabiyey urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community iyaga oo la kaashaday ururo badan oo reer Somaliland ah. Xafladdaa oo runtii ahayd xafladdii ugu qiimaha badnayd ee loogu dabaal dego 18-ka May Xornimada Somaliland ee ka dhacda dalkan Ingiriiska. Waxaa halkaa lagu soo ban dhigay qudbado, gabayo , Majaajillooyin xiiso leh oo tilmaamayey taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee ummadda Somaliland u soo gashay dib u xorayntii dalkooda, iyo mujiinta ahaan-shaha Somalilander-nimada. Waxa kaloo halkaa heeso wadani ah ka tumay labadda fanaan ee wadaniyiinta ah ee kala ah Maxamuud Halwad iyo Farxan Bada Cas.

 

           

Munaasibada waxa furay gudoomiyaha ururka SSUK Maxamed Cumar Maygaag oo daadihinayay munaasibada, wuxuuna si kooban uga hadlay ujeedada xuskan iyo qiimaha maalinta 18-ka May. Ka dib Maxamed wuxu microfon-ka kusoo dhaweeyay Dr. Charles Tannock MEP (Member of European Parliament) oo ah mudane Xisbiga Conservative-ka Ingiriiska u fadhiya Parliament-ka Europe magaalada Brussels, waxaanu qudbaddiisii ku bilaabay sida tan: “Qadiyadda Somaliland halka aan kala qaaday waxay ahayd qudbaddii aan dhawaan u jeediyey Parliament-ka Europe oo aan caalamka kaga codsaday in aan layska indha tirin qadiyadda Somaliland”. Dr. Charles Tannock MEP isaga oo sii wata hadalkiisii , wuxuu yidhi: “Waxaan ku dadaali doonaa in aan taageero qadiyadda Somaliland ha noqoto Parliament-ka Europe dhexdiisa ama dalkan Ingiriiskaba”. Kaddib waxaa qudbad xiiso leh halkaa ka jeediyey mudane Cllr Julian Bell oo ah masuul ka tirsan dawladda hoose Xaafadda Greenford ahna xisbiga Labour ka ahna hoggaanka Qaybta Mucaaridka'a ee Xisbiga Labour-ka , qudbaddiisiina , wuxuu kaga hadlay , wax qabadkii uu la soo garab taagnaa ummadda Somaliland dal iyo dibadba iyo sida uu halkii uga sii wadi doono taageeradaa uu la garab taagan yahay Somalilanders, waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada Qaadku hu hayo Mushtamac badan oo reer Somaliland iyo Somali ah dalkan Ingiriiska dhexdiisa iyo sida uu uga shaqayn doono sidii dawladda Ingiriisku u joojin lahayd.



Kaddib waxaa halkaa qudbad wacyi galina oo qiimo leh ka soo jeedisay Mujaahido Sucaad Carmiye oo si qiimo leh uga hadashay dib ula soo noqoshada Somaliland. Waxaanay Sucaad ka warantay dhibaatadii iyo tacabkii xukunkii Siyad Barre ku hayey ummadda Somaliland. Waxaanay tidhi: “Somaliland Ingiriis muu gumaysan ee waxaa inna gumaystay Somalia. Marka wax kale loo waayo oo Somalilanders-ka lagu xidhxidho wakhtigii Afwayne in marmarsiiyo looga dhigi jirey ku qosle saajin kufay”. Marwo Sucaad waxay marti sharafkii halkaa iskugu timid ka codsatay in loo saro kaco Mujaahidiintii naftooda u huray xorayntii Somaliland hal daqiiqo oo aamusnaana iyo faataxada oo loo marona lagu sharfo.



Kaddib waxaa halkaa ka hadlay Simon Jones oo madaxa ah Triton International Ltd shariikad Caalamiya oo dalkan Ingiriiska iyo Caalamkaba kala talisa ammaanka badaha iyo socdaalka maraakiibta aduunka. Waxaanu hadalkiisii ku bilaabay sida Triton International Ltd ay diyaarka ugu tahay taakulayn weyn oo ay Somaliland ka siiso tababarka Ciidamada badda ee Somaliland si ay awood ugu yeeshaan ay kaga difaacaan badda Somaliland budhcad badeedda ka dillaacday Geeska Africa.



Waxaa halkaa qudbad qiimo leh oo uu kaga waramayo taariikhdii Somaliland iyo isku taggii labada dal Somaliland iyo Somalia ka soo jeediyey Iid Xasan oo ah maamulaha xafiiska West London Somaliland Community. Iid waxaa kale oo uu ka waramay taariikhdii labada dal UK iyo Somaliland oo soo jirtay muddo dheer iyo in aanay Dawladda Ingiriisku qaddarin iyo in xasuus gaara siiso ciidamadii Somaliland ee naftooda ku waayey difaaca dalkan Ingiriiska dagaalkii kowaad iyo kii labaad ee adduunka, uguna abuul guddo caruurtii ciidamadaa reer Somaliland ee usoo dagaalamay dalkan in ay aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale siiso Somaliland.



Kadib waxaa halkaa ha hadlay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka'a ee Kulmiye, waxaanu si weyn ugu mahad naqay marti sharaftii xafladdaa ka soo qayb gashay iyo dhammaan shacabka reer Somaliland ee xafladdaa ka soo qayb galay , waxaanu farta ku fiiqay qaybta weyn ee ay qurba jooga reer somaliland kaga jiraan dib u soo dhiska iyo danaha Somaliland meelkasta oo ay joogaanba. Isaga oo hadalkiisii sii watanan wuxuu yidhi “Walaalayaal wax badan oo lagu farxo waan soo qabsannay 18-kii sano ee aan soo dhaafnay marka meelo badan oo Africa ah loo eego Somaliland, waxaana hubaala in aan waxyaaloo kale oo badan qabsan kari lahayn haddaan dadaal dheeraad ah muujinno”.



Kaddib waxaa halkaa ka hadlay xoghayaha warfaafinta iyo Saxaafadda Xisbiga UCID mudane Abdinaasir Yuusuf Cosmaan oo ka waramay sida ay muhiimka u tahay ka qayb qaadashada kobcinta dhaqaale iyo hurumarinta duquraadiyadeed ee Somaliland ,waxaanu yidhi: “Wixii inoo soo qabsoomay iyo hadda halka inagu habboon in aan ka duulno si aan u hirgalino dooroshooyin xalaala oo dalkeena ka dhaca waa in aan dhammaanteen iska kaashannaa”.



Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Iid Ali Ahmed oo ah Deputy Director welsh Refugee Council isla markaana ah isuduwaha mashaariicda horumarka ee ururka SSE iyo Richard Sills oo ah Richard Darlington inaabtigii, macalin taariikh gaara ku lahaa wax barashadii Somaliland ee hore. Richard Sills wuxu dhawaan aas-aasay Darlington Foundation oo waxbarashada heerka jaamacadeed ka caawin doonta ardayda reer Somaliland si ay wax uga bartaan Cambridge University . Iid Ali ayaa wuxuu ku dheeraaday hourmarka iyo mustaqbalka Somaliland in uu ku xidhan yahay waxbarshada iyo xirfadda shaqooyinka oo ay dhalinta somaliland hesho.



Waxaa riwaayad (play) xiiso leh halkaa ku soo bandhigay caruur yar-yar oo da’doodu u dhaxayso 8jir ilaa iyo 11 jir. Riwaayada oo uu qoray Iid Xasan waxay ka turjumaysay sida bulshada ku nool dalkan UK ay kala wada nooca u tahay, reer Somaliland ku dhiiri galinaysay innay qayb ka noqdaan bulshadaas oo ay ku dhiiradaan sheegashada Somaliland-nimadooda. Waxay kalooy riwayadu tusaalaynaysay in aanay cadaw ahayn dhaqamada kala duwan ee wax la iska baran karo, shaqsi walba iyo koox walbana fursad u ah inay dhaqankooda kobciyaan.



Inkasta oo xaflado badan oo loogu dabaal daggayay Xornimada Somaliland lagu qabtay London, xafladdani waxay ahayd mid si weyn loogaga hadlay danaha qadiyada Somaliland dad badana fursad u siisay innay wax ka bartaan taariikhda dalkooda si ay iyagoo kalsooni ka muuqato dalkooda hooyo u sheegta umadaha kalana bara. :



Marti sharaftii munaasibadan kasoo qayb gashay waxay kala ahaayeen:



Dr Charles Tannock MEP (Member of European Parliament)

Cllr. James Allie (Wembley )

Steve Pound MP (Ealing North)

Virander Sharma MP ( Ealing Southall)

Cllr. Julian Bell (Greenford )

Mr Richard Sills (Darlington Foundation)

Mrs Susan Sills (Darlington Foundation)

Mr Len Tiahlo Businessman (Director of Enex Energy Resources)

Mr. Simon Jones (Director of Triton International Ltd)

Mr. Tobias Masterton ( UK Academy )

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) Leader of Kulmiye Party

Md. Abdinaasir Yussuf Cusman (Xoghayaha warfaafinta iyo Saxaafadda Xisbiga UCID)

Dr. Moxamed Omar , Foreign affairs Spoksperson Kulmiye Party.



Waxa kaloo kasoo qayb galay munaasibadan madax badan oo matalayey ururada reer Somaliland ee UK iyo Europe-ba.



Xisbiga UDUB oo isagana lagusoo marti qaaday munaasibadan xuska oo uu matalayay Ibrahim Talaabo umay suura gelin innuu ka soo qayb galo duruufo ku yimid aawadeed. Ibrahim Talaabo wuu soo sheegay apology-na wuu kasoo bixiyay haleel la’aanta uu munaasibada soo haleeli waayay madaama uu aas ka qayb galay goor dambana kasoo dareereen aaskaa.



Dhammaadkii Xafladda waxaa Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyayaasha ururada SSE iyo SSUK Abdirahman Awliyo iyo Maxamed Omar Meygaag lagu sharfay Shahaado sharaf in ay guddoonsiiyaan shakhsiyaad ay ka mid ahaayeen Caasha Luul, Muna Ali farah, Aden Maxamed Cumar (Aden Gabyaaye), Halwad iyo Farxan bada cas, dadkaas oo dhammaantood qayb libaax ka qaatay munaasibadan loogu dabaal dagayay sanadguurihii 18-naad ee Somaliland. Waxa kaloo shahaado sharafka ku jirtay oo laakiin duruufo aawadeed hore u baxday Quman Jibril oo iyaduna qayb libaax ka qaadatay jilidii riwaayadii yarayd ee lagu muujinayay ahaan-shaha Somalilander-nimada iyo guud ahaan kala gadisanaanta (diversity) bulshada dalkan UK.



Ugu dambayn waxaanu ilaahay ka baryaynaa in sanadka sanadkiisa Somaliland nabad, barwaaqo iyo horumar ku gaadho, aamiin.



Wa bilaahi tawfiiq

 

 

 

Gudidii Qaban-Qaabada