Xaflad si heersare ey u soo qabaqaabiyeen Jaaliyadda & Ururka Dhalinyaradda ee R.Somaliland ee K/Africa

 

              

Johannesburg, Xaflad si heersare ey usooqabaqaabiyeen Jaaliyadda & Ururka Dhalinyaradda ee R.Somaliland ee K/Africa ayaa laguqabtey magaaloweynta Johannesburg 16ka May 2009.

Waxaa xaflada kasooqeybgaley martisharaf ey kamidyihiin Prof. Iqbal Jhazbay , xidhiidhiyaha Dowlada Sland & K/Africa, oo kamid ah ururka talada wadanka K/Africa haya ee ANC, waxna kadhiga Jaamacada weyn ee UNISA. Dr. Sheekh Cali Ahmed Xasan oo ahaa xeer ilaalihii guud ee Soomaliya, islamarkaana qeyblaxaadle kaciyaarey aasaaskii Jaaliyadda R.Sland ee K/Africa, Mudane Ismaaciil Soomane oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda Soomaliyeed ee K/Africa (Somali Community Board of South Africa), Sheekh Cabdifataax Sh Xasan C/Raxman, oo kamid ah culumadda Johannesburg, Eng. Cabala Sancawl oo ah ganacsade degan Johannesburg, bahweynta Saxaafadda Madaxabanaan iyo dad aad utirobadan oo kakalasocdey bulshada qeybaheeda kaladuwan oosoobuuxiyey hallka xafladu kadhacdey ee Magaaloweynta Johannesburg.

Xaflada waxaa kufurey Aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah Fadiilatu Sheekh C/Fataax Sh Xasan C/raxman.
Prof Iqbal Jhazbay ayaa soobandhigey horumarada ey kutalaabsatey Somaliland, isagoo sigaar ah uxusey xidhiidhka Somaliland ey laleedahey caalamka intiisa kale, isagoo sigaar ah u xusey indho indheeyaashii kasocdey Xafiiska AU ee tagey Somaliland, sanadguuradii 50naad ee Ghana iyo sidii Somaliland ey ugaqeybgashey, xidhiidhka siyaasadeed, tacliimeed ee u dhexeeya K/Africa iyo Somaliland, isagoo sigaar ah usooqaatey xidhiidhka udhexeeya labada Jaamacadood ee Pretoria iyo Hargeysa. Prof Iqbal Jhazbay wuxuu aad ugudhiirigeliyey shacabweynihii kasooqeybgaley xaflada oo ubadnaa dhalinyaro in ey hormood kanoqdaan kanafakaraan horumarinta dalkooda Somaliland
Gudoomiyaha Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa Mudane Axmed Jaamac iyo kuxigeenkiisa Mudane Mukhtaar Axmed Haadi, ayaa iyaguna goobtaasi kasoojeediyey taariikhda Jaaliyadda iyo mahadnaq balaadhan oo ey ujeediyeen qabanqaabiyaashii xaflada.
Waxaa isna goobtaasi kahadley Dr. Sheekh Cali Axmed Xasan oo sigaar ah ugahadley Somaliland iyo ilaheeda dhaqaale “Betroolka (Petroleum) Somaliland iyo Saliida Somaliland waa mid kamid ah kuwa ugubadan caalamka” Dr sheikh cali.
Dabaaldega sanadguurada 18naad ee Somaliland ee habeenimadii xaley ayaa siweyn looguduceeyey walaalaha Soomaaliya, in Alle xasilooni lamid ah takajirta Somaliland, kusoodabaalo magaalo madaxda Muqdisho. Mudane Ismaaciil Soomane, gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa isna kahadley goobtaasi isagoo uguhoreyntii hambalyo iyo salaam gaadhsiiyey shacabweynaha R.Somaliland, “Wixii kadanbeeyey 1988kii iyo burburkii Somaliya ayaa wuxu sababey in cidkasta ey aayaheeda katashadto xaqna wey u leedahey Somaliland madaxbanaanideeda , horumarada kaladuwan ee kajira Somaliland sida waxbarashada, adeegyada cafimaadka, kaladanbeynta waa mid aan ugu hambalyeynayo R.Sland, Somalida kabarakacdey Muqdisho hoy ayey unoqdeen R.Sland. Shacabweynaha R.Somaliland waa in ey kumitidaan nabada iyo jiritaankooda, waa in aaney iloobin walaalhooda Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeedna waa in ey kudeydaan Somaliland,” Mudane Soomane wuxuu kusoogabogabeeyey mahadcelinweyn uu usoojeediyey qabanqaabiyaasha Xaflada
Kadib cuntooyin iyo sharaabyo fudud iyo jaritaanka keega (cake) laguxardhey calanka somaliland oo halkaasi siwadajir ah ey uwadajareen martisharafkii, waxaa xaflada duco iyo kalmado diini ah kusoogabogabeeyey Sheekh C/Fataax Sheekh Xasan Iyo Dr. Sheekh Ali Ahmed.
Mahadnaq Kasocota Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa, maalgeliyaashii & qabanqabayasha xaflada:


Mudane Mukhtaar Axmed Haadi
Mudane Cabdala Sancawl
Mudane Cabdi Boorama
Mudane Axmed Quule
Mudane Rooble
Mudane Mustafe Koox
Mudane Axmed Jigjiga
Mudane Dr. Mohamed C/lahi Muxumed
Marwo Amina Xasan
Mudane Daahir Ibraahiim Jarjoor
Mudane Mustafe Jowhar
Mudane Ibrahim Zaki
Mudane A/Raxman Barud (Gacmodheere)
Marwo Zamsam Iyo Marwo Raxma
Mudane Mohamed Abdi Qoorgaab
Mudane Axmed Farax Cabdile (Cun-Cun)
Dhamaan Jaaliyadda R.Somaliland ee kukalanool gobalada kaladuwan ee K/Africa dhamaan bulshoweynta Soomaliyeed ee kasooqeybgashey xaflada.

 

 

 


Qalinkii Saeed Furaa

Freelance Journalist
Johannesburg South Africa