XUSKII 18 MAY
EE LAGU QABTAY SANCA YEMEN
Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen
oo soo qaban qaabiyey xaflad balaaadhan oo si weyn loo soo agaasimay
xafladaas oo ka dhacday magaalada Sanca
Waxaa munaasabadan lagu xusaayo kasoo qayb galay. Bulsho weynta
somaliland ee ku dhaqan dalka Yemen iyo Dhamaan ardayda somaliland
ee waxkabarata dalkan waxgaradka aqoonyahano masuuliyiin xafladaas
oo ahayd. Mid si weyn ay uga dhexmuuqdeen dhaamana dadweynaha
jaaliyadu.
Furitaankii munaasabada kadib. Waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey
gudoomiyaha Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen Md. C/raxman Maxamuud
C/laahi isagoo aad ugu dheeraaday mudadii ay somaliland jirtay iyo
waxa uqabsoomay isagoo sheegay in ay somaliland isku raacday in ay
ahaato dal madax banaan oo ictiraaf raadis ah gudoomiyuhu wuxu sido
kale ka hadlay. In Ururku heegan uyahay dhamaan ciidaha dalka inay
qabtaan
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladan oo ahayd. Xafladihii ugu dadka
badnaa ee Sanca gudoomiyii hore ee Ururka C/casiis Maxamed Farax oo
ka hadlay qiimaha ay leedahay in laxusaa 18 may waxaanu ugu mahad
celiyey jaaliyada yemen ku dhaqan kaalinta ay ugu jiraan ururka wada
shaqaytiisa iyo kaalinta dhiri gelinimoba
Iyadoo sidoo kale madashaas lagu soo bandhigay heeso layaableh. Oo
ah heesaha somaliland ay ku caanka tahay. Oo ay joogeen fanaanka
caanka ah ee maxamed nairobi., isagoo wacdaro layaableh muujiyey.
Waxaa sidoo kale madasha lagu soo bandhigay gabayo majaaajilo.
Iyadoo xafladaasi kusoo gebigebowday jawi farxadeed oo aad usareeyo.
iyadoo bulsho weyntii kasoo qayb gashay madasha ay aad ugu
mahadnaqeen Ururka Ardayda iyo xafladan wadaniyada leh oo ay soo
qaban qaabiyeen.
|