Oslo Habeenkii Xalay Iyo Wacdarii Kadhay Xafladii Loogu Talagalay 18 May Oo Lagu Beegay Xalay.

 


 


Oslo (TNN)-Oslo Xafladii Sanad Guurada 20 Ee 18 May Iyo Habeenkii Xalay Waxa Ka Dhacay Magala Madaxda Dalka Norway Ee Oslo Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Ay Isugu Yimaadeen Dhamaanba Bulsha Waynta Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Norway Iyo Xubno Ka Socday Xusbiyada Siyaasiga Ah Ee Dalkan Norway Oo Aad Halkan ka Aragtaan Sawiradooda.Hadba Goobtan Oo Ahayd Santarka magaalada Oslo Oo Ay Isgu Yimaadeen Madax Kasoctay Xisbiyada Siyaasiga Ah ee Dalkan Norway Abwaaniin masuuliyiin Kakooban Rag Iyo Haweenba Oo Qaarkood Ay ka Sharaxanyihiin Xusbiyada Dalkan Norway

Xubnahaas Oo Ah Somalilander Waxa Kaloo Goobta Marti Ka Ahaa Oo Meel Dheer kayimi Aqoonyahanka Wayn Ahna Abwaanka Jamaal Calui Xuseen.Iyo Fanaanka Caanka Ah Noor Daalacay Oo halkaasi Wacdaro Ka Dhigay.Hadaba Xafladan Lagu Maamusayay Gooni Isu Taaga Qaranimda Somaliland Oo Kakoobnayd Qayba Kala gadisan. Xafladan Oo Lagu Furay Aayad Quraana.kadibna Loo Gudbay Taariikhda Somaliland Oo Uu Faafaahin kabixiyay Aqoonyahan Jamal Cali Husen Qudbadaa Iyo Taariikhdaas Oo Ahayd Mid Aad Lagu Farxay Loona Soo Dhaweeyay.


Waxa Ku Xigay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Somaliland Ee Dalakn Norway Eng. Fadumo Cali Madar Oo Ah Xubin Aad Iyo Aad U Mihiima Iyadoo Halkaas Eng. Fadumo Kasoo Jeedisay Qudbado Kakooban Guubaabo Iyo Tusaalayn.Iyadoo Fadumo Ahayd Hadal Qaybinta.

Halkaaso Waxa Isna Soo Bandhigay Odhaah Murtiyeed Iyo Suugaan Aad U Qiima Badan Abwaanka Reer Norway Ee Abwaan Sidiiq Sh farax gabaar.Isagaoo Soo Ban Dhigay Hees Cusub Oo Layidhaahdo (Somaliland Qaran qaran Taagan Weeyaan) Abwaanku Waxa Uu Duco Balaadhan U Diray walaaleheena Somaliyeed Inuu Ilaahay Dhibaatada Kadul Qaado.waxa Halkaas Isna Ka Jeediyay Qudbada Dheer Oo Taabanaysa Qadayada Somaliland Ka Hadlay Abwaanka Wayn Ilaahayba wayne Ee C/Laahi Saleebaan Bide. Iyana Waxaa halkaasi Ka Hadlay Xubno Mihiima Oo Norwaygian Ah


Rune Gerhardsen oo Ka Soday Xusbiga Shaqaalaha
Marianne Borgen oo Ka Soctay Sosiallistisk Venstreparti.
Kjell Harald Dalen, Oo Ka SOcday Qaybta Bariga Iyo Badhtamaha Afirika Ee Arimaha Dabada Isagoo Ka Dhawaajiyay INAY jirto Dhaqaale Loogu Talagalay Somaliland Oo Ay U Qoondeeyeen Uuse Sheegay Inaanu Halkan Ka Sheegayn Intay le Egtahay.
Waxa Kaloo Halkaas Ka Hadlay Stig jarle Hansen Oo Ka Socday Jamacda Ås University
Waxkaloo Hadlay Torbjųrn Hansen Leader For Klemetsrud Ap
Ugu dambayntii Waxa Halkaasi Ka hadlay Morten arild Brenna Oo ah Leder Ka Socday Sųndre Nordstrand Ap


Waxa Halkaas Isna ka Hadlay (Safiir Somaliland U Fadhiya Dalkan Norway Pro.Mahamed Ad en Liilan) Waxa Kaloo Halaaksi Ka hadalay Gudoomiyaha Jaaaliyada Norway Rashiil Muuse,
Waxa Kaloo Halaaksi Ka Hadalay Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Sulub, waxa Kaloo Halaaksi Kahadalay Gudoomiyaha Xusbiga Ucid C/Xakiin Ismail X Axmed,Waxa Kaloo halkaasi ka hadl ay.Gudoomiye Ku Xigeenka Udub C/Raxamaan Axmed Laangadhe C/Raxman Maraaci,wax a kaloo Halkaasi kahadalaayay Xubno Muhiima Oo aan La Soo Koobi karin oo uu kamidyahay Fanaanka Caanka ah ee Noor Daalacay Oo Sheeko Iyo Hees Qurux Badan Isugu Daray BuL shadii halkaasi Isugu Timi,Hadaba xafladan Oo Ku Soo gabagabowday jawi Farxadleh Iyadoo
Ay Dhex Soctay Koobkii KUbada Cagta Ee La Ciyaaray Wiigii Hore Oo Loogu Talo Galay Ama Sanad Walba La Ciyaaro 18 may Iyo Xuska Sanad Guurada Somaliland Oo Ay Ku Guulayst een Wiigii Hore Kooxda Dahabshiil Norway Xalayna Halakaasi Lagu Gudoon Siiyay Kooxda Dahabashiil Norway Iyadoo Uu Goobtaas Qudbada Kooban Oo uu koobka Ku Bixinaayay Uu ka Soo Jeediyay Gudoomiyaha Dahabshiil Norway Axmed Cawad Baxoosh.
Balhadaba Sawiradan Daawasho Wanaagsan.

 

By: Abwaan Sidiiq Sh. Farax Gabaar