27 May waxay ahayd maalin lama illaawaan ah oo qiimo weyn u leh dadka reer Somaliland 

 

Salaan Guud

Al salaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu.

Waxaan salaamayaa dhammaan dadka reer Soomaaliland guudahaan meel kasta oo ay joogaan. Gaarahaana mujaahidiintii SNM waxxana illahay uga baryayaa intii halganka ku shahiiday in illahay u naxariisto oo jannadiisii fardousa ka waraabiyo, intii naafowdayna in illahay caafimaad siiyo.

Dadweynihii naf iyo maalkba u hurayna halgankana in illaahay magdhow ka wanaagsan ugu bedello. Dhammaan dadka reer Soomaalilandna waxaan u rajaynayaa barwaaqo, midnimo, horumar iyo badhaadhe.

27 May waxay ahayd maalin lama illaawaan ah oo qiimo weyn u leh dadka reer Soomaaliland. Waxay ahayd maalin murugadii iyo werwerkii ka fayday ummada oo lagu diirsaday illaahay baana mahadaa leh.

Taariikhdu waa dhaxal gal waxana waajib ah in ubadkeenu meel kasta oo ay joogaan ay ogaadaan waxa dadkooda iyo dalkoodaba soo maray. Taariikhda SNM iyo Soomaaliland lama kala dheegi karo oo waa hooyo iyo ilmaheedii. Waxaan maanta dadka reer soomaaliland u soo jeedin lahaa in nabadgeyada, midnimada iyo qarannimada la illaaliyo oo horumarinta dalka loo guntataan.

 

 

By: Ahmed Mire