|
Xuska 11-guurada Geeridii Marxuum Cigaal oo guddi qaban qaabo loo
saaray
Waxa dhammaan shacbiga reer Somaliland – gude iyo dibadba-
War-saxaafadeedkan lagu ogeysiinayaa in la isu diyaariyo
Xuska
11-Guuurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday Madaxweynihii
2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Si
maalintan qiimaha leh loo maammuuso, waxa la sameeyay Guddi-d adweyne
oo qaban-qaabin doonta maalintan taariikhiga ah.
Haddaba shacbiga reer Somaliland waxa laga codsanayaa in ay
maalintan taariikhiga ah si hagar-la’aan ah uga qayb-qaataan, iyada
oo wixii qorshe iyo hawlo ah ay Guddi da Qaban-qaabadu cid kasta u
soo bandhigi doonto.
Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal wuxu Jamhuuriyaddan
Somaliland hogga aminayay 18/5/1993kii ilaa 3/5/2002dii, naxariistii
Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Intaa waxa u sii dheeraa halgankii
siyaasadeed ee uu dal iyo dadba u soo galay lixdannadii, isaga oo
haddana markii danbe hoggaan u noqday Jamhuuriyaddii Sooma aliyeed.
Waxa intaa u sii raacay sannadihii badnaa ee uu xaq-darrada ugu
xidhnaa nidaamkii
Maxamed Siyaad Barre.
Shaki kuma jiro in uu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ahaa
asaasihii hay kalka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland soona
hogaamiyena marxalad xasa asi ahayd oo uu dhismaha dawladnimo marayay.
Ka-soo-qayb-galkiinna xuskan 11-Guuradu waa muhiim, ee yaan waxba
laga hagran milgaha iyo maamuuska Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin
Cigaal.
Xubnaha Guddida Qaban-qaabada:
Sucaad Odowaa (Carmiye): Xidhiidhinta, e-mail: sucaaday@hotmail.com
Ayaan Ismaaciil,
Cali Cumar Guuleed,
Aadan Muuse Jibriil,
Saleebaan Yuusuf Cali Koore,
Farxaan Xaaji Cali,
Maxamed Cismaan Fadal,
Dr. Aadan Yuusuf Abokor,
Muniir Maxamed Abu Sita,
Sacdiya Axmed Muuse,
Axmed Cali Nuur,
Ibraahin Xaaji Muuse Wacays,
Boobe Yuusuf Ducaale,
Baashe Cabdi Gaboobe,
Xasan Cumar Halas,
Axmed Cabdi Kijaandhe,
|
|