XURMADA LIXDA APRIL IYO XUSUUSLA’AANTEENA
Waxba yaanu
xeerkay imarin xoolana isiine Haduu ruux abaal kuu galo oo ku
wanaajiyo oo cadaw kaaa dhiciyo oo uu waliba nafti isa kuu
huro side baad ka yeeli lahayd? Waxaan uga socdaa maanta dal baan leenahay, nabad baan haysanaa, calan tawxiid ku qoran yahaa inaga dul babanaaya, waxbarasho iyo aqoonbaa jirta ilaa heer jaama cadeed ah tayo kasta ha lahaatee, dib u dhis iyo ganacsi baa jira, islaamnimo iyo diin tii oo meelkasta laga fidinayoo masaajidkasto wacdi laga marinayaa jira, ,walaalahe ena koonfur ee luuqada, midabka, qaarada, xadka, diinta iyo soomaalinimadaba ina la wadaagaa intaa midna ma haystaan. Ma isweydiiseen k.somaliya maxaa inaga duwey ee heerkaan marayno ina soo gaadh siiyey? Horta waa nimco rabbi oo waa wax illaah ina siiyey laakiin illaahay cid ayuu sabab uga soo dhigey oo guushaa, geedkaa iyo gobanimadaa aynu harsanayno sab ab uga soo dhigay. Sida cad ee aan la dafiri karina cidaasi waa ururkii dhaqdhaqaaqa samaaliyeed (SNM). waxa uu ahaa ururkii umadan ka dul qaaday dhurwaagii dhacaaga ahaa ee umadan hagardaamada iyo hiiftaanyada soo gaadhsiiyey waa taliskii maanka daraa een mas kada ka fakari jirinee lagu maga caabi jiray kacaanka siyaad bare na uu madaxda u ahaa . SNM waxay duurka u galeen in ay xaqdaradaa iyo xad gudubkaa umada ku socda ka furdaamiyaan waxay naf iyo maalba u hureen sidii ay umadan xurmadoodii u soo celin lahaayeen, waxay oon iyo gaajo ugu le’deen sidii ay dalkan iyo dadkan dhidarkii xab aalo qodka ahaa uga saari lahaayeen, ka gadaal intaana illaahay waa ku guuleeyoo waa ay hantiyeen libintii idanka illaahay mudo ku siman ilaa 10 sano qiyaastii ayey halgankaa xaq u dirirka ah ku jireen oo ay ugu soo ad kaysteen duruufo faro badan oo ciil iyo caloolyaw lahaa. Hadaba markii SNM ay ka adkaatay rajiimkaa ilaahay galladii waxaa lagu dhawaaqay oo madaxdii iyo guurtidii SNM goosteen in umadu isa saamaxdo laguna dhawaaqo dawlad ka gaar ah wixii laysku odhan jiray jamhuuriyada dimuqraadiga saamaaliyeed laguna dhawaaqay jamhuuriyada Somaliland, halkaas waxaa madaxweyne loogu doortay hogaankii xiligaa ee SNM kadib saddex sanadood SNM waxay wareejisay xilkii sidii ku talo galku ahaa halkaas ayey ka soo bilaamatay horumarkii iyo kor usocodka Soomaaliland ilaa aynu maanto marayno heer doorashooyin oo tartan ahi ka dhaco dalkeena Hadaba waa yaabe
SNM oo ah hooyadii Somaliland dhashay somalilandna ay ka soo
jeedo SNM maxay ku dhacday in la xasuusan waayo asaaskii SNM , in la
xasuusan waayo dadkii guushaa soo hooyey, in la xasuusan waayo
agoontii ay ka tageen xaq u dirirayaashii SNM, in maanta SNM
taariikhdeedii god madaw lagu rido, in maanta hadiii aad SNM soo
qaado sumad gaaar ah iyo dhegjeex laguugu yeelaayo!! Horta waa mid ee dad weyne muu ka
soo qeyb gelin xuskaa marka laga reebo waxa an ka badnayn 100
qof, waa ta labaade qaban qaabaduna may ahayn mid abaa bul an,
waayo astaamo la taaban koro oo ay ku xardhantahay weynaynta
maalintan oo kale may oolin fagaaraha marka laga reebo labo maro oo
u muuqday qaar waa hore lagu qoray qoraalada ku qornaa, taasi waxay
cadaynaysaa inaan wax dhaqaale ah oo lagu fuliyo xuskaa aanu jirin,
waa ta seddexaade xukuumada maanta wadanka ka talisa ka soo qeyb
galkii xuskaa way ka xusul siibatay wax magac dawladeed sitana waxaa
madashaa joogey oo ugu taytal sareeyey uguna hooseeyey wasiir ku
xigee nka cadaalada MD Yuusuf Ciise Talaabo oo markasta ka qeyb
qaata xuska lixda april taasi waxay marag cad u tahay siday
xukuumadu uga gaabisay SNM iyo
qiimayntay ku lahayd waana mid lagu tilmaami karo nasiibdaro
iyo ayaandaro tii ugu weynayd. Guntii iyo gabo gabdii waxaan ku
soo gabo gabaynayaa maqaalkaygan dhawr talo ah Dadweynahana mid baan leeyahay Reer soomaalilaanaw abaalkii SNM ma wuxuu noqday in aaad iyaga eed uun huwisaan oo wanaagoodii la xasuusan waayo? Dadweynaw waxaan idin leeyahy intaad waxy aabaha hoose ee SNM ka hadlaysaan kii weynaa ee ay inoo soo gashay aan xasuusa no libgadka iyo abaal laawe nimodana aan joojino hadaynu maanta taa wax ka qaban weynana tu kastana waxba ka qaban mayno, ee halgankii curadada lagu waayey ee asayda hooyooyinku u qaadeen, caruurtuna u agoomawday yaan la ilaawin abaalkiis ana lama gudikaree bal xasuusnaada uunoo maanka uun ku haya waxaa layidhi “du markuba xurmada foosha way xanaf wareeraane balse inay xusuus daran yihiin xay lka kale moog’’ waxaan leeyahay yaan aayar uun la ilaabin wixii dhiiga iyo dhuuxa loo shubay ee lagu dhabar jabay.
Dawladda waxaan leeyahay dalka idinkaa gacanta ku haya dawladaad haysaan waa tii SNM dhalisay waa tii ay idinku wareejisay garta waajibka idinka saran taariikhda iyo SNM xurmadeeda waa kiii salaam carabay lahaa “lag ninkii cunsiiyey dishaa liida doqomeed’’ ee sidaa hanoqonina ogsoonaada in maalinkasta oo dalkani leeyahay oo laxuso inay 6 april dhashay 18 may ee iyadaba sida gaabiska ah u xustaan ogaada in ay SNM dhalisay ogsoonaada in somalilandta aad maanta gacanta ku haysaan iyo dawladaad ku faanaysaan tahay midhii SNM kurisgana laydiin dhiciyey mahadnaqa shukriya alxamdulilaysta ma lihi idinka SNM idinka mid maaha laakiin haba yaraatee SNM qaarbadan oo ka mid ahi waa ku jiraan sidaan aamisanahay xukuumada waxaan talo ku soo jeedinayaa ha la sooceliyo taariikhdii SNM ee dugsiyada dhexe lagu dhig an jiray inta layska daayo dacal laba erey lagaga xariiqo buuga , halaga dhigo lixda april maalin qaran oo la mid ah maalmaha fasaxa la yahay ee lays fasaxo xukuum aduna ha ka qeyb qaadato xusida SNM ilaa madaxweyne ilaa karaani hadii kale dadka waxaad u sheegaysaan waa been waa biyo col dhaanshay waa huf waa waxaan maskaxda fayaw galayn ee la socda haka dhigina SNM wax xisbi gaar ihi leeyahay oo maantana xukuumada ka soo horjeeda ee og soonaada umada reer soomaaliland oo dhan min laascaanood ilaa saylac waa lagu wada jiray SNM.
|