Xukuumadda Siilaanyo Gabiley ma sidaasay
ugu Abaal Guday

 


Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa Ceel madaw ku riday Gobolka Gabiley, tan iyo intii ka danbaysay markii ay xukunka la wareegtay , xukuumadda cusub waxaa Gabiley ka Abuurmay Burbur iyo caadifad qab iil  ku salaysan,  oo masuul ka yahay Badhsaabka Cusub Rashiid Cumar sheikh.


Waa arin aad u fool xun in dadka la kala jabiyo, qabiillo loo kala saaro, waxaanay hordhac u tah ay astaamaha dadka uu soo doortay madaxwayne Siilaanyo ,inay hogaamiyaan Dalka iyo Gobol addiisa.


Dad badan ayaa aaminsan in Dalka dumar ka taliyaan ,oo ay si jiifta u magacaabaan masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda Siilaanyo, iyada sida xaqiiqda ah Badhasaabka Gabiley ay keen een dumar.

Madaxwayne Siilaanyo ,ma waxa uu ku raaxaysanayaa dilka iyo kala jabka dadkiisa, marka uu keenayo dadka ugu liita ee noloshaba ka dhacay.

Waa arin la isaga daba iman doono ,hadii uu ka gaabsaddo arintaasi sida foosha xun uga soo if baxaysa maalmahan u danbaysay ,oo aad moodo inuu xaafad masuul u yahay ninka ay meesha keenen.


Guntii iyo gabogabadii ,Gabiley way kaala xisaabtami doontaa sida aad ka yeeshay, wakhtiga a ad jilicsan tahay aad dareemi doontaa xanuunkeeda.
 

 

 

 

 

Asma Axmed Maxamed