Xukuummada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hada shay Xidhiidhka U Dhaxeeya Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Ethiopia.

 

Hargeysa (TNN)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed  Yoo nis Cawaale ayaa manta sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu xumaaday  xid hiidhka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia, oo la isla dhexmarayey.

Sidaa waxa uu Wasiirku oo ku sheegay mar uu maanta u warameyey Telafishanka Caalamiga ah ee Universal TV, waxa uu tilmaamay in Siyaasada xukuumada cusubi ay ku salaysan tahay in kor loo qaado xidhiidhka Dalalka Jaarka ah islamarkaana sidii uu madaxweynuhu sheegay la fidinayo xidhiidhada lala yeelanayo wadamada caalamk a .

Wasiirka oo si taxadar leh uga hadlayey arrinta xidhiidhka Somalialnd iyo Ethiopia waxa uu ku  ee deyey xukuumadii uu hogaaminayey Daahir Rayale Kaahin iyo xisbigii UDUB inay isticmaaleen  xili gii uu socday tartankii ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland hadalo ay ku eedeynayeen saarakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye inay ka tirsan yihiin ururo xag jir ah hadaladaasina laga yaabo inay dalalka qaarkood keydsadeen ama u qaateen warar rasmi ah balse ay ahaayeen weedho  si yaasadeed oo aan ku haboonayn inay ka soo baxaan madax ka tirsan xukuumadasi .


Wasiir ku-xigeenku waxa uu xusay inay lagama maarman tahay ilaalinta xidhiidhka  ganacsi,siya a sadeed ,iyo nabad galyo korna loo qaado iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia  isag oo tusaale u soo qaatay wakhti uu wasiir ka tirsan dawlada ithiopia uu caalamka u canaanayey in aan dawlada Somaliland laga taageerin sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha xag jirka ah iyo budhcad badeeda somalida balse ay dawlada Somaliland iskeed dadaal ugu gashay ka hor taga dhibaatooyinkaasi sidaa darted wasiirku waxa uu tilmaamay in markastaba loo baahanyahay in labada dal ka wada shaqeeyan danahooda.


Sida laga war qabo todobaadkii ugu danbeeyey waxa isa soo tarayey warar sheegaya inuu  xum aaday xidhiidhkii siyaasadeed ee Somaliland iyo Ethiopia taasi oo aanay jirin wax xaqiijinayaa.


Source:Hadhwanaannews