Xukuumadda oo ka Jawaabtay Cabasho Reer Awdal ka Muuj iyeen Baadhitaanka Xasuuqa Dawladdii Siyaad Barre Geysatay
 

 

 



Baadhitaanka
Xasuuqa oo xabaalo-wadareedyo la qoday loogu tagay daraasiin lafo iyo maryo d ad ah + xogta hordhaca ah ee khubaradu ka bixisay


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ay aa garowshiyo la’aan ku tilmaamay hadal dhawaan uu jeediyey Sheekh Xasan Daheeye oo ka mid ah culimada reer Awdal, kaasoo naqdiyey baadhitaan lagu samaynayo xabaalo-wadareedyo ay ku jiraan dad shacab ah oo dawladdii Siyaad Barre xasuuqday oo uu dhowaan dalka ka bilaabay Urur Caalamiya oo la yidhaa EPAF, isagoo ku dooday in xasuuq la mid ah kaas loo geystay dadka reer Awdal.

Haseyeeshee, Wasiirka Caddaaladda oo ka jawaabay doodda sheekhaasi ayaa ku macneeyey qof mugdi gudaya oo aan looga fadhiyin inuu daaha saaro xasuuq la wada ogaa, waxaannu ugu baaq ay inuu dul yimaad xabaalo-wadareedyada la qoday si uu garowshiiyo iyo naxdin uga muujiyo, is la markaana hadday jiraan dambiyo kuwan la mid ah oo loo gaystay in xukuumaddu diyaar ula ta hay baadhistooda.

“Dembi inay tahay iyo xaqiijintiisa waynagaa arkayna ee dadka xabaashaas ku jira maanta ma waxaynu u aragnaa dad kaneeco ama xannuun dilay? Halkaas dusha ayeynu ka arkaynaa dadku siday u dhinteen iyo sida loola dhaqmayey. Cidda ka hortimi waa cid aan isleeyahay mugdi bay iskaga socotaa, qof gaystay xasuuqan ayuun baa ka hortagi kara oo isagu ka cararaya, laakiin waa waxyaabaha la isaga garaabo. Inuu yimaad bay ahayd (Sheekhu) oo arko oo uu ka naxo oo ka garaabo ayaa laga filayey ee lama filayn inuu waxyaabo kale ku gudbo.

Haddii wax kale oo dambiyo dhacay oo kuwan oo kale ah jiraan iyada lafteeda ayaa baadhis iyo in la eego u baahan. Haddii uu wax tabanayo oo leeyahay anigaba dambiyo ayaa igu dhacay in lala eego ayaanu diyaar u nahay ee ha ina dulgeeyo,” ayuu yidhi Md. Xuseen Axmed Caydiid oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey shalay mar uu duljoogay xabaalo-wadareedyo lagu bilaabay baadhitaan urur caalami ah ku qodayo qubuuro ku yaal xaafadda Badhka ee koonfurta Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland ka mid yahay kuwa ugu xun ee adduunyada ka dhacay oo ay fulisay dawlad waqtigaas dalka ka talinaysay oo la garanayo ciddii maamulka haysay, sidoo kalena qorshaha baadhitaankaani aannu ahayn mid qabiil la xidhiidha.

“Ilaa maanta waxaynu ku muransanahay waxaasaa dhacay, laakiin waxa loo baahan yahay wixii dhacay la isaga garaabo. Ma aha wax qabiil loola jeedo oo qabiil daba socdo, laakiin waa wax ay geysatay dawlad jirtay oo aan cidna ka maqnayn ee lagu wada jiray oo la garanayo in hebel iyo hebel maamulka ahaayeen, hebel iyo hebelna shacab bay ahaayeen dhibtu gaadhay, markaa kii aan shaqo ku lahayn la gaadhsiin maayo, balse ninka loo tirinayo ayaa eedda yeelanaya oo ay u taal in fal-dambiyeed ka mid ah noocyada ugu xun caalamka waxa ka dhaca ayaa halkan ka dhacay oo dadkii geystayna la waa garanayaa oo weliba markii ay dhacaysay loo wada taagnaa oo weliba falalka noocaas ah lagu dallacayey xil ahaan.”

“Maalintii dhirta laga jarjarayey halkan ee la bannaynayey (maalintii la bilaabay baadhitaanka) iyo maanta waa kala jaad oo laba muuqaal ayeynu duljoognaa. Maalintii hore dad badan baa is lahaa malaha meeshu waa iska dhul ee tolow wax ma loogu tegi? Annaguse mar walba waanu ku kalsoonayn inay yihiin xabaalo aannu warkoodana hore u haynay, aaminsanayna in loogu tegi doono dad xasuuq lagu laayey. Calaamado ayey kala leeyihiin dadka la xasuuqay iyo kuwa kale. Waynu aragnaa maanta oo waxaynu duljoognaa lafo qayaxan oo qaabka loo aasayna inoo muuqdo, calaamadihii dilkooda sababayna wax badan dibadda laga arko.Waxyaabahaas oo dhan wararkii aynu haynay ayuun bay xaqiijinayaan.

Arrintani waa taariikh dalkan ka dhacday oo u baahan in laga warbixiyo oo la ogaado xaqiiqda sida wax u dhaceen oo la soo bandhigo iyo in dadkan sida ay u aasan yihiin si ka ixtiraam badan oo diini ah loo aaso, waxa kale oo ay noqonaysaa in falkan dadkii geystay laga xisaabtamo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Geesta kale, laba qubuurood oo lagu bilaabay hawlgalkan oo lagu qodayo xabaalo-wadareedyo dhawr boqol gaadhaya oo ay ku jiraan dadkii ay laysay dawladdii Siyaad Barre, ayaa loogu tagay lafaha dad badan oo inta meelo godad ah lagu ururiyey la laayey, kuwaas oo aan ilaa hadda la garanayn waxay galabsadeen.

Inkastoo aan weli la dhammaystirin qoditaanka labada xabaalood, haddana waxa mid walba ka soo baxay qalfoofka dadka tiradoodu badan tahay oo inta loo xasuuqay si axmaqnimo ah lagu xabaalay godod loo diyaariyey, iyagoo qaarkood isku xidhxidhan yihiin kuwa kalena isdul saarsaaran yihiin, kuwaas oo ay dul saaran yihiin maryihii ay xidhnaayeen oo aan badankoodu isbeddelin.

Khubarada baadhitaankan wada ee ururka EPAF waxay warbixinahooda hordhaca ah ee la xidhiidha lafaha ay xabaalaha ugu tageen ku sheegeen inay u badan yihiin dhallinyaro ah da’doodu u dhexaysay 16 ilaa 35 jir, kuwaas oo ay ka muuqdaan meelihii rasaasta lagala dhacay oo qaarkood lagu dilay qoryo waaweyn sida qoriga la yidhaa Brown-ka.

Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Xasuuqa ee Somaliland Mr. Khadar Axmed Like, ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in ay diyaariyeen meel lagu aaso lafaha ku jira xabaalo-wadareedyada la qodayo.

“Marka la soo saaro lafaha meel baanu u calaamadin, kuwan [xabaalaha hadda la qodayo] oo keliya maaha ee dhammaan dadkii la laayey eek u jira xabaalo-wadareedyada dalka ku kala yaal meel ayaanu u samaynay si sifo sharci ah loogu aaso,” ayuu yidhi Mr. Like.
 

 

Source:Jamhuuriya