“Xubnaha Komishanku Way Diidanaayeen In La Furo Ururadda, Waana
Wakiilo Ay Soo Doorteen Sadexda Xisbi, Dr. Gaboose-Na Looma
Ogolaanayo Inuu Kulmiye Iska Dhex Sharaxo”Ismaaciil Aadan (Ismaaciil
Yare)
Hargeysa (TNN)-Wasiirkii hore ee daakhiliga Eng. Ismaaciil Aadan
Cismaan (Ismaaciil Yare) ay aa ka digay in gacanta loo galiyo
hawlaha diwaangalinta ururada xubnaha Komishanka doora shooyinka,
kaas oo ku eedeeyey inay markii horeba is hortaageen furista ururada
oo aanay ogolayn in la furo.
Ismaaciil Aadan waxa uu tilmaamay inaanay gudida doorashooyinku
aanay dhexdhexaad ka n oqonayn arinta diwaangalinta, maadaama markii
horeba ay ka kala socdeen sadexda xisbi qar an, isla markaana waxa
uu madaxwaynaha ugu baaqay inuu magacaabo gudi diwaangalineed oo ka
madaxbanaan xubnaha Koomishanka.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka PDP Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan
waxa kale oo sharci da ro iyo dulmi ku tilmaamay hadii
doorashooyinka golayaasha deegaanka laga dhigo liis, kaas oo
golayaasha sharci dajinta kula taliyey inay wax ka badal iyo kaabis
ku sameeyaan oo ay ka dh igaan in xildhibaanada deegaanka loo soo
doorto sidii Wakiiladda loo soo doortay.
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah
oo uu Haatuf shalay ku siiyey Hutel Imperial ee magaaladda, kaas oo
ka waramay arimo badan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Komishanka,
waxa uu yidhi “Runtii arintaas xildhibaano badan oo golaha qaranka k
a tirsan waan ka arkay, marka maadaama oo wali aynaan inagu u
bislaanin dimuqraadiyada oo qabyaaladii dalkeenii xoog ku leedahay.
Liiskii golaha deegaanka ee hore loo qori jiray wax a uu ahaa mid
cadaaladda aad iyo ada uga fog, mana garan kartida intii qof ee
xildhibaanka deegaanka u codeeyey iyo wixii aan u codaynin.
Doorashooyinkaa deegaanka ee hore qofka lama soo dooranayn ee
xisbiyada ayaa la soo dooranayey oo codka la siinayey, markaa ninka
aanay cidi u codayn ee aad liiskaagii ka dhigto numberka koowaad mar
walba wuu soo baxay aa xataa hadii aan hal codna la siinin, taasina
waa cadaalad daro, haduu doono codka ninka kale ayuu ku soo baxayaa.
Sidii ka dhacday Burco birigaas ee uu ururkii Sahan sameeyey, waxa
ay qoreen liis isku wada reer ah, isla markaana intaasi ay ahaato
koowaad, labaad iyo sadexeed-ba. Xataa hadii aad kala duwdo oo aad
numberadda ugu horeeya oo dhan aad mid walba reer gaar ah siiso
reerka aad siiso numberka 4-aad way boodayaan oo waxay odhanay aan
anaga kaayagii waxaad siisay numebrka 4-aad ee maxaanu cod ku siinaa
ma soo baxay ee. Waayo qofkii ay wateen ee ay codka siinayeen
codkoodii looma tiranayo oo cod wadar guud ah ayaa loo tiranayaa
taasina waa mid xaaraan ah, isla markaana waxa uu ahaa Is-xambaar”.
Eng. Ismaaciil Aadan isaga oo hadalkiisa sii wata oo la hadlaya
Guurtidana, waxa uu yidhi “Wa xaan soo jeedinayaa in labada gole ee
Wakiiladda iyo Guurtidu ay wax ka badal ku sameeyaan Xeer Lr 20,
isla markaana xildhibaanka golaha deegaanka laga soo dooranayo loo
soo doorto sidii golaha wakiiladda loo soo doortay oo xildhibaanka
Hargeysa ka sharaxan ee aad number 25 ku qorto uu ku kalsoonaado in
isaga la soo dooranayo oo codkii helayo isaga oo number 25 ah, ka
aad number koowaad ku qortayna uu waayi karo isaga oo ugu number
horeeya. Marka a hadii aanu nahay ururada cusub waanu
cambaaraynaynaa sidaa golihii hore deegaanka loo soo doortay, isla
markaana waxaan leeyahay waa is xambaar xaaraan ah ee waa in
golayaas ha sharci dajintu wax ka badal ku sameeyaan. Arintaas hadii
wax laga qabto waxa aynu ka ra ysanaynaa Qabyaaladii iyo Xumaantiiba”.
S: Xeerkii furista ururadda siyaasadu waxa uu ka soo gudbay oo soo
ansixiyey Wakiiladda, hadana Guurtida ayuu horyaalaa markaa maxaad
is leedahay way ka yeeli doonaan Guurtidu?
J: Aad ayaan ugu mahad naqayaa ugu horayn Golaha Wakiiladda, gaar
ahaan gudidii arimaha gudaha oo runtii daneeya yaasha ururadda intay
u yeedheen wax ka waydiiyey arintaas, isla markaana waxaan uga
mahadnaqayaa xeerka sida ay u dadajiyeen ee ay u gudbiyeen, Laakiin
kolay wax binu-aadam soo qoray dhaliil ma waayo oo wax ayuun baa ka
dhiman. Xeerku hada waxa uu horyaalaa Golaha Guurtida markaa waxa
aan iyagana u soo jeedinayaa in waxyaabihii laga tagay ay dib u
hagaajiyaan oo ay wax ka badal iyo kaabisba ku sameeyaan. Waxyaabaha
aan jeclahay inaan dul maro ee aan hoos loo eegin waxa ka mid ah,
gudida diwaangalinta marka la soo dhiso ee ay ku dhawaaqdo ayey
diwaangalintu bilaabmaysaa laba bilood ka dib, labadaas bilaad waxa
Imtixaanka ugu badan horyaalaa oo uu ku dhacayaa ururadda cusub oo
laga rabo inay goboladda iyo degmooyinkii tagaan oo ay xafiisyadii
ka soo furtaa, isla markaana ay gudiyadii ka soo dhistaan. Waxa kale
oo laga doonayaa inay shirwaynihii qabsadaan oo ay samaystaan
Guddoomiye, ku xigeen, golihii dhexe, golihii fulinta. Markaa waxa
aad u adag in ururka yar maanta lagu dhawaaqay in shaqadda intaas
leeg la yidhaahdo ha lagu dhameeyo mudadaas aadka u kooban, waxa ay
noqonaysaa dulmi iyo tacadi loo gaysanayo ururadda cusub ee dalka ka
dhismi doona. Uma jeedo doorashadda golaha deegaanka ee la qabanayo
dib ha loo riixo, laakiin waxaan soo jeedinayaa hal bil halagu daro
wakhtiga loogu talo galay inay ururadu isku diyaariyaan, ilayn la
mid ah sadexdan xisbi ee 10-ka sano soo jiray ee gudiyadoodii iyo
nidaamkoodiiba dhisan yihiine.
S: Todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee iyagu ay soo
magacaabeen sadexda xisbi qaran iyo Guurtidu ma isleedahay daacad
ayey ka noqon doonaan hadii loo dhiibo hawsha diwaan galinta?
J: Komishanku waa Komishan qaran, waxaana loo soo doortay inay
shaqadda doorashooyinka qabtaan, ma jecli inaan ka hordhaco ujeedada
Komishanka doorashooyinku ay ka leeyihiin inay ku dagaalamaan inay
maamulaan hawlaha diwaangalinta waayo anigu wax badan ayaan ogahay.
Waxaan ogahay inay Baarlamaanka ilaa Madaxtooyada ay aad uga
Kaambayn gareeyeen sidii iyaga loogu dhiibi lahaa Diwaangalin,
waxaanan arintaas u arkaa arin khaldan, isla markaana waxa ay shaqo
seejinayaan Muwaadiniin kale oo reer Somaliland ah, iyada oo aynu
ognahay shaqo la’aanta haysata dadkeena. Mida kale Komishanka
shaqadooda kale ayaaba ka badan, mana haboona in Diwaangalin iyo
hawl kale loogu daro shaqadooda. Waxaan taas loogu aamini karina
waxa ay ka kooban yihiin oo ay wakiilo u ahaayeen sadexdii xisbi ee
hore waa Kulmiye, UDUB iyo UCID, isla markaana xisbi waliba waxa uu
soo doortay cida uu isagu raalida ku ahaa. Waxa jirta oo iyaduna
xubno ku lahayd Guurtida, isla markaana Guurtiduna waxa saamayn wayn
ku lahaa xubnahooda dawladdii hore ee jirtay oo labadaa xubnood ee
ay ku lahaayeen gudida doorashooyinka waxa lagu tiranayaa uun
dhinaca xisbiga UDUB. Gudida Doorashooyinku waxa ay ka soo
horjeedaan oo ay ka dagaalamayeen Furista Ururadda, markaa maadaama
oo ay sida uga soo horjeedeen ururadda cadaalada cadaalad noqon
mayso inay yidhaahdaan hanaloo dhiibo maamulka gudidda diwaangalinta.
Waxa ay hore Kaambayn uga dhexgaleen xubnaha Komishanku golaha
wakiiladda, isla markaana waxa ay hada faraha kula jiraan oo ay wax
ka dhexwadaan guurtida, markaa waxaan leeyahay waa xaaran inay
maamulaan diwaangalinta maadaama oo ay ka soo kala jeedaan sadexda
xisbi ee jira.
Waxaan ku baaqayaa oo aan soo jeedinayaa, isla markaana danteenu ku
jirtaa in madaxwaynuhu uu magacaabo guddi cusub oo maamusha
Diwaangalinta, taas oo aanu ku taageersanahay inuu kaligii soo
doorto. Waxaanan kale oo aan iyagana ka dalbanayaa golayaasha sharci
dajinta in iyaguna ay wax ka badalaan 2-da sano ee ay leeyihiin
gudida diwaangalinta cimrigeedu ha ahaato, waxaan ugu baaqayaa oo
aan aaminsanahay in danta dalkeenu ku jirto in wakhtigooda
sharciyadda laga dhigo 5 Sano, sida Komishanka oo kale.
Komishankii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato ee ay ku jireen
Cadami, Garaadka iyo Shugri waligeen maynaan arag Komishan ka adag
oo ka tayo wanaagsanaa, xataa hadii lagu daro Komishanka wakhtigan
hada iyo kii ka horeeyeyba.
S: Marka ururadda la furo ma isleedahay xisbiyada hada jira meesha
waad ka saari doontaan oo waxa badali doona xisbiyo cusub?
J: Haa waxaan aaminsanahay inay sadexda xisbi horta ugu yaraan ay
laba meesha ka bixi doonaan, xataa waxaan qabaa xisbul xaakimku
hadii aanu awood dawladeed isticmaalin inuu meesha ka bixi karo.
Markaa qiyaastii waxaan 95% rumaysanahay in labadda xisbi ee kale ee
UDUB iyo UCID ay meesha ka bixi doonaan.
S: Wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose ma isleedahay waxaad iskaga
hor iman doontaan tartanka doorashadda deegaanka, mise aaminsan
tahay in uu damacsan yahay inuu Kulmiye dhexdiisa damacsan yahay
inuu iska soo dhex sharaxo?
J: Waxaan aaminsahay hadii uu Dr. Gaboose rabo inuu xisbi furto
wakhtigan inaanu xilkan sii hayeen wasaarada daakhiliga oo marka
imika bishaa Ramadaan dhexdeeda ay ansixiyaan golaha guurtidu,
madaxwaynuhuna waxaan filayaa inuu dhawr cisho gudahood ku dhaqan
galin doonaa oo uu gudida ku magacaabi doonaa. Markaa hadii uu damac
siyaasadeed ku jiro wakhtigan muu sii hayeen ayaan filayaa xilka uu
hada hayo ee arimaha gudah. Dhinaca kale hadii aan ka hadlo tan inuu
rabo inuu Kulmiye dhexdiisa ku tartamo waxaan qabaa oo ii muuqata
inaan taasna loo ogolaanayn, sababta oo ah qoladan Kulmiye
hogaaminaysaa ilama aha inay Dr. Gaboose u ogolaanayaan inuu
xisbigaas dhexdiisa iska soo dhex sharaxo.
S: Hadii aan wax kaa waydiiyo khilaafka UCID oo aad dabcan horena
uga hadashay, isla markaana laba garab u kala jabay yaad u aragtaa
guddoomiyaha sharciga ah ee xisbigaas, ma Mirre Waqaf mise Faysal
Cali Waraabe?
J: Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID anigu waxaan ilaa
maanta u arkaa Faysal Cali Waraabe marka sharciga la raacayo
maadaama oo shirwayne lagu soo doortay. Aniga oo aan cidna garabka
saarayn hadana runta waa in la sheegaa maaha inaynu isku aamusno,
waxaanan qabaa muranka xisbiga Ucid ka dhextaagan ee loo maara
laayahay inay ka danbeysa xukuumadda oo wax talaabo oo cad ka qaadi
l’a, waxaan dawladda odhan lahaa waa laga qurux badan yahay inaad
xisbi qaran xafiiskiisa dhigtaan askar oo aad furayaashii xisbigaas
qaadataan. Sidaan hore u sheegay Faysal Cali Waraabe waxa uu
Ceerigaabo ka balanqaaday inuu talada xisbiga wareejin doono hadii
laga guulaysto doorashada, markaas taas waa in lagula gartamaa, mana
qurux badna sida ay dawladdu arintaas uga hawl gashay.
S: Sideed u aragtaa safarka madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisu ugu
kicitimeen dalka Chine?
J: Socdaalkaas madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisa wax sidaas u
badan oo aan kala socdaa ma jiraan, laakiin anigu taageeri maayo
kana hor dhici maayo ee waxaynu sugi waxa uu madaxwayneheenu inoola
soo noqdo, maadaama oo markii hore aanu hore uga hadal isagu, isla
markaana saxaafadu ha waydiiso sababta socdaalkiisa iyo cida soo
casuuntayba.
Madaxwaynahana waxaan ugu baaqayaa oo aan leeyahay madaxwayne
dawladii hore ee aanu ka tirsanayn waxaad kaga duwanaataa in aad
marka aad safar u baxayso aad shacbigaaga uga.
Source: Wargayska Haatuf
|