“Xorriyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland Waa Mid Ay Goo steen Shacabku, Maaha Did Dal Kale Iyo Ummadd Kale Ku Xidhan” Dr Maxamed C. Cumar
 


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed................


Dubai (TNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan siyaasadda cusub ee uu Maraykanku sheegay inay ku aqoonsadeen dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxame d Cabdilaahi Cumar oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta oo maanta u warramay Laanta Afs oomaaliga ee Idaacada BBC-da, ayaa sheegay inaanay Somaliland saamayn ku yeelanayn xidhii dhka cusub ee uu Maraykanku sheegay inuu la samaynayo, isla markaana kula macaamilayo dawladda Soomaaliya.

Waxa kale, oo uu Wasiirku tilmaamay inaanay waxba iska bedeli doonin xidhiidhka Somaliland, M araykanka iyo beesha caalamkuba, waxaanu daboolka ka qaaday in qaddiyadii ay caalamku ho re u sheegeen inay Somaliland iyo Soomaaliya mid walba ula macaamilayaan gaar ahaantood aanay saamayn ku yeelan doonin aqoonsiga uu Maraykanku siiyay Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu Wasiirku sheegay in xidhiidhka cusub ee Maraykanka iyo Dawladda Soomaaliya waxtar u leeyahay Somaliland, kaasoo uu tilmaamay inuu dawo ka noqon doono khataraha ammaan-dar ro ee Somaliland kaga yimaada Soomaaliya.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Dawladda Maraykanku wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Soomaaliya anagu waxaanu u aragnaa mid anagana faa’iido noo ah oo khatarta nagaga iman jirtay Soomaaliya ee nabadgelyo darrada iyo xasilooni darradu ka mid tahay, waxaanu rajayn doonaa in arrimahaas yaraan doonaan, laakiin dhinaca kale Maraykank u muu odhan Somaliland lama shaqaynayo, waxa kordhay oo aad u sii badanaya danaynta iyo soo dhaweynta ay caalamku u qabaan Somaliland oo ay ka mid tahay socdaalka aanu hadda ku joogno wadanka imaaraadka oo markii ugu horeysay ay wadamada carabtu albaabadooda iyo siyaasaddooda u fureen Somaliland, bishii hore dawladdo badan oo reer Yurub ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Denmarka ayaa ku baaqay inay mucaawinooyin dhaqaale oo toos ah ay Somaliland siinayaan, markaa arrimahaas oo dhami waxay muujinayaan in dareenkii iyo wada shaqayntii beesha caalamku ee Somaliland aanu runtii yaraanin ee uu sii badanayo.”

Wasiirka oo ka hadlaya qaddiyad wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi. “Midi waxa weeye mawqif mucayin ah oo ay dunidu inta badan qaadato oo ah in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin arrimo iyaga u gaar ah ka shaqayntoodu, waana masalo siyaasaddeed, laakiin waxa muuqata in shirkii kal-hore caalamka oo dhami isugu ee Maraykanku uu ka mid ahaa ee London ka dhacay qaraarkii ka soo baxay wuxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay beesha caalamku ku tyaageerto inay ka wada hadlaan arrimaha ka dhexeeya iyo mustaqbalkoo da, waana dood iyo wada hadalo hadda lafteeda noo socda oo aanu labada dawladdood filayno inay ka wada hadlaan, dawladdo badan oo caalamka ka mid ahina ay ka qayb qaadanayaan, markaa waxaan filayaa taasi inaanay Somaliland mushkilad ku ahaanayn Somaliland.”

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku daboolka ka qaaday inay Somaliland iyo Soomaaliya mucaawinooy inka ay hore ugu qoondeeyeen in mid walba gaarkiisa loo siiyo, isla markaana aanay waxba iska bedelin. “Dhinaca kale qaddiyada labada xidhiidh (dual track) wuxuu ahaa wuxuu ahaa qaaciido mucaawinooyinka loogu kala qaybiyo Soomaaliya iyo Somaliland arrintaasna wax isbedel ah oo ilaa hadda noo muuqdaa ma jiro. Laakiin qodobka waxaasoo dhan ka wayni waxa weeye xorriy ada iyo madaxbanaanida Somaliland waa mid ay goosteen shacabku, maaha mid dal kale iyo um ad kale ku xidhan.

caalamkuna wuxuu ahmiyada siinayaa qaddiyada ay shacabku goosteen ee shuruucda ku dhis an, arrintaasina mid isku bedelaysa xidhiidh dhex mara Soomaaliya iyo Maraykanka maaha, kha tarna uma aragno arrintaas, waxaanu u aragnaa mid aan waxba yeelayn ictiraaf doonka.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan xidhiidhka cusub ee dawladdaha Soomaali ya iyo Maraykanka.

 

 


Timacade News Desk
Dubai,UAE