Dr Mohamed Omar oo Sheegay in Xukuumadda Rayaale ka Khal khashay Safarka Siilaanyo ee Maraykanka

 


Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka

Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho La’aan ku  Ri day Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii Kala Hadlaya’


Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka “Taageeradda dhaqaale  Marayka nku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”

“Waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka Somaliland”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar


London (Timacade News) - Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in safarkii guddoomiye Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka uu degenaansho la’aan ku riday maamulka  madax weyne  Ray aale, isla markaana ka naxday guulaha siyaasadeed ee KULMIYE u soo  hooy ey shacabka Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo isagoo jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska xalay  Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay, ayaa sheegay inuu maamulka  madax weyne Rayaale hinsaase xoogan ka qaaday sida diiran ee guddoomiyaha xisbiga  mucaa ridka ah ee KULMIYE loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka, arrintaasi oo sababtay in madaxweynaha iyo wasiiradiisu siyaabo kala duwan oo khalkhal ku jiro uga hadleen  booq asha Axmed Siilaanyo ku joogo Maraykanka, waxaanu xoghayaha arrimaha dibedda  KUL MIYE uu xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliyaan degennaansha dhexdooda, islamarkaana iska ilaaliyaan kala hadalka dhexdooda ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ugu horayn ka hadlay arrimihii ugu waaweynaa ee ay kala hadleen masuuliyiinta dawladda Maraykanka ee ay kulama la yeesheen waxa uu yidhi;

“Arrimaha aan isleeyahay way ugu waaweynaayeen guulihii Somaliland uga soo hoyatay booqashadii rasmiga ahayd ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisu ku tageen dalka  Ma raykanka waxa ka mid ah annagoo waydiisanay in la laban-laabo, isla markaana toos  loo gu soo gudbiyo caawimooyinka Maraykanku u fidiyo Somaliland oo hadda gacan  saddexa ad la soo mariyo, arrintaasna waa nalaga aqbalay.

Waxa kale oo ka mid ahaa guulaha Somaliland uga soo hoyday safarkayaga, annaga oo Senator Donald Payne ka codsanay inuu Baarlamaanka dalka Maraykanka u gudbiyo  moo shin ku saabsan qaddiyadda Somaliland iyo sidii taageero loogu fidin lahaa, arrintaasna wuu naga aqbalay, waxaannu noo sheegay inuu waqtiga ugu fiican ee munaasibka ah u gudbin doono Baarlamaanka mooshin ku saabsan Somaliland.

Waxaannu Donald Payne ka codsanay sida uu ugu ololeynayo qaddiyadda Koonfurta  Su dan inay gooni noqoto inuu Somaliland-na sidaas oo kale ugu ololeeyo, annagoo dhinaca kalena ku taageernay tallaabada Payne iyo dalkiisa Maraykanku ugu ololeynayaan  goo nni-isu-taagga Koonfurta Sudan.

Waxa kale oo aannu ka codsanay in Maraykanku joogteeyo taageerada iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo Somaliland, isla markaana goob-joogayaal caalami ah u soo diro  doorashoo yinka dalka ka dhacaya, taasna waa nalaga aqbalay.

Arrimahaas oo dhan waxaannu kala hadlanay qaybaha kala duwan ee wasaaradaha iyo hay’adaha Maraykana ee aannu ka kulanay, annaga oo si gaar ah ula kulana Donald  Pa yne iyo mudane kale oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Aqalka Kongeraska dalka Maraykanka, taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin  ka ra xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”

Xoghayaha oo la weydiiyey sida uu u arko eedaha xukuumadda Rayaale u jeediso  Sena tor Donald Payne ee ah inuu ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, waxa uu ku  jawa abay; “Donald Payne maaha nin cadow ku ah Somaliland, waa nin saaxiib inala ah oo  aw ood badan ku dhex leh dalka Maraykanka, isla markaana u qaabilsan arrimaha Geeska  Af rika iyo qaybo ka mid ah Carabta oo ay Yemen ku jirto.

Dawladda Maraykanku waa dal danaynaya inuu wax la qabto Somaliland, waxaanna lala yaabay oo bulshada amakaag ku noqotay in la yidhaahdo Donald Payne waa cadowga Somaliland, arrintaasna aad buu la ayaabay markii xukuumaddu tidhi; ‘Weftigii KULMIYE waxay la kulmeen Donald Payne oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.’ Runtiina  ha ddii Baarlamaanka iyo dawladda Maraykanku innaga soo horjeedaan waxba innooga  soc on maayaan siyaasadeena, dhaqaalaheena iyo horumarka dalkeena, weftiga KULMIYE si heer qaran ah looma qaabileen oo la casuumeen ay sabab ay Axmed Siilaanyo ula  kulma anna may jireen, haddii Donald Payne iyo Maraykanku neceb yihiin maamulka Rayaale  wa a la saaxiib shacabka Somaliland, sida naloo casuumayna waxay muujinaysaa in  Marayk anku saaxiib la yahay Somaliland.”

Waxa kale oo Xoghayuhu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga mucaaradka ee  KULM IYE iyo dalalka jaarka ah, sida Ethiopia oo kale, isaga oo sheegay in safarkii Axmed  Siilaa nyo ku soo maray Addis Ababa wax weyn ka beddelay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada  lab ada dhinaca, waxaannu xusay in safarkaasi meesha ka saaray dacaayado xukuumaddu xidhiidhka KULMIYE iyo Ethiopia.

“Ethiopia waa dawlad aynu daris nahay oo xidhiidh qoto dheeri innaga dhexeeyey ilaa iyo waqtigii halgankii, isaga oo Axmed Siilaanyana ilaa waqtigaa macaamil lahaa Ethiopia oo qayb libaax ka soo qaadatay halgankii dib-u-xorreynta dalka. Intii uu Guddoomiyaha  KUL MIYE booqashada ku joogay Ethiopia waxay la kulmeen madax iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaas, waxaanna xisbi ahaan naga go’an in aannu xidhiidh fiican la yeelano haddii aannu doorashada ku guulaysano dalalka deriska ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Xoghayaha oo aannu weydiinay sida ay u arkaan eedayntii Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey qurbo-joogga Somaliland ee ahaa inay Somaliland ma jirto qaadhaan ku bixiyaan, waxa uu yidhi; “Arrintaas waxay noqotay mid ay qurbo-joogga reer Somaliland oo udub-dhexaad u ah horumarka dalku ay aad ula yaabeen, runtiina xisbi ahaan aad baanu uga xunnahay, waxaananu aaminsannahay in hadalkaasi uu yahay mid ku kooban Rayaale iyo maamulkiisa oo ay shacabka intiisa kale la qabin, dadkuna gudo iyo dibedba aad bay ula yaabeen, waxaanna hadalkaa xukuumadda ka keenay khalkhal iyo hinaase ka qaadeen  safarka Guddoomiyaha KULMIYE ku tegay dalka Maraykanka iyo madaxda sare ee ay la kulmeen.”

Mar la weydiiyey Xoghayaha sida ay u arkaan hadalkii ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenk a arrimaha dibedda ee ahaa Guddoomiyaha KULMIYE dalka ma soo geli karo ilaa iyo inta uu cafis weydiisanayo shacabiga, waxa uu ku jawaabay; “Hadalkaasi wuxuu ahaa wax  la gu qoslo, Axmed-Siilaanyo-na dalka ma soo geli karo lama odhan, runtiina dadku aad bay ula yaabeen, waayo Axmed-Siilaanyo iyo madaxda KULMIYE, dalka way uga lexejeclo  ba dan yihiin Rayaale iyo maamulkiisan dalka iyo dadkan oo muddo aad u dheer ay duurka ugu jireen xorayntiisa, iyaga oo maalkoodii iyo dhiigoodiiba u soo huray xorayntii dalka, Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, markaa in  aay ar la iska yidhaa dalka ma soo geli karo waa wax lagu qoslo.

Imikana iyaga ayuun baa mar labaad yidhi cidi may odhan Axmed Siilaanyo ma soo geli  ka ro dalka oo way kala hadlayaan, waxana muuqata in booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Maraykanku degenaansho la’aan ku riday maamulka Rayaale oo waa kuwaa wasiirradiisii kala hadlaya, waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka  Soma liland, isla markaana iska ilaaliyaan xasillooni-darrada dhexdooda ka jirta ee ka dhalatay hinaasaha ay ka qaadeen booqashadaas,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

 



Source: Jamhuuriya Online