Xafladii Ugu Ballaadhnayd Ee Lagu Qabto Birmingham Oo Xisbiga Kulmiye Farsamooyin Cusub Dhaqaale Loogu Uruuriyay Guddi Tiro Badana Lagaga Dhawaaqay

 


 

Birmingham (TNN)- Xaflad ballaadhan oo kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka  dha cday magaaladda caasimadda labaad ee waddanka Ingiriiska Birmingham, Xafladan oo  aha yd mid noceedu ku cusub yahay qurbajooga waxaa soo agaasimay Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham, waxaana ka soo qayb galay siyaasiyiin ay kamid ahayeen, Guddoomiye ku-xigee nka labaad ee  Kul miye Abdirahmaan Abdiqaadir, Xoghayaha arrimaa dibadda Dr. Maxamed A bdillaahi Cumar, Marw ada Guddoomiyaha Kulmiye Marwo Aamina Waris Shiikh Maxamuud, Ax med Cilmi Bare oo ah  Siya asi da'yar oo qurbajooga isla markaana guddida fulinta Kulmiye ah, Marwo Ilhaan Maxamed  Jaam ac oo yana guddida fulinta ah, Xidhiidhiyaha Qurbajoga Cismaan Saxardiid (Cadaani) Guddida  Fuli nta Kulmiye Uk oo ay kamid ahayeen Guddoomiyaha Ibraahim Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Suldaan Siciid Kabadhe.

Waxaa kale oo yaguna shirka ka soo qaybgalay Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo uu  ka mid ahaa Xildhibaan Ibraahim Dhadheere oo Xisbiga Udub uga soo baxay Gobolka Sanaag, A rdayda jaamacadaha, Fanaaniin, iyo dadweyne tiro badan. Ugu horeyn wuxuu Guddomiyaha shirka  hagaa yay Muuse Asar Guuleed oo isagu shirka hagaayay ku soo dhaweeyay Shiikh  Ba aruud oo kamid ah culimada Birmingam oo halkaas aayado qur'aan ah iyo wacdi guud ka soo jeediyay, kadib  wax aa hadalka qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Abdirahmaan  Abdiqa adir wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Isagoo ka hadlaaya rajada Kulmiye ka qabo  do orashooyinka wuxuu yidhi "Waxaan ku garanayaa in rajada Kulmiye wacantahay haddii laba qolo ku racaan waad gulaysanaysaa, waa dhalinyaradda iyo  hawee n ka, shirarkii aan ka qayb-galaa yay waxaan arkaayay dhalinyaradda iyo haweenka oo dadkii waa weynaa ka tiro badan.

"Abdirahmaan Abdiqaadir oo ka hadlaayay aqoonta  guddoomiya ha xisbigiisa Axmed Silaanyo iyo siduu musuq maasuqa uga dheeryahay waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu yidhi". Anigu mid baan idin sheegayaa Musharaxa Kulmiye Axmed Silaanyo  wa a nin Musuq maasuq ka dheer, waxaan aqaanay isagoon rer yeelan oo aan aqal galin, illaa  ma rkuu ahaa Wasiirka Dawladii Maxamed  Siy aad taasna Musuq kamuu yeelin S.N.M markuu  Gudd oomiyaha u ahaana muu yeelin manuu  same yn Kulmiyena kamuu sameyn, dawladiisa iman  do ontana ka samayn maayo taas ku  bushaarays ta."

Waxaa isna halkaas ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye Dr. Maxamed Abdillaahi  Cum ar, wuxuuna dhaliil badan u soo jeediyay Xukuumadda Somaliland waxaa hadaladiisi kamid ahaa "Qaranka Somaliland waxay misaniyadiisu dhaafi ladahay 42 Milyan, Kulmiye haduu  tal ada dalka qabto wuxuu saddex labaad iyo afar laab ka dhigidoonaa misaaniyada qaranka, mis aaniyada  had da ee dawladu %60 waxay ku baxdaa Madaxtooyada halka wasaaradda  waxba rashada ay ku  ba xdo %15." Xoghayaha oo hadalkiisi sii wata ayaa ka hadlay haday xukunka qabtaan siday  aduun ka iyo dawladaha jaarka ah ula xidhiidhi donaan, wuxuuna yidhi. "Haddii aanu talada waddanka qabano waxaanu Somaliland ku xidhi doonaa adduun weynaha anagoo xidhiidh fiican la samayn  do ona waddamada Jaarka ah sida Jabuuti Ethopia, Keenya iyo  wadd amada kale".

Marwada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa yana halkaas ka hadashay yadoo si weyn  amm aan u huwisay qurbajooga, waxay si kaftana u tidhi "Maanta anigaa laysoo iib geeyay  qurba joogow ragg baad barigii hore arki jirteen", waxay sidoo kale ka hadashay arrimaha  waddan kii iyo waliba rajada Xisbiga odaygeedu hoggaamiyo ay ka qabaan doorashada, yadoo ka  she ekaynaysa  Gobo llada dalka waxay tidhi. "Lixda gobol ee waa weyn ee Somaliland Hargaysa  y ada hore ayaa loo  o gaa oo Kulmiye ayaa awood ku leh, Burco yana waa lamid iyo Ceerigaabo, waxaanse ku farax  san ahay Gobolka Saaxil ee Berbera oo in badan ay fartu nagu godnayd  m aanta hadaan runta idin sheego %80 waa Kulmiye faanbay aniga ii tahay. Boorame waa  gob olkeeni waxba Rayaale uma qaban hadad is leedihiin wuu ka soo jeeda waxaan u qabano ayaa ugu horeyn doona". Axmed  Cil mi Bare oo guddida fulinta ah ayaa isna halkaas ka hadlay  wux uuna sheegay in maanta Kulmiye u bahanyahay cududa qurbajooga ee dhaqaale ahaan iyo  fa rsamo ahaanba. Waxaa goobtii lagaga dhaqaay guddi aad u tiro badan oo loogu magacdaray guddida ololaha qurbaha yadoo u goobtii kaga dhaqaaay Xidhiidhiyaha Qurbajooga Kulmiye, Mr. Cismaan Cadaani. Mubarig Yuusuf Cilmi  (Bi dhi) oo ah nin ciyaaraha ka shaqeeya horena Xukuumada Somaliland ugu magacowday Wakiilka S omaliland ee Yurub ayaa isna halkaas ka hadlay yadoo Xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye  she egay in isagoo hawshii qaranka haya isla markaana Kulmiye ka tirsan uu shaqadiisa sii wadan doo no.

Xafladan ayaa ahayd mid noocedu ku cusub yahay qurbajooga xagga abaabulka iyo xagga  farsa mada, yadoo lacag tiro badan loogu uruuriyay Xisbiga Kulmiye, isla markaana lacag  gaadhaysa 6000$ goobti lagaga dhawaaqay, halka xafladoo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qofna lagu  qalaa yay tigidh qimihuusu yahay 20£ Giniga Ingiriiska. Waxaana qaybtii danbe ee xafladu noqotay  mas rax faneed ay Fanaaniin caani ka heesayeen. Isku soo duubo markaad eegto Xafladahan Kulmiye ayaa u muuqda kuwo dhaqaale loogu uruurinaayo Xisbiga Kulmiye


Source:Hadhwanaag