WAR-SAXAAFADEED
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War-Saxaafadeedkan Ku
Canbaareynay aa Dhaawaca Iyo Tacadiga Loo Geystey Xildhibaan Jaamac
Faarax Axmed (Jaamac Riyo ) oo golaha Guurtida Somaliland ka tirsan
oo maalintii shalay si baadheedh ah loogu weera ray Afaafka Hore Ee
Golaha Guurtida ee Somaliland halkaasi oo sida Xildhibaanka iyo
dadkii halkaasi ku sugnaayeenba sheegeen nin Ciidanka CID-da ka
tirsani Uu Mudane-aha si bad heedh ah uu ku faro saaray,
Xildhibaan Abwaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) sida aynu og
nahay waa Xildhiiba aan umaddu Igmatey, isla markaana ah Abwaan mu
alif ah oo suugaanta ku caan ah,wax ana Xukuumaddu dhibsatay Gabayo
uu Abwaanku sameeyo oo xaaladdaha taagan iyo dar eenkiisa ku cabiro
taas oo ah mid uu xaq u leeyahay sameynteeda.
Hadaba waxa uu Xisbiga Cadaaldda iyo Daryeelka UCID uu cod dheer ku
canbaaraynayaa falka mudane Abwaan Jaamac riyo sida badheedhka ah
Ninka loo adeegsaday kula kacey isla markaana waxa ay Taliyaha
Ciidanka Bileyska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan u soo
jeedinayaan in uu si deg dega uga jawaabo una soo qabto ninka la
sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidanka CID-da oo hadii ay arintaasi
jirto Ciidanka Amniga Sumcad daro weyn ku ah maadama oo Golaha
Guurtida Hortiisa uu falkani ka dhacay taas oo sawir xun iyo dhiiri
gelin faldanbiyeed ku ah Amniga qaranka.
Ugu danbeyntii Xisbiga UCID waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba
Canbaaraynayaa falkaasi amni darada ka turjumayay ee weerarka lagu
la kacay Abwaan Jaamac Faarax Axmed Riyo oo ka tirsan golaha
Guurtida Somaliland waxana aynu og nahay iyada oo ilaa hada aan
waxba laga qaban weerarkii kan ka horeeyay ee lagula kacay
Xidlhibaan Maxam ed Faarax Qabile oo isna ka tirsan golaha
Wakiiladda Somaliland oo isna fal isku day dil ah magaaladda isaga
oo maraya loogu geystay ilaa hadana wax laga qaban iyo Falkii Wargey
ska Hubaal oo isna Rag Asgarta Ciidanka Amniga ka tirsani weerar
kula ka ceen horaantii Sanadkii hore imikna waliba Xayiraad sharci
daro ah loogu daray,marka waxa aanu falalk aasi isa soo taraya ee
amniga Somaliland lidiga ku ah Isla markaana Gawrac Ku Ah Xoriyo tul
Qawlkii Qarankani Ku Soo Caano Maaley Sadexdii Dawladood Ka Horeeyey
Dawladan Axmed Siillaanyo Gadhwadeenka Ka Yahey
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex
Md: Faysal Abiib Gudhane
————————————————–
ALLAA MAHAD LEH
|