WAR-SAXAAFADEED

 

.

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa uu Warsaxaafadeedkan Ku Canbaareynayaa laba arimood oo aad u fool xun oo shaley ka kala dhacey deegaanka Abdaal ee ka tirsan Gobolka.Saaxil iyo dhibaato lagu hayo dadka ku ganacsada suuqa weyn ee Waaheen, Arinta koobaad, Xadhiga iyo Jidh dilka Loo geystey shaley dadka ku nool Abdaal kuwaas oo fikirkooda si Salmiya u sheegayeey ama u cabirayey iyagoo ku taageerayey Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka,iyaga oo ka soo horjeedey dad la soo abaabuley oo hore u dhaleeceeyey Golaha wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Dadkaas oo u badnaa dumar ay ku jiraan hooyooyin dhawaan umuley iyo qaar uur lehba,ayaa ilaa imika ku xidhan sif sharci daro ah, waxaanan xukuumada ugu baaqaynaa inay dadkaas xoriyadooda u soo celiso.

Iyada oo lagu jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan oo sida la og ya hey ay suuqa waaheen ku ganacsadaan ganacsato yar yar oo u badan hooyooyin ayaa sh aley iyada oo aan waxba la ogeysiin Tacadiyo, jidh dilka,Awood sheegasho Bur burin (Hantid oodii) iyo xadhig loogu geestey Suuq Weynaha Waaheen.

Hadaba xisbiga ucid waxaa uu si adeg u Canbaareynayaa falalkaa foosha xun ee ka baxsan bila,aadanimada ee lagula dhaqmey dadka masaakiinta ah ee u baahan gacan qabashada, falalkaas foosha xun oo ina xasuusinaya dawladii kaligii taliyihii maxamed siyaad bare ee sha cbigani ka gil gishey.

Sidaa daraadeed Xukuumada Maanta Talada Haysa waxaanu ugu baaqeynaa iney si deg deg ah xoriyadoodii ugu soo celiso dadka ay sida sharci darada ah u xidh xidhey ee u badan ma atida,Waxaa kale oo aanu ugu baaqeynaa iney ganacsatada yar yar ee suuqa Waaheen in ey Alaabtoodii u soo celiso isla markaana Mag dhawna siiso

Ugu danbeyntii waxaanu xukuumada kula talineynaa isla markaana aanu ku waanineynaa in ey ka waantowdo Xadhiga,jidh dilka,Cabudhinta,Tacadiga,Xadgudubka iyo Awood sheegasha da ay ku hayso shacbi weynaha wanaagsan ee reer Somaliland

 



Allaa Mahad Leh



Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse A/laahi