WAR SAXAAFADEED

 


Xisbiga Kulmiye maalinba maalinta ka danbaysa wuxuu muujinayaa bisayl siyaasadeed.
Xisbiyada kalena waxaan kula talinyaa inay xisbiga Kulmiye wax ka bartaan

Waxaan salaamaya dhamaan shacabka ree Somaliland , waxaan kaloo salaamaya saxaaf ada Somaliland.
Anigoo ka mid ah xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya ayaa waxaan halkan hamabalyo iyo bogaadin u diraya dhamaan masuuliinta xisbiga iyo masuuliinta kale ee dawlada mata la sida wanaagsan ee uu bisaylku ka muuqdo ee ay u lafa gurayaan arimaha xisbigooda haday tahay beratan dhexdooda ah iyo haday tahay sidii danaha dalkooda iyo xisbigood aba ay uga hor marinayaan danta gaarka ah.

Xisbigan Kulmiye waa kii talada dalka ku guulaystay sanadkii 2010 kii isagoo guul weyn oo balaadhan ka soo hooyey doorashadaa . Xisbigan ayaa ah mid gaadhay heer u dhigma xi sbiyada waaweyn ee caaalamka ka jira marka loo eego baaxadiisa taageero ee uu ka hay sto dhamaan shacabka Somaliland meel walba oo ay aduunka ka joogaan. Taageerayaasha Xisbigan ayaa noqday kuwo aad ugu kalsoon xisbigooda iyagoo aan u u baqyn xisbiga gaar ahaan mar walba oo ay xisbiga dhexdiisa uu ka jiro tartan ku saabsan maansibta kal duwan ee xisbiga .

xisbigan ayaa soo maray taariikh dheer oo ay marmarka qaarkood ay dad badan oo xsibi ga dibada ka jooga ay is lahaayeen in xisbigani uu gelbanayo , laakin mar walba xisbigani marxaladahaa kala duwan ee uu soo maray wuxuu kaga soo gudbayey wadatashi iyo isu tanaasul. Xisbigan ayaa marxalad walba oo la soo gudboonaata ka sii dhaxla xoog iyo dar dar hor leh, waxaa daliil inoogu filan doorashadi ugu danbaysay ee madaxtinimada ka hor sidii uu xisbigu shirarkiisa u qabsanayey isagoo isku kalsoon halka ay ku dhici kari waaye en xsibiyadii kale ee wakhtigaa jiray kuwaas oo ku danbeeyey burbur iyo wax aan loo ba ahnayn.Waxaan kaloo soo qaadan karnaa sidii uu doorashadi dhawayd ee golaha degaan ka ee dalka ka qabsoomay uu u aamusiiyey qaar badan oo neceb guulaha xisbiga kulmiye ka dib markuu laba sano iyo badh ka dib oo uu xukunka dalka hayey uu isku hubsaday taa geerada inta badan ee shacabka Somaliland hadaanay ahayn dhamaantood.


Xisbi siyaasadeed waxa weeye dad is uruursaday oo dhinaca siyaasada iyo fikradaha ah ka midaysan ama aad isugu dhawdhaw. Xisbiga siyaasiga ahi qof iyo koox gaar ahi ma sh eegan karto , wuxuu leeyahay qawaaniin iyo shuruuc ay tahay in la wada ixtiraamo. Xisbiga kulmiye haday masuuliin tahay iyo haday taageerayaal tahayba ma jecla mana s oo dhawayanayaan khilaafyada had iyo jeer xisbiyada qaarkood ku keena burburka, waa yo wax dan ah oo dalka iyo dadkaba ugu jirta ma jirto. Shacab ahaana waxaa inagu waaj ib ah inaynu dhamaan xisbiyada qaranka ilaashano si ay dawladnimadeena iyo dimuqraa diyadeenuba ay u koraan. Xisbiga kulmiye waa xisbi ogol kala duwanaashaha fikradaha siyaasdeed ee xisbiga guidhiisa ah madaama ay ku salaysan tahay siyaasada ama xeera rka u yaala xisbiga isla markaana ay waajib ku tahay xubin walba in ay daacad u tahay u na hogaansan tahay shuruucda xisbiga . Xisbiga gudihiisa wixii ka baxsana aan looga baa hnayn inuu la yimaado dhaliilo iwm.


Ugu danbayn waxaan xisbigayga iyo masuulki damaciisa soo bandhigaba kula talinaya in uu mar walba maslaxada guud ee xisbiga iyo shuruucdiisa dhawro , anaguna hadaanu na hay taageerayaasha waxaanu masuul walba ku qiimayn doona sida uu u dhawro midnima da xisbiga kana ilaaliyo wixii tashuush iyo kala furfur ah.
Dimuqraadiyada xsibiga dhexdiisa taala ayaa saamaxaysa in xisbiga dhexdiisa lays garab san karo laakin aanay taas macnaheedu ahayn sida cadowgu ku farxayo ee ah in xisbigii garabo u kala jabo oo meeshi lagu kala tegey

Waxaan talo kale u soo jeedinayaa xsibiyada kale ee qaranka inay dhistaan shuruucdood a iyo wixii ay ku kala bixi lahaayeen iskana dhaafaan hadalada aan faaiidadu ugu jirin mu jtamaceena oo aanay iska indha tirin hawlaha u yaala gudahooda si aanay u dhicin tii ho re u soo martay. Waxaan leeyahay ka dhugta xsibiga aad walaalaha tihiin ee Kulmiye oo aad maantaba aad arkaysid in siyaasi walba oo xisbigan ka mid ahi uu usoo bandhigayo damaciisa siyaasadeed , weliba aad qaarkood arkaysid iyagoo damacooda siyaasadeed sheeganaya iyagoo gobolada dalka iyo dibadba ku kala filiqsan isla markaasna aanay jirin cid qudha oo xisbiga ah jagaduu doono ha ka hayee oo ka daba qaadanaya una diidi kar ayn inuu damaciisa soo bandhigo waayo waxaa la ogayahay in halka ugu danbaysa ee ay ku kala baxayaana ay tahay xisbiga shruucdiisa .

Wxaan leeyahay Guushiinu waa guusha Somaliland ee mar walba indhaha ku haya taarii khda uu dalkani soo maray iyo malaayiin qof ee reer Somaliand ee idinka sugaya sidii aad dalkan u gaadhsiin lahaydeen caalamka inaga horeeya ee talaabasaday.

Somaliland ha noolaato

NB:War saxaafadeedkani waa mid ra’yigayga ku kooban oo keliya

 

 

 

 

Suldan kabadhe
Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye Forum