Cali Maxamed X. Ibrahim Cigaal oo ah wiilka ugu wayn Caruurta uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibrahin Cigaal, ayaa ka hadlay khilaafka hadheeyey Xisbiga UDUB

 

Cali Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

 



“Khilaafku waa wax iman kara, laakiin Madaxda Xisbiga ee garabbada kala noqday waxaan ugu baa qay aa inay iyagu isu yimaaddaan oo ka wada-tashadaan mustaqbalka Xisbiga iyo….”
Cali Maxamed X. Ibra ahin Cigaal



Dubai (TNN)-Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ah wiilka ugu wayn Carruurta uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, ayaa ka hadlay khilaafka hadheeyey Xisbiga UD UB , oo laba garab u qabsan wakhtigan, isla markaana waxa uu ugu baaqay dhinacyada Xisbiga inay isu tagaan oo ka wadahadlaan waxa ay isku maan-dhaafsan yihiin, soona afjaraan khilaafka, si ay u dhawra an sumcadda iyo midnimada Xisbiga Bahweynta UDUB.

Waxa uu sheegay Cali Maxamed X. Ibraahin Cigaal, ayaa sheegay in Xisbiga UDUB oo Aabbihii aasaasay yahay Xisbi Somaliland wada leedahay, isla markaana aan loo baahnayn wakhtigan in khilaaf ka dhex ab uurmo halkii uu bulshada Somaliland iskagaga wadi lahaa, isaga oo xusay inaanu Xisbigu ahayn mid cid ga ari yeelan karto ama iibin karto ama ay si kale uga faa’iidaysan karto. Mr. Cali oo ku sugan magaalada Du bai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Xafiiska guud ee Wargeyska Ogaal ku leeyahay Caasimadda Hargeysa.

“Waxaan idiinla soo xidhiidhay inaan ka hadlo khilaafka ka dhex-jira Xisbiga UDUB oo ILLAAHAY ha u naxa riistee aasaasay Aabbahay. Sidaa daraaddeed, Xisbiga ciddii wadday annagu qoys ahaan marna kumaan naan fara gelin, kuna fara gelin mayno, laakiin waxaannu ka damqanaynaa in Xisbiga Baweynta UDUB ma giciisii iyo sumcaddiisii la xumeeyo oo maanta Xisbigii ummadda Somaliland ku midaysnayd la yidhaahdo w aa la iibinayaa, waa wax ceeb ku ah Bahweynta Xisbiga UDUB ku midaysnayd.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxa med.

Cali Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa sheegay inaanu UDUB ahayn Xisbi cidi ka sheegan karto Somaliland, waxaanu yidhi; “Xisbiga UDUB oo ku suntan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo budh-dhigay aasaaskiisa, maaha Xisbi cid gaar ahi leedahay ama kooxi ay sheegan karto. UDUB Habar-Awal malaha, Ciise Muuse m a laha, Habar-Jeclo malaha, Habar-Yoonis malaha, Ciida-gale malaha, Gada-buursi malaha, Dhulbahante malaha, Isaaq malaha ee Somaliland oo dhan baa leh, cid gaar u sheegan kartaana ma jirto.

Xisbiga sidaasa ee ay Somaliland oo dhami ku jirto kuna midaysan tahay, waa ceeb iyo sumcad-darro in maanta la yidhaahdo waa la iibinayaa.” “Xisbiga UDUB wuu ka ballaadhan yahay wax shandad lagu rido, wuu ka culus-yahay wax la yidhaahdo maanta waa la iibinayaa oo nin Shandad Lacag ah sita ayaa lagu wareejinayaa, UDUB waxa uu ahaa Xisbi dimuquraaddi ah oo dhexdiisa ay tahay in laga tartamo, ka dibna cidda codka ugu badan heshaa Musharrax noqoto.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed I. Cigaal.

Siyaasaddu lacag maaha, Aabbahay markii uu tagay shirkii Boorama 1993-kii ee Madaxweynaha Somalila nd loogu soo doortay,  laba shilin oo Lacag ah muu haysan , ee isaga oo fara madhan buu tagay oo la do ortay, sidaa daraaddeed, waxa siyaasadda la yidhaahdo laguma gaadho Shandado lacag ah, ee jid kale a yaa loo maraa.” Ayuu yidhi Cali.

Cali waxa uu soo jeediyey in dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa xalka isla gaadhaan, waxaanu isagoo arr intaa ka hadlaya yidhi; “Khilaafku waa wax iman kara, laakiin Madaxda Xisbiga ee garabbada kala noqday waxaan ugu baaqayaa inay iyagu isu yimaaddaan oo ka wada-tashadaan mustaqbalka Xisbiga iyo sidii uu u sii ahaan lahaa Xisbi ay reer Somaliland ku midaysan yihiin, waxaanan leeyahay isu-tanaasul yeesha oo soo afjara khilaafka Xisbiga ka dhex-taagan, si uu Xisbigu u sii ahaado mid jira. Waayo? Khilaafka maanta waxa uu keeni karaa in la kala jabo oo Xisbigu guul ka keeni waayo doorashooyinka soo socda. Sidaa dar aaddeed, waxaan leeyahay Inta uu Guddoomiyihii UDUB Daahir Rayaale idiin imanayo wuu imanayaa baan maqlaye, inaad arrinta dhulka dhigtaan midnimadiinnana ka shaqaysaan.”

 

 



Xigasho: Wargeyska Ogaal.