Xirsi Cali Xaji Xasan Faashil Aan Gaadhi Karayn Ayuunbaa bannaanka Ka Caaya




Baryahan dambe waxaa inagu batay aflagaaddooyinkii, eryo aynnaan caado u lahaan jirin iyo olale lagu hayo wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan. Waxaa kale oo aan mararka qaarkood aad ula yaaba ciyaal yar yar oo madaxweynaha ama shakhsi kale oo mas`uul oday ah oo aaba hood ama awowgoodba la 'eg ku af dilaacsanaya. Waar wax kaleba ha joogaane dadkan dhaqaanka khariban wataai xagay inooga yimaaddeen?

Marka qof si gar darro iyo af-xumo ku jirto uu ka been abuurayo masu'uul siyaasi ah, wax aa isna dhanka kale ka soo jawaabaya qof isna xaqa arkaya ama diiddanba aflagaadooyin ka qaawan ee baryahan dambe mareegaha qaarkood caado ka dhigteen qoriinkeeda, ama jecel si dad wax kala garanaya inay wax u dhaliilaan.


Waxaa xaqiiq ah in muwaadin kastaa xaq u leeyahay inuu si caafimaad qabta u dhaliilo daw lad kasta oo talada dalka qabata, waxaa se nasiib darro ah in dhaliisho noqoto mid ka baxs an luq addii iyo basarkii wax la isugu sheegi jiray oo baryahan dambe noqotay cay qaawan. Waxaa w ax laga xumaado noqotay in dhaliilo aflagaadaysan oo aan jirin laguna dhaawaca yo karaama da qof mas`uul ah in lagu soo daabaco mareegaha internetka ee reer Somalil and qaarkood. Waxaa kale oo caado noqotay hiin raac hadba guuxa socda iska daba raaca oo aan ra`yiba lah ayn ahna Xirsi diid oo xaal ka noqday adna is muuji oo ku muji sawirkaa ga internetka. Waxaa ceeba ah oo dhaqan iyo siyaasadba ka reebban in dhaliil aan sal iyo raad toona lahayn lagu so o qoro shaashadaha mareegta internet-ka ama war baahiinta kaleba ee dad waynaha warar ka looga fidiyo. Waxaa anshax xumo iyo dhaqan xumo ah in maqaalada iyo wararka laga duwo oo laga qulbaa gadiyo sidii ay u dhaceen si aan ahayn oo lagu weero masu'uul qaran ama loogu yeedho naanayso rakhiis ah oo aan dhaliil ahayn balse shakhsi cay weerer ah lagu soo dhajiyo shaashadaha mareegta internet-ka. Waxaad ogaata qof waliba wuxuu aqalkooda kala yimaaddo ayuu la shir yimaaddaa ka edaabta iyo hadalka ladifan leh aqalkooduu kala yimid kan afxumda ku hadlayaana isnaa aqal dhaqan xumadan iyo xasiidiini ka buuxdo ayuu ku soo barbaaray.


Baryahan dambe waxaa hadaba magaciisa la dhigi waayay Xirsi oo dad badan ay ka soo hadh ay Xirsi, Xirsi... Horta Xirsi Cali Xaji Xasan ninna wax u leeyahay kama qaadan ee waa se shak hsi mas`uul qaran ah oo xilkiisa guta shaqadiisana ka soo baxa. Xirsi inta daba qaadatay waa la isla la yaqaanna inay yihiin xaaraan ku naaxyadii afmiinshaarnimada jaamicadaha uga soo baxay, waa dhadhamo raacyadii sida telephonka loo buuxsan jiray oo maanta taangigoodii qal alay. Xirsi shaqdiisu waa wasiirka xafiiska madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland. Shaqadiisuna waxay xidhiidh la leedahay dadka subax kasta ugu soo kalaha xafiiska madaxto oyada ee doonaya inay u soo galaan xafiiska madaxweynaha hawlo shakhsi iyo hawlo muhiim ahba. Waxay shaqadiisu la xidhiidhaa hab maamulka maalin laha ah ee uu u shaqeeyo xafiiska madaxtooyadu oo uu wax badan ka badalay una ekaysiiyay madaxtooyo qaran. Xirsi wuxuu madaxtooyada ka badalay dhaqankii ahaa shaxaadka iyo dan laawanimada la iskaga soo kalihi jiray madaxtooyada, .


Xirsi Cali Xaji Xasan qofka aflagaadaynayaa waa qarad leh waayay foosto naafto ah, ama hab aar qabe dhul aanu lahayn dhacay oo hore u caadaystay inuu madaxtooyada ka soo afmiinsha areeyo iyo qof wax aan macno lahayn ugu soo kalihi jiray madaxtooyada. Dadka hadaba dana ha sidaas ah ugu soo kalaha madaxtooyada oo haddii ay dhul tahay ay ahayd in ay la xidhiidh aan dawladda hoose haday wax kale tahayna ay ahayd in la xidhiidhaan wa saaraddii ku shaq o lahayd ayaan ku farxin jawaabaha ay ka helaan wasiir Xirsi oo shaqadii sii noqotay wasiirka madaxtooyada oo ay khusayso hawlaha xafiiska madaweynaha.

 Kuuwaasaa noqday kuwa Xirsi la daba galay hadalada rakhiiska ah ee aan af muslin iyo af ga aleed toona aan lagu odhan karin. Fariintaydu waxay tahay anigu Xirsi mana aqaan mag aala da Hargeysana waxaan hadda ku jooga fasax yar oo gaaban ayaan hadana indhahayg a ku soo arkay shaqada fiican iyo sida wanaagsan ee wasiir Xirsi xilkiisa u guto. Waxa kale oo aan ogaaday maanta dibna aan la iigu qaldi doonin dhaqan xumada laga baahiyo maree gaha war baahinta internetka ma aha dhamaantood ee waa qaar gaar ah oo reer Somalil and ah dadka na ku majaro habaabiya kana baxay asluubtii iyo hab dhaqankii saxaafadda. Haddaan soo gab agabeeyo, Waar Xirsi waa halyay shaqadiisa ka soo baxay kuna adag mabadi `iisa shaqo maa lmeedka ah oo faashil nolasha ka dhacay uun ku hadaaqayo cayda Xirsi .


 

 


Dayib Xaji Siciciid ( Dayib Qorane)
qorday44@gmail.com