Xilkasnimo darida ay ku kaceen Golaha Wakiiladu

 



Maqaal waxa aan doonaya in aan kaga hadlo Sharci dhawaan ansixiyey Golaha Wakiiladu, h oryaalalna Golaha Guurtida. Sharicigaas oo qayb ka mid ahi ka hor imanayso dastuurka qora nka iyo xeerka doorashooyinka labadaba. Haddaba inta aan nuxurka maqaalka gudagalin, bel aan isku dayo in aan qeexo laarimood oo aan maqaalkan ku tixraacidoono:

dastuurku wa maxay? Dastuurku waa hab dhaqn dhaqaale oo loogu talagalay in lagu dhiso dal laguna dhaqo ummadda dalka ku nool. Marnaba ma aha mid loogu talagalay mid dad yar oo koobani ku adeegtaan.



Xeerka Doorashooyinku wa may? Xeerka Doorashooyinku waa hab iyo nidaam loogu tala ka galay in loogu maamulo si xaq iyo cadaalad ah doorashooyin qaranka, waana nidaam la fuliy ey ayaga oo ay dhan yihiin axsaabta qaranka, labada gole, iyo xukuumaduba.mana aha mid qodobadiisa loo jabin karo si fudud iyada oo loogu danayanyo dad tiro yar.



Haddaba aan u soo noqono nuxurkii maqaalka oo ahaa Shariciga ay gudbiyeen golaha Wakii ladu. Sharcigaa isga ahi waa mid qayb ka mid ahi fasaxaya in xildhibaanku isaga oo xilkiisii ha ya in uu gali karo ama ku biiri karo xisbiga uu doono, amaba furan karo xisbi gaar ah. Taasina waa mid ka hor imanaysa dastuurka iyo xeerka doorashooyinka qaranka labadaba. Waxaanu ka hor imanaya:

Dastuurka qaranka qodobkiisa 50naad faqradiisa ama qaybtiisa sadexaad oo odhanayaa( Xu bnaha golaha wakiilada waxa la waayi kara haddii uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii la gu soo doortay, ama uu gudan waayo xilkiisa.)
Xeerka doorashooyinka qodobkiisa 22naad faqradiisa ama qaybtiisa sadexaad ooodhanaysa( Tirada kuraasida uu helay liis kasta oo ah dadka loo soo bandhigay inay ka qaybgalaan doorashada Golayaasha degaanka waxa loo xisaabaya qaabka qiyaasta saamiga kuraasta iyo codka( proportional representative list system).



Habka aynu wax u dooranaa waa (proportional representation system), macnuhuna waxay tahay dadku waxay u codaynayaan xisbinimada, marka xisbiyadu codka shacabka kala hela an ayey murashaxiintu xisbiga gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin xisbi ga dhexdiisa. Halkaa waxa ka cad in ay murashaxiintu ku soo baxayaan cod xisbigu leeyahay, laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo uu ku soo baxay.

Sidaa daraadeed, xeerka cusub ee Golaha Wakiiladu ansixiyeen faqradiisa ama qaybtiisa sad exaad waxa ay ka hor imanaysa labada qodob ee aan kor ku xusay, ee kala ah Dastuurka Qa ranka iyo Xeerka doorashooyinka.

Sababta oo ah, mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii xisbiga keenay oo aanu meel kale ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanadu mar walba waxay ku hadhaysaa xisbiga.

Haddaba, si aynu uga nabad galo khalkhkal iyo qalalaase ka yimaada arintan ayada ah, ama aanay u noqon wada halaq, oo aanay kolba kooxdii dan gaar ah yeelata isugu dayin in ay Da stuurkii Qranka waafajiyaan dantooda gaarka ah. Waxa haboon in aad looga dadaalo inaanu Xeerkaa cusub faqradiisa sadexaad aanay hirgalin. Waxaanan Golaha Guurtida kula dardaam aya in ay xeerka dib ugu celiyaan Golaha Wakiilada, iyaga oo ka codsanaya Golaha Wakiilada in xeerka isaga ah laga saaro faqrada sadexaad ee keenaysa iska hor imaatinka sharciga.

 

 

 

 

Qore: Cali Axmed Sh Musa
Email: golwaraabe@yahoo.co.uk