“Dawladihii hore Nabad galyaday ilaalin jireen, Xukuumad ana iyadaa
Dalkii duminaysa oo umadda fidmo ka dhex abuuraysa” Xildhibaan Baar
Xildhibaan Baar Siciid Faarax Dhahar oo ah xildhibaanada kaliya ee
haweenayda ah ee ku jirta golaha.........
Hargeysa (TNN) – Xildhibaan Baar Siciid Faarax Dhahar oo ah
xildhibaanada kaliya ee haweenay da ah ee ku jirta golaha Wakiilada
Somaliland ayaa xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedaysay
inay faragalin qaawan ku hayso hogaanada golayaasha deegaanada ee
cusubi ay dooranayaan, waxaanay tilmaantay in dalka xaalado amaan
darro iyo qalalaase ay ka abuuray so xukuumadu, waxaanay intaa ku
dartay in hantidii qaranka ay xukuumadu u adeegsanayso sidii Maayaro
u dhego nugul ay golayaasha deegaanadu u dooran lahaayeen, taas
darteedna ay sheegtay in shaqaalihii dawlada loogu hanjabayo in
shaqada laga eryi doono qofkii aan xildh ibaankiisa golaha deegaanka
ku jira aan ku soo xidhin xukuumada.
Xildhibaan Baar Siciid waxay sidaasi ku sheegtay mar uu wargeyska
Haatuf xogwaraysi khaasa uu kula yeeshay xarunta golaha wakiilada,
ayaa sidoo kalena xukuumada Madaxweyne Siilaan yo ku eedaysay
masuuliyada sababihii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka
dhacday 28 November 2012 looga qaban waayay deegaanada bariga Sanaag
ee ay ka soo jeedo oo ay tilmaantay in xukuumadu ay ku fashilantay
inay sugto amaanka deegaanada bariga Sanaag.
Xildhibaan Baar Siciid iyada oo ka hadlaysa arrimahaasi wxay tidhi
“Waxay ahayd inaynu distoo rka iyo shuruucda dalka ku dhaqano,
golayaashan deegaanka ummada ayaa soo dooratay, wa xay ahayd inay
xukuumadu faragalinta iyo cago juglaynta ay ka dayso, waxaa hada la
marayaa in shaqaalihii dawlada lagu yidhaahdo ninka aan
xildhibaankiisa deegaanka keenin waa la eryay aa, dawladuhu iyagaa
nabadgalyada ilaalin jiray, waxaadse moodaa in xukuumadan
Madawxw eyne Siilaanyo iyadii nabadgalyo darradii abuurayso, heerka
ay marayso oo ay iyadu xaalad abuur dalka ka aloosayso, waxaan
leeyahay xukuumadu faragalinta golayaasha deegaanka ha ka dayso,
xubnaha golayaasha deegaanada ayaa iyagu u madaxbanaan doorashada
Maayarad a iyo maayar ku xigeenada, nasiib daro xukuumadii iyadii baa
doonaysa in Maayar taabacsan ay doorasho oo dhaqaale ku bixinaysa,
shaqaalihiina u hanjabaysa. Waxa fawaaxisha ayaa dalka ka socda,
siiba degmada Ceerigaabo waa inay dawladu ka xishootaa laba nin oo
isku rer Ceerigaabo ah inay iska horkeento,”
Xildhibaan Baar waxa intaas ku daryay “Dawladu fidmo ayay ka wadaa
degmada Ceerigaabo, farahana ha kala dhex baxdo golaha deegaanku
cidda ay dooranayaan, mararka qaarkood waaxaaban is idhaahdaa malaha
Madaxweynuhu waxan dalka ka socda waxba kama ogee meelo soke ayaa
laga soo maleegayaa, arrin madaxweyunuhu ogaan waayo waxan dalka ka
socda maahee madaxweynaha waxaan leeyahay wasiiradaadan xaalad
abuurka ka wada Ceerigaabo wax ka qabo, xubnaha golayaasha
deegaankana qaarna ha soo dhawaysan qaarna ha fogayne ha kuu
sinaadeen”
Xildhibaan Baar Siciid oo hadalkeeda oo si I wadata “Nin reer
Ceerigaabo ah oo la yidhaahdo Barre Cilmi Dable ayaa bari gabyay
iyadoo laba nin nina taajir yahay nina aanu hanti haysani ay
doorasho ku tartameen markaasu yidhi “lacag Ra’iis lagu noqdo laysku
raacaayo rabdadihii xashiish ayaan raro aboor ku laasteen, waxaan
leeyahay dawladu lacagaha ay dadka iskaga horkeenayaan dalka wax
hawgu qabteen”.
Xidhibaan Baar oo ka hadlaysa aragtideeda ku wajahan go’aankii
komishanku kaga joojiyeen in doorashadii golayaasha deegaanada inay
ka dhacdo deegaanda bariga Sanaag, waxay tidhi “degmooyinka Badhan,
Dhahar iyo bariga Sanaag waxay ku yaalaan meel xad ah, dawladii hore
marka doorashooyinku soo dhawaadaan bil ka hor ayay ciidamo gayn
jirtay, xukuumadan Siilaa nyo waxay ka baaqsatay inay ciidamo gayso
bariga Sanaag dabadeedna ciidamo kale ayaa soo galay, sidaa darteed
xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa ku fashilantay inay dalka
doora sho ka wada qabato, waxa kale oo ay ku fashilantay doorashadii
qabsoontay, afarti doorasho ee hore dalka uga dhacay wixii
musuqmaasuq ka dhacay doorashadan musuqmaasuqii ka dhac ay ayaa ka
badan”.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|