Xusuusihii 2010: Xil kasnimadii Xabiib iyo Xagal Daacii Xaraaro

 

  Xaraaro                              Xabiib



Sanad waliba waayihiisa iyo wakhtigiisa ayuu wataa, taariikhuna waa buug dhaxal gal ah oo dadku ku diiw aan galiyaan maankooda, mana duugowda taariikhda xun iyo Wanaaga taaba gala ee bulsho aad u qabto inta aad xilka hayso.

Xusuusta bani aadamku waxay soo celcelisaa Wanaaga shaqsi u sameeyo umadiisa, cadaalad samaanta  i yo horumarka bulsho ee uu ku talaabsado wakhtida uu xilka hayo, waxa kale oo raad ku reebta badalka  shaqsigaa Wanaagsanaa hadba waxa uu ka qabto goobta uu kala wareegay masuulkii ka horeeyay, waxa an la ilaawi Karin hadii uu ku talaabsado hadimooyin iyo waxyaabo kale oo hakad galin kara horumarka bul shadaasi hiigsanayso.

Aan u daadago Xusuusaha Sanadkii Tagay soo Maray Gobolka Wayn ee Gabiley oo ah Runtii Gobolka kaliya ee Wax soosaarka Dalka ee somaliland ku faanto.

Gobolka Waxaa soo maray shaqsi wanaagsan oo illaahay Garanaya umadiisa jecel, dadka inuu wax u qabt o jecel ,shaqsigaasi oo wali wakhtigaasi ka soo jeeday xisbi Maamulkiisu xun yahay balse isagu ku talaabsa tay talaabo dhaxal gal ah oo lagu horumarinayo Umadiisa.

Ma jecli inaan ku dheeraado waayo Dadku way ka dharagsanyihiin wixii uu Gabiley ka qabtay Maxamed Ax med Aw Cabdi Xabiib ,oo ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley, iyo maanta Gabiley halka ay marys o oo qiyaas ahaan Zero Level ku dhaw markaad barbar dhigto wakhtigaasi iyo bulshudu waxa ay hiigsanay say.

Waxaan jecelahay inaan Afar erey ku muujiyo xusuutayda sanadkii tagay iyo waxyaabaha ina soo maray.

 

 

Xilkasnimo Xabiib-baa leh

Xagal Daac
Xaraaraa leh

Xaqsoor iyo wanaag iyo

Xurmadii dadnimadiyo

Xalka raadintiisiyo

Xushmadiyo dad garashada

Xulka qaranka ee hore

Xariifkii dhexda ahaa

Dadku wada xusuustaan

Xidigtaa
Xabiib-baa leh

*********

Xurguftiyo xumaantiyo

Xaasidnimada Waayaha

Xilka xiisihiisiyo

Xaqal daaca reeraha

Xidhxidhkii qabiilkiyo

Xusul duubka xumahana

Xidigtaa
Xaraaraa leh.

********

Xayndaabka Seeraha

Xulashada Xukuumadu

Ku Xaqsoortay labadaa

Xal u raadintiisaa

Xaglihii idaaleen

Ma dadkaan xishoonayn

Ma mid xarago badanoo

Xilkas iyo aqoonlaa

Laga waayay xeradii

Mise xeelad kale oo

Xigaal iyo sokeeye lehoo

Xisbiguna hagranayaa

Xaga hoose joogtoo

Xilka loo hayaayoo

Xogihiyo wixii jira

Lagu xeeladeeyaa

**********

Xaqa oo la sooraa

Xurguftoo la dhawraa

Xaqiiqdoo la raadshaa

Xalka nabada weeyaan

 

 

Dulucda hadalkayga waxaan kaga baxayaa Qof kasta oo Masuul ah xilbaa saran, illaahay sanadkan Cusub khayrkiisa ha ina waafajiyo, masuulkaasina ku dayasho ayuu inaga mudanyahay taariikhda Gabileyna mar buu soo maray ee kulmiye Geed dheer iyo mid gaabanba ha u fuulo sidii uu ninkaas oo kale u soo heli lahaa waa hadii ay dan ka leeyihiin Gabiley.

 



Xilkasnimooy ha haajirin

Garashooy xumaha dhaaf

Xaqsooroow Sahama xulo

Masuuloow Xurmadda Dhawr

Siilaanyooy Xaqsoor Noqo

Xilka
eebe kaga Baqo

Gobolkana Xushmeeyoo

Xabiib oo kale u doon doon

 

Maxamed Aadan Maandhaye
maandhaye@hotmail.com