Xus
oo Xasuusnoow Xuskii Xeebta Jasiira ee 1989kii
Waraysi Gaar ah, nin habeenkaas la qabtay laakiin laga soo reebay
intii dadka aan loo qaadin dhinaca xeebta
London ,July 17,2010 (TNN)- Maanta waxay ku beegantahay
sanadguuradii 21 aad ee ka soo wareegtay habeenkii murugada badnayd
ee 17kii July 1989 xeebta Jasiira ee magalaada muq disho lagu
xasuuqay 46 nin oo reer Somaliland ahaa oo habeenkaas iyagoo hurda
saqdhexe guryahooga lagala baxay iyagoon wax denbi ah gelin laakiin
loo xasuuqay isir ahaan halkay ka soo jeedeen.
Hadaba waxaa dhawr sano ka hor SDWO uu waraysi ka qaaday Gaashaanle
Sare Canjeex oo dadaafeeyay inuu xasuuqaas ka danbeeyay. Hadaba waxa
maanta xuska xasuuqii jasiira noo suurtogashay inaan warysi gaar ah
le yeelano Adan Axmed Cabdi (dery) oo hada ku nool UK, oo habeenkaas
ku jiray dadkii guryaha lagala baxay hase yeeshee wakhtigiisa oo aan
dhamaa n uu nin ay jaar ahaayeen ka reebay in la kaxeeyo. Waraysigan
oo uu qaaday Guled Abdi She ekhaash wuxuu u dhacay sidan:
Su,aal - SDWO: Habeenkii Murugada
Badnaa ee xasuuqii Jasiira halkeed kaga sugnayd magaalada Muqdisho,
goormaadse ka warheshay in la raafayo ama la qaqabanayo dadkii
dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland?
Jawaab - Adan(dery) Habeenkaa ragga
lagurayey waxaan ku sugnaa xaafada (Buula-xuubey) weliba dhinaca
villa baydhabo, wadadayaduna waxay ahayd halkii dadka ugu badan
lagala baxay sagaalkii inan ee isku guriga ahaa ee afar walaalaha
ahaayeen oo alle ha u naxariitee ahaa rag aanu aad saaxiib u ahayn.
Su,aal - SDWO: Dadku xasuuqaas waxay ku
eedeeyaan inuu ka danbeeyay Gaashaanle Sare Canjeex oo SDWO waraysi
ay la yeelatay uun ku beeniyay jirtaanka eedeemaha loo soo jeediyo,
isla markaasna sheegayna inaanu wax shaqo ah ku lahayn, Maxaad adigu
ku cadayn kartaa inuu ninkaasi watay ciidankii xasuuqa geystay?
Jawaab - Adan(dery) Wax lawada ogaa bay
ahayd oo aan nina ka qarsoonayn anigaaba habeenkaas guriga la igala
baxay oo la iga sii siidaayey Canjeex
Su,aal - SDWO: Sidee baad ku aqoonsatay
inuu Canjeex yahay ninka ciidanka watay, mise wejigiisaa ayaad hore
u taqaanay, mise isagoo magaciisa loogu yeedhayo ayaad maqlaysay
habeenkaas?
Jawaab - Adan(dery) Ninikii iga sii
daayey markii guriga lagigala soo baxay ayaa ku yidhi waar ina
walidow waar canjeexoow inanka abtaan u ahaye siidaaya
Su,aal - SDWO: Wiilkii ka badbaaday
habeenkaasi wuxuu sheegay inuu ciidanka watay canjeex, arinkaasina
waxa dadaafeeyey Canjeex oo yidhi habeen madow siduu igu aqoonsan
karaa, maxaad adigu doodaas canjeex kaga jawaabilahayd?
Jawaab - Adan(dery) Waxaan kaga
jawaabilahaa canjeexow aniga iyo adiga iyo illaah way is
ogyihiin-raganimadaad habeenkaa ku laysay raga iminkana ku qiro
Su,aal - SDWO: Maxaa dhacay Habeenkaas
bal warbixin yar naga sii, sidey wax u bilaabmeen waxaad ka ogeyd?
Jawaab - Adan(dery) Illaah baa mahadleh'
waxay walaal kubilaabatay habeenkaa anagoo badan oo ilaa -9
dhalinyaro ah ayaanu makhaayad kasoo kacnay dabadeedna inamadii
waxay yidhaahdeen dumnad baanu ciyaaraynaa oo waxaygaleen guriga
nagasoo horjeeda, guri xaga bidix ka xiga reer ahaa mareexaan,
inankooduna wuxuu noqday koofiyad castii waxaana la joogey inan bah-dhulbahante
ahaa oo la odhan jirey Faysal Adhi-Carbeed iyo inan aanu aad saaxiib
u ahayn oo majeerteena ah lana yidhaahdo Najiib Raaqow- nin aad u
kala yaqaan buu ahaa saraakiish iyo madaxda oo aad baanu uga
sheekeysan jirney, wuxuu kaloo aad u yaqaaney sarkaal waliba halkuu
joogo. Waaberigii ayuu noo yimi najiib iyo inankii koofiyadcasta
ahaaba waxayna nagu yidhaahdee ragii idiin soo galay waxay ahaayeen
Canjeex iyo ina Walad oo Cimraan ahaa runtii ninkaa Cimraan waa
ragii na loo sheegay waana ninkuu dhagarqabe CANJEEX waraysiga ku
sheegay laakiin wax cusub may ahayn oo illaah wuxuu igu ogyahay
inaanu waaberigiiba ogeyn ninku inuu cimraan ahaa lasocdey CANJEEX.
Waxa kale oo loo galay habeenkaa nin la odhanjirey QOORGAAB oo isagu
guriga nagasoo horjeeda deganaa wuxuuna ahaa sarkaal sirdoon ahaa oo
reer-weyd ahaa oo aad ula shqaynjirey ismaacil cali abokor oo inta
laxidhay markii lasoo daayey buulka laga dhigay, gurigiisa way
galeen habeenkaas, inamo ii adeer iyo abti ahina gurigaa ayay
deganaayeen laakiin qoorgaab iyo ragii ciidanka watay ayaa isgartay,
kadina albaabkiisaba maydhaafin oo way ka soo baxeen. Qoorgaab wuxu
ahaa nin geesi ah oo aad u feejigan.
Su,aal - SDWO: Adigu sideed uga
badbaaday inaan lagu qaban mar hadii aad ciidamadii is aragteen
ururinayey dadkii la soo xasuuqayey?
Jawaab - Adan(dery) Waxaan walaal uga
badbaaday markay noo soo galeen nin baanu aad isu jikaarnay guriga
dhexdiisa waayo waxaan aad uga baqayey guriga rasaas baa taaley
laakiin meel ay ka taalo ayaanan garanayn inankii garanayeyna
habeenkaa muu joogin, markuu jikaarkayagii batay ee ay dhameeyeen
ayuu igu yidhi intuu qoriga laabta igaga dhiftay soo bax waryaa,
xiligaas go-yarbaan guntanaa, dabadeed waan raacay markaasay hooyo
kutidhi waar inanka yar saad leedahay waxuu yadhi geedkan geed
qadhaadh waaye - waa kelmada siduu u isitcmaalaye, xiligaas ninka
cibraan (ina walid) wuu nala joogaa laakiin muu hadlayn.
Banaanka markii aanu u soo baxnay ayaa ninkii qoorgaab ee aanu
jaarka ahayn deg-deg u furay albaabka oo ku yidhi waar canjeexow,
waar ina waladow inanka abtaan u ahaye sii daaya, Canjeex ninkuu
lahaa baa kuyidhi waryaa Qoorgaab kagal gurigaaga, markaas wadadu
way buuxday askari iyo qori miidhan bay ahayd, waxay mar qudha
kuwada yidhaah deen waryaa qoorgaab gal gurigaaga, markaasuu ina
walad oo dhinacayga taagnaa looto iyo feedh iskukaywada raaciyey,
bahal xooguu ahaayoo dhulkuu iigu ridey markiiba, markaasuu laad igu
kiciyey xagii albaabka guriga ayuu ii tukhuntukheyey isagoo leh gal
gurigaaga kadibna waxaan kudhacay albaabkii weynaa ee guriga
sidaasaan gurigii dib ugu galay'
Su,aal - SDWO: 47kii qof ee xeebta loo
qaaday sidaan ka warqabno wax qudha oo ka badbaaday Cumar Muuse,
ninkaas marna wax xidhiidh ah ma la yeelatay, mise ogtahay meel
lagala xidhiidhi karo hadda?
Jawaab - Adan(dery) Waalaal lamaan
xidhiidhin runtiina garanmaayo meel uu iminka ku suganyahay
Su,aal - SDWO: Maxaad ka ogtahay
nimanka uu canjeex sheegay inay habeenkaas joogeen sida uu yidhi waa
in iyaga wax laga weeydiiyaa sida, Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina
wilad) oo markaa ahaa taliyaha hawlgelinta guudtada labaad ee
tawaangida iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hirre Guhaad oo canjeex sheegay
inuu joogay goobtii uu amarku ka soo baxay iyo Sedex xadhigle
Maxamuud Afrax Shunuunac?
Jawaab - Adan(dery) Horta illaah baa
iga sareeye ninkii layga reebikari waayey wuxuu ahaa nin sadex
xadhigle ha oo dheer oo madow laakiin ma aan maqal mgaciisa
Su,aal - SDWO: Canjeex wuxuu sheegay
ragii habeenkaas ciidanka watay inay ahaayeen Gaashaanle Sare
Dhegobacayr iyo Taliyahii Koofiyad Casta -Diiriye Xirsi, Raggan ma
aragtay habeenkaas mise maqashay inay habeenkaas ciidanka xasuuqa
geystay ay wateen?
Jawaab - Adan(dery) Walaal ragan uu
dhagar qabuhu sheegay warkooda mahayo laakiin arinkii habeenkaa
dhacay wuxuu kadhacay ilaa sadex wado oo qudha. runtiina wax ciidamo
iyo saraakiil aad u badan u baahnaa may ahayn, ragii wadooyinkaa
lagu arkayeyna ragaas uunbay ahaayeen
Su,aal - SDWO: Goormaad ogaatay adigu
shaqsi ahaan in ragii la xasuuqay?
Jawaab - Adan(dery): Waxaanu walaal
ogaaney inragii lala baxay jazeera lala tegey oo lagu xasuuqay
goobtaa duhurkii markii inankii isagoo dhawac ah ee ka badbaaday
xasuuqa uu kasoo baxay ayuu xaafada ku soo horeeyey markaasay
baroortu is qabsatay.
Su,aal - SDWO: Adigu miyaad aragtay
inankaas soo badbaaday markuu xaafada yimid, gurigii lagala baxay se
intuu u jiray gurigiinii?
Jawaab - Adan(dery):Anigu inanka
ismaanan arag inanka wadada nagu xigta ayaana lagala baxay hase
yeeshee markuu gurigooda yimi ayaa markiiba deg-deg lagaga saaray oo
dhinaca kaasa-balbalaadhe ayaa loo qaaday laakiin wuxuu war hayey
dumarkii guriga joogay buu usheegay in ragii la-laayey sidaasuuna
warku isuwada qabsaday markiiba kadibna waxaanu ku wareegnay
guryihii lagala baxay inamada oo badankoodu aan ogeyn in la xasuuqay
inamadoodii xalay la qafaashey .
Su,aal - SDWO: Xasuuqii ka dib markii
duhurkii 18ka July laga warhelay wixii xalay dhacay, hadaad ahaydeen
dadkii la ugaadhsanayey ee ka soo jeeday Somaliland cabsi intii leeg
baa idin soo food saartay in tii xalay dhacaday oo kale ay halkeedii
ka sii socoto oo caawana guryaha dadka lagala baxo?
Jawaab - Adan(dery): Ruuntii walaal
ragu meyd socduu ahaa wer-werkaa aad noogu weyni wuxuu ahaa sidii
dumarka iyo caruurta looga saari lahaa, laakiin alle wauxuu nagu
ogaa inaan wax baqdin ahi aanay nagelin laakiin wer-wer aad u
weynbaa nahaystey, guryihii aanu kujireyna kamaanan bixin laakiin
waxaanu joojiney kubadii aanu ciyaarijirney, habeenkiina waanusoo
jeedi jirey.
Su,aal - SDWO: Adiga shaqsi ahaan
maadama aad arkaysay dadkii habeenkaas la ururiyey, imikana aan midi
dib uga soo laabaan, jawigaagu siduu ahaa habeenadii danbe, ma ka se
dheeraatay goobtii hore ee dadka laga ururiyey?
Jawaab - Adan(dery): Walaal shaqsiyan
aniga dhaawac weyn bay runtii ee iigeysatay anigu markaa waxaan ahaa
-13jir ragan walaal la-laayey waa ragii aanu tolka ahayn axsaabta
ahayn inamadii 9 ka ahaa jimce walba waxaanu tegijirey halkaa markii
danbe lagu laayey ee xeebta jasiira. Xasuuqii baana iigu dambaysey
kubad aan ciyaaro waayo niyad ahaan runtii meydbaan ahaa laakiin
halkii kamaan tegin gurigiina habeen walba waan seexanjirey.
Su,aal - SDWO: Goormaad ka soo baxday
Muqdisho, sideed se uga soo baxday, xageed se timid?
Jawaab - Adan(dery): Waxaan ka soobaxay
muqdisho sanadkaa 1989kii bishii October waxaanan imi dalka Qatar-Dooxa,
hadana waxaan deganahay UK
Su,aal - SDWO: Sideed dareentay Markaad
maqashay ama aad aragtay waraysigii uu bixiyey Canjeex ee uu ku
sheegay inaanu wax shaqo ah ku lahayn xasuuqaas?
Jawaab - Adan(dery): Walaahi walaal
markaan arkay ee aan daawaday canjeexoo leh aniga muu ahayn ninkii
ragaa xasuuqay ee weliba nin somalilander ahi waraysanayo waan ooyey
wayna itaabatay waayo anigiyo canjeex markii layga siidayey ilaahay
uun baa noo dhexeeyey.
Su,aal - SDWO: Maxaad dareentaa markaad
soo xasuusato habeenkaas iyo xasuuqaasi, gaar ahaan marka aad
saxaafadaha ku aragto xuska habeenkaas lagaga sheekeeyo wixii dhacay?
Jawaab - Adan(dery): Waxaan dareema
murugo iyo ciil waxayna igu noqotaa inaan aamusnado in mudo ah
waxaanan uga sheekeeyaa caruurtayda wixii habeenka dhacay si aanay
iyaguna weligood u ilaabin taariikhda, waxaanan diyaar u ahay
hawlgal walba oo dhagarqabe Canjeex sharci loo horgeyn lahaa
sikastaba ha ahaatee weliba anigu aan hormuud ka noqon lahaa.
Source:SDWO
|