Xarun Loo Dhisay Laanta Socdaalka Degmada Wajaale Oo Xadhiga Laga Jaray

 


Wajaale  (TNN) – Xarun cusub oo loo dhisay Laanta Socdaalka ee degmada Wajaale ayaa maanta xadhiga laga jaray waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo  Haaya da UNHCR.


Wasiirka Wasaarada Dib u dejinta iyo dib u dhiska Somaliland Md. Maxamed Yuusuf Cismaan, oo ka hadlay xafladii loo sameeyay furitaanka Dhimahaasi ayaa u mahad celiyay Haayada UNHCR oo  ma al gelisay hirgelinta dhismahaasi waxaanu tilmaamay inay xukuumad ahaan la socdaan mashaariic wax ku ool ah oo ay Haayadaasi dalka ka fulisay.

Wasiirka Dib U dejintu wuxuu Haayada UNHCR ugu baaqay inay waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin laanta Socdaalka degmada Wajaale wax kala qabtaan waxaanu yidhi “Waxaan u soo  jeedin ayaa Haayada UNCR oo xukuumad ahaan aanu ogsoonahay mashaariicda iyo waxtarkeeda  balaad h an ee Somaliland ay ka fulisay inay laanta socdaalka ee Wajaale wax kala qabtaan waxyaabaha kale ee ka dhiman oo ay ka mid yihiin qalabaynta xafiisyada, deyr lagu wareejiyo dhismaha iyo  Ga adiidkiiba.”


Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo sirdoonka ee degmada  Waja ale Jaamac Cabdi Yuusuf, waxaanu sheegay in xaruntan ay baahi weyn u qabeen dhismahan  wa xaanu carabka ku dhuftay inay ugu adeegi doonaan shacbiga Somaliland.

Jaamac Cabdi wuxuu Haayada UNHCR u jeediyay dalab la xidhiidha inay ka taageerto dhinaca  qala bka iyo Gaadiidka.

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Gabilay Cabdi-risaaq Sh. Aadan, oo ka hadlay madashaasi ayaa  s heegay inay maamulka gobolka Gabilay ay soo dhawaynayaan dhismahan oo uu xusay inuu muhiim u yahay degmada Wajaale oo ku taalla xuduudda Somaliland la wadaagto Itoobiya.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’ada UNHCR ee Somaliland/Somalia Mr. Bruno, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dhismahani aanu ahayn kii u horreeyay ee ay u dhisaan laanta Socdaalka  Somalil and waxaanu carabaabay inay dhawaan dhisme kan la mid ah ay ka hirgeliyeen Magaalada  Laasc aanood ee Gobolka Sool.

Madaxa Hay’adda UNHCR wuxuu sheegay inay Somaliland ka shaqeynayeen muddo 18 sanadood ah waxaanu ku dooday in dhismeyaasha Xarumahan socdaalka ay uga dan leeyihiin in Laanta  Soc daalku ay si hufan ula dhaqanto isla markaana u qaabisho wixii Qaxoonti ah ee dalka soo galaya.


Source:Hadhwanaag