Xan iyo ceebi yey na raacine xoriyadiisa Siiya Wariye Xuuto!

 



(Xadhiga Xuuto xaq iyo xeer mid ma aha,waa xoriyad ka qaadis,saxaafada xorta ah,ee xaal ha laga bixiyo,oo aynu xaq dhowrno wariyaha)



Maalmihii ugu dambeeyey waxaa dalkii hooyo ka soo baxayey warar badan oo runtii waxyelayn kara Dimuqraatiyadii Somaliland ay ku faanaysay mudada dheer,waxaay ceeb weyn iyo magac xumo ka soo gaadhi kartaa dhamaanba shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba,wararkaasi waxay bar madow ku noqon karaan xuquuqda saxaafada guud ahaan ,gaar ahaanna Saxaafada xorta ah,waxay sidoo kale cabudhin weyn ku tahay xuquuqda muwaadiniinta reer Somaliland.


Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Xabsiga loo taxaabay Tafatirihii Wargeyska caanka ah Waaheen, M axamuud Cabdi Xuuto,kaas sida la sheegay lagu xukumay Xabsi dheer iyo ganaax lacageed,waxaa is na sidoo kale Xabsiga la dhigay Boqor Raabi oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland,wara rkuna waxay sheegayaan in Xuuto lagu haysto qoraan ku soo baxay Wareyska Waaheen ee uu tafa tiraha ka yahay,Boqor Raabi-na wareysi uu siiyey HCTV, mana jirto wax intaa dhaafsan oo loo cuska day xadhiga muwaadiniintaas aan magacooda kor xu xusay.


Waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in hanjebaado iyo caga jugley loo geystay qaar k a mid Saxaafada xorta ah,weliba mararka qaarkood waxaa Ciidanka Boolisku ay yimaadeen guryaha Tafatirayaasha iyo xarumaha Wargeysyada qaarkood.Waxaa la xaqiinayaa in ay ay diniino culus  hel een saxaafada ay ka mid yihiin,Wargeyska Waaheen,Wargeyska Yool,Wargeyska Saxafi,Wargeyska Star,qaar ka mid ah Webside, HCTV,waxaa mar albaabada loo xidhay UniversalTV,waxaa xilligan  Maxk amadi ku socotaa Wargeyska Saxafi oo isna loo haysto war uu qoray.


Waxaan si fiican u xasuustaa wixii Saxaafadu ka qori jirtay Xukuumadii hore,waxaa maanta la heli  ka raa oo meel walba yaala dakharadii xanuunka badnaa ay Saxaafadu ku dhufay xukuumadii  hore,wax an cidna ka qarsooneyn hadaladii xajiinta badnaa ee Saxaafadu marar badan kula dul kuftay  Madax dii Dowladii hore,iyadoo intaas oo dhami jirtay oo la wada og yahay,haddana marna saxaafada xorta ah kuma dhicin dakharo la mid ah kuwii todobaadkii ugu dabeeyey oo keliya dhacay


Shuurcda caalamiga ah iyo shuruucda dalka ma jirto meel ay kaga qoran tahay cabudhinta iyo xadhi ga bilihii ugu dambeeyey la soo dersay Saxaafada xorta ah ee Somaliland,Tusaalle ahaan ,Q.32 ee Da stuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa , si cadna u qeexayaa madaxbanaanida Saxaafada xo rta ah, waxaa ku cad qodobkaas in Saxaafada ay ka reeban tahay nooc kasta oo cabudhin ah. Q10 e e Xeerka Saxaafada ayaa isna waxaa ku cad halka loo marayo dacwad kasta oo lagu soo oogayo Sax aafada xorta ah.


Xilligii lagu guda jira ololaha Doorashooyinka waxaa Xisbiga hadda talada hayaa u balan qaaday Saxa afada xorta ah in ay heli doonaan xoriyad buuxda,in ay uga roonaan doonaan Dowladii hore,waana tii keentay in mar qudha ay Saxaafadu si wada jirta isugu raacdo ridida Dowladii hore.

Waxyaabihii ku qornaa barmaamujkii siyaasdaeed ee ololaha Doorashooyinka Xisbiga talada haya waxay ahaayeen sidan:-

5. Horumarinta Saxaafadda

Dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafada xorta ah iyo

madaxbanaaneynta iyo horumarinta warbaahinta

dawladda, loona dejin doono siyaasadd ku waajahan

helidda iyo fidinta xorta ee wararka.

In la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta

(Public Broadcasting Corporation) oo hoos

imanaysa guddi madaxbanaan

In si degdeg ah xayiraadda aan dastuuriga

ahayn looga qaado furashada idaacado gaar

loo leeyahay iyo nooc kastoo warbaahin ah



Waxaa ku wajib ah Saxaafada xorta ah,dhamaan cid kasta oo qalinka isticmaasha in ay ka hadlaan,u hiiliyaan,codkoodana ku biiriyaan gurmadka loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa Wariyaha,Tafatiraha  Wa rgeyska Waaheen,oo xilligan xabsiga ugu jira qoraal uu ku qoray Wargeyska.Hadii aad ka aamustaan XUUTO,waad ku xigi doontaan,maalintaana waanu kaa aamusi doonaa aniga iyo inta ila mid ahiba,ogs oonowna Saxaafadu waa koox isku xirfad ah midba mid kale in uu ilaaliyaa,is garabtaagaa waa xeerk a saxaafad.


Way adag tahay in la fahmo sida wax u socdaan ,mana arag wax ku cusub wixii Saxaafada  madax  b anaani awelba qori jiray.Hadii ay sii socdaan hanjebaadaha, caga jugleynta,xadhiga iyo cabudhinta xilligan la soo deristay Saxaafada Xorta ah ee guud ahaan Somaliland,gaar ahaanna TV-yada,Websi de-yada,iyo Wargeysyada aan sida gaarka magacooda kor ugu xusan,haddii aan si deg deg ah loo sii deynin Tafatiraha Wargeyska Waaheen,haddii aan dib talo laysugu noqon oo aan wax laga bedelin h abka loola dhaqmayo Saxaafada xorta ah,Somaliland waxay halis ku tahay arimaha soo socda:-


1. Waxaa mugdi geli doonaa Dimuqraatiyada Somaliland.

2. Waxaa meel laga dhici doonaa xuquuqda muwaadiniin badan oo aan waxba galabsan.

3. Waxaa cabudhin iyo xoriyad la,aani ku habsan doontaa guud ahaan Saxaafada Somaliland.

4. Waxaa xadhig iyo xukun adag geli doona Saxaafad badan oo aan maanta ka deerin kana damqan xadhiga Wariye Xuuto.

5. Waxaa hoos dhici doonaa codka shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba.





Hadal iyo dhamaan Xuuto ma qorin qoraal wax u dhimaya Qaranimada Somaliland ee ee ka sii daaya xadhiga waa muwaadin dalka iyo dadka u adeegee.



Mahadsanidin

 

 

 

 

 

 Abdi M.Saleiman (Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com