Xaguu Madaxweyne Axmed-siiraanyo uga guuray
...Qaybtii 2aad
 


 

 


Waxan golaha wakiilada ee jamhuuriyada Somaliland ugu baaqayaa inay ansixiyaan xeerka saxaafa da ee ay siigadu dusha ka fuushay siduu miiska gudoomiyaha golaha wakiilada u hoos yaalay.

Todobaadkii hore waxa aan idiin soo gudbiyay qaybtii hore ee maqaalkan, maantana waxan soo ba n-dhigayaa qaybtii 2aad oo ku jihaysan waydiinta horyaalka u ah qoraalkan.

Waxaynu la soconaa inay jamhuuriyada Somaliland dhawr jeer wadahadal isdaba joog ah la yeelata y dawlada Shariif.Waxa kale oo jiray inay dawlada Axmed-siiraanyo bilawday olole ay shacabka Jam huuriyada Somaliland kaga dhaadhicinaysay la hadalka Somaliya inaanay dhibaato inoogu jirin,ujee daduna ay tahay uun sidii aynu uga dalban lahayn aqoonsi.Waanay ku ololaheedaa runta ka fogaa ee noqotay haan afka laga lingaxay.Qaabka loo wado wadahadalada iyo sida shacabka loo tusay w aa kaaf iyo kala dheeri.


Bal aan soo qaato aragtiyo cadaynaya inay jirto siyaasad qarsoodi ah balse jidkeedii la qaaday:

1.Aduunku sannado ayuu ku hawlanaa sidii ay Somaliya ugu soo celin lahaayeen midnimadii iyo deg anaansho.Afar weji oo kala horeeya ayay u qoondeeyeen.


2.Qorshahaas ayaa wejigii afraad ee ugu danbeeyay la guda galay.Waana in Somaliya laga soo afja raa dawladahii ku meel gaadhka ahaa ee mid walba waqti loogu talo galay,looguna samayn lahaa d awlad rasmi ah.

3.Shirarkani waxay waxay soo afjarayaan wejigii saddexaad,waxayna hor dhac u yihiin bilawga soo celintii midnimada Somaliya,salkana loogu dhigi dawlad rasmi ah.

4,Aduunkuna waxa uu inagu tiriyaa Somaliya,waxaanu inoo haystaa gobol ka mid ah oo samaystay maamul qaab dawladeed leh.Sidaa darteed waxay kulmiyeen wasiirul khaarajigii hore ee Somaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar iyo wasiirul khaarajiga jamhuuriyada Somaliland Maxamed C.Cumar. Waxaana la faray inay qorshahaas ka wada shaqeeyaan.

Horta xaqiiqada wadahadalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Somaliya qorshahaas kor ku qodobay san ayuu ka mid yahay balse dawlada Axmed-siiraanyo waxay  shacabka ugu macnaysaa ama u tustaa sidatan:

1.Inuu aduunku innagu xidhay inaynu Somaliya la yeelano wadahadal oo iyaga waydiisano aqoonsi.

2.Qol uun ku xidhnaan mayno ee waa inaynu Somaliya la fadhiisanaa miis.

3.Somaliya aqoonsi ayaynu wayydiisanaynaa oo waa furahii aqoonsigeena.

4.Wadahadaladii waxaanu ogolaanay oo aynu saxeexnay 8qodob oo wada
shaqayn ah.

Bal hadaba aan qodobo ka iftiimiyo talaabooyinka ay dawlada Axmed-siiraanyo u qaaday dhinaca midnimada Somaliya ama qorshaha kooxda aduunka ka tirsani ayu qoondaysay Somaliya:

1.Dawlada Axmed-siiraanyo waxay ka guurtay magacii dalkan ee distooriga ah (Jamhuuriyada Som aliland) waxaanay qaadatay magaca ah (Somaliland).Tani ayaa cadaynaysa inuu madaxweyne Axm ed-siiraanyo u janjeedho dhinaca ku noqoshada Somaliya.Shirarka lala galay Somaliya marnaba afka dawlada Axmed- siiraanyo lagama maqal (Jamhuuriyada) oo tilmaamaysa madaxbanaanida.Looxa
la hor dhigay wufuudii xageena ka socotayna mar walba waxa la adeegsanayay magaca ah (Somalil and).Balse ayaan darrada jirta shacabka iyo saxaafadu midna may dareemin waxa u dhaxeeya laba da magac ee kala xambaarsan gobol iyo dal madaxbanaan.

2.Qodobada 8da ah iyo 4ta lagu afjaray heshiiska waxay ku salaysanyihiin soo xero gelinta Jamhuur iyada Somaliland oo loo arko inuu yahay gobolka keli ah ee ka maqan qorshaha aduunku ku hawlan yahay waxii ka danbeeya August sanadkan in dawlad rasmi ah kana kooban Somali oo dhan laga dhi so Somaliya.

3.Qodobadaasi waxay la mid yihiin kuwa ay ku wada dhaqmaan maamulada ka jira Somaliya iyo daw lada KMG ah,sida puntland.


Waxa aan filayaa akhristayaashu inuu maqaalkani daaqad yar uga iftiimiyay xaqiiqada ay ku salaysa nyihiin shirarka isdaba jooga ah ee ay dawlada Axmed-siiraanyo ka qaybta tahay.Fartana ku fiiqay xagga Madaxweyne Axmed-siiraanyo uga guuray magacii (Jamhuuriyada Somaliland),waxase aan a khristaha u dhaafayaa jawaabta waydiinta ah (Xaguu Madaxweyne Axmed-siiraanyo uga guuray Kulmiye).

 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeys/JSL