xaalada murugsan ee dalka yaa ka masuula dhaliishana la saari karaa


 

Waxa maanta ka taagan somaliland waa dhib uu siyaasigu wado waana hagardaamo shacbiga lagu wiiqaayo. Waxa nabada duminayaa waa raga siyaasiyiinta lagu sheego ee xilka umadu u dhiibatay.

Waxaad maalin kasta arkaysa dhacdo midiba mid ka  liida to oo aan maanku qaadanayn, waxa meesha ka baxay masuuliyadii umada loo hayay , iyo dantii umada iyo dalka
Waxa kaloo ayagu dhibka wada waa intii la odhan lahaa waa wax garad ama waa odayaal ama waa masuuliyiin.


Waxa kaloo oo aan jirin isxilqaankii xaqa lagu dhiiran lahaa ee halka dhaliisha qabta xaqa loo sheegi lahaa ,lana odhan lahaa WAA QALDANTIIN EE ISA SAXA
 


waa duni siyaasi ragooyo
wanaagii la tuuroo
waayeelkii wakinaayo

******

waxgaradkii la wiiqoo
wadaadadii habranayaan
abwaanadii wax sheegayn

******

shacabkauna wax dhaadayn
waayuhu badh dabrayoo
waxyeeladu ku badan tahay

 

Waxa shacbigii lagu waalay oo jaaha wareeriyay doorasho iyo mudo kordhin iyo wax aan qiimo lahayn.Mudo labasano shacbiga somaliland wuxuu ku jiray wareer xad dhaafa oo hadba sheeko cusub lagu majaro habaabinaayo.

Mar diiwaan galin loo abaabulo oo hantida lagaga dhameeyo iyo mar la yidhaa waa lalaalay diiwaangalintii.Wax u jeedo oo laga leeyahay qaska iyo wareerka umada ilaa imika anigu waan garan waayay.
 


doorashadan wareerkiyo
wadnihii na qabtee
waaga kastaba joogtee
waxna aan ka soconyn
waqtigina is gurayee
wali aan la meel dhigin
wareerkeedu badana

******

wadankan colaadiyo
waaba meel la gubayee
shacabkii la waale
warmaha laysu dhaabee
waxyeelada siyaasigu
wadankii waxyeeshay
wareerkeedu badanaa

 

Waxaan aamisanahay in masuuliyiinta talada umada u haya ay yihiin kuwa aa n danta umada wadin , maaha dhaliisha in laga duwo halka ay tahay , nabada iyo amniga waxa u xil saaran dawlada, xalinta khilaafka iyo xal u helida  ismaa ndhaafka waxa ka masuula maamulka talada haya.

Maaha in la is dhexyaaco oo ninkastaba tiisa meelmar ku tilmaamo, MILILKOR K IISA LAMA DHAYO. waxa haboon in la taabto pointka keenaya khilaafka,  la na sheego oo la cadeeyo in midhkaasi yahay ka dalka u horseedaya dhibaata da , cida dhaliisheeda qabtana laga qabto.

Waxaan aaminsanahay in umada reer somaliland ay yihiin qaar is jecel oo  na bad jecel, oo wadadegenaansho jecel ,oo jecel inay wanaag ku wada  noolaad aan, habeen iyo maalin umadu way wada degan yihiin waanay wada joogaan wax xumaan iyo dhibaatana iskuma hayaan.

Kaliya waxa xumaanta wadaa waa SIYAASIYIIN XILKA LAGU AAMINAY OO AAN DAACAD AHAYN.

Qabyaalada iyo gobolaysiga iyo reer iska horkeena waxaas oo dhami waa shaqada siyaasiga waana qaybiyoo xukun.Way jiraan rag badan oo siyaasiya oo fiican ama ehlu diiniya oo daacada balse kuwaasi waxa aan ogolayn  shacbi ga somaliland. Waxa had iyo jeer la jecel yahay ama geesi lagu sheega  siyaa siga xaaraan cunka ah ama qabyaalada ku dhiirada, taasina waa musiibo  bala adhan oo umadu qabto, waxaana ku shaqaysanaya shaydaan iyo iblays, waa na mid ilaahay laga magan galo.
 



wanaag malaha siyaasigu
waligii ma hagar bixin
wacad kuma shaqeeyaan
waxyeeladay ku naaxaan
waabay qadhaadhiyo

******
sunta waa ku durayaan
waxtar kuma dadaalaan
waa duul iblaysoo watoo
waligood salaadiyo
waysadaba ma qaataan

******
shabayahoow wareeree
waaxyahoodii la qoome
dugsanaya wadhidoow
hadmaydin waanada garan
waaci noqon naftiinu
wadada toosan raaci


 

Abwaan: Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK