Xaaji Cabdi Waraabe Oo Sheegay Ururo La Furaa In Dalka Ay Fidmo Galin Karaan, Garaadada Dhulbahante-Na Uga Digay Inay Baayac-Tan Galiyaan Xuduuda S/Land

 


“Wasiirada Waxbarashadu Xasan Gadh-Waynihi Muda-Karka Ahaa Way Baro-Dhaafisay, Garaad S aleebaan Awowgii Iyo Aabihii Waxay Ka Mid Ahaayeen Ragii Gobanimada Dhaliyey”

Hargeysa, March 23, 2011 (TNN) – Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu  da’ da wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga fur aa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada D hul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareego oda, isla markaana uga digay inay baayactan galiyaan xuduudaha iyo qaranimada Somaliland.

Xaaji Cabdi Kariin waxa kale oo uu haweenka ku jira golaha wasiirada ee madaxwayne Siilaanyo  m agacaabay ay mudadii xilka ay hayeen ay ku talaabsadeen waxqabad la taaban karo, gaar ahaan waxa uu tusaale u soo qaatay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aa dan, taas oo uu sheegay inay baro dhaafisay wasiirkii hore ee xukuumadii Rayaale Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne).

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in kala xadayntii gobolada iyo degmooyin ka iyo qabyada xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo labada aqal ee baarlamaanka ay tahay arin u taala golayaasha sharci dajinta iyo xukuumadda.

Xaaji Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka tilifoonka xogwaraysi kula  yeelana y, isla markaana uu jawaab kulul kaga bixiyey, bayaankii garaadada Dhulbahante ay dhawaan soo saareen, isla markaana ay ku baaqeen in ciidamada qaranka Somaliland laga saaro gobolka Sool, is aga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Madaxdhaqameedada Sool ee uu ka mid yahay gar aad Saleebaan garaad Maxamed, wixii ay ku hadleen muu ahayn wax u laa’iq ah Somaliland, garaad Saleebaan-na waxaa uu ka shaqaynayaa wax u munaasib ah maaha, Somaliland xuduud qadiimi ah ayey leedahay wax la odhan karo ha lakala gooyana way ka wayn tahay, rag badan oo u dhashay Somaliland ayaa dibadaha ku maqan laakiin wax la yidhaahdo dhulka ha laga kaco Somaliland aqbali mayso, garaad Saleebaan-na aabihii-buu ka dhaxlay garaad-nimada, aabihii iyo awoowgiina waxay ka mid ahaayeen ragii guntinta u ahaa Somaliland xiligii ay madaxbanaanida qaadatay ee  guumay s gii Ingiriiska, wax lagu baayactamana Somaliland way ka wayntahay, markii aynu gobonimada iyo madaxbanaanida aynu ka doonaynay Ingiriiska garaad Jaamac iyo garaad Maxamed sidii Alle inoo abuuray-ba isku dal baynu ahayn oo marxuum Ismaaciil Mire-ba Hargeysa ayuu ku aasan yahay. In maanta la yidhaahdo ciidamadu ha ka kacaan dhulka Sool iyo sidaa ha la yeelo looma baahna, in tii dadwaynaha aad u samayn lahaydeen wadooyin, biyo, iskuulo ee aa aakhiro cimri-baynu naha ye aad uga tagi lahaydeen dardaaran ayaad dariiq khaldan haysaan oo dibad wareeg noqoteen, rag dib jir noqdana ma tihidin, adeerayaalow danta dalka iyo dadka garta, Alle-na ha idin  garansi iyo”.

Xaaji C/kariin mar uu ka hadlayey xubnaha haweenka ah ee golaha wasiirada madaxwayne  Siilaan yo u magacaabay, waxa uu yidhi “Wakhtiga isbadalaya ayaa keenay in dumarku ay xilal ka  qabta an siyaasada, waxaana hore loo yidhi marti aan gabadhaadu kula soorin iyo magan aan tolkaa kula barini midkoodna looma taag helo, waligoodba haweenku gaashaan qaadbay ahaayeen, haweenka reer Somaliland ee xilalka loo magacaabay wasiirnimaduna waa haween mudokar ah oo aqoon  bad an leh, meeshii loo magacaabana way istaahilaan, marwadaa wasiirka waxbarashada loo  magaca abay marwo Samsam Cabdi Aadan, wasaaradii waxbarashada cirkaasay marisay, wasiirkii hore ee mudakarka ahaa ee Xasan Gadhwaynana way baro dhaafisay, cilmi iyo aqoonbaanay u leedahay, madaxwayne Siilaanyo-na markuu wasaaradaas u magacaabay wuu asiibay. Haweenka ka danbee ya ee kalena sidaa si leeg ayuunbay wax u qaban doonaan oo barigii hore cilmigu wuu inagu yaraa, balse mudooyinkan danbe haweenkii waxbay barteen”.

Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay sida uu u arko asxaabta siyaasadeed ee la filayo in  mad axwayne Siilaanyo furi doono ee gudida talobixinta loo saaray, waxa uu yidhi “Axsaab siyaasadeed oo badan oo maanta la furaa, munaasib dalkeena kuma aha, ilaa aynu ictiraaf helayno oo aynu  ba dhida si rasmiya u dhigayno, oo ay dawladnimadeenu adkaanayso munaasib maaha in asxaab  qar an aynu isku furno, maxaa yeelay maanta hadii ururo badan la furo qoys waliba meelbuu istaagi doonaa oo fidmo ayaa ka dhalanaysaa. Waxaan soo jeedin lahaa sadexdan xisbi qaran ee dalka ka jira ha laga dhex abuuro tartan dimuqraadiyadeed oo yaan la odhanin sadex nin ayuun baa  hort aagan, waa in lagula tartamo oo qofkii doonaya jago madaxnimaba sadexda xisbi kuu doono uu iska soo dhex sharaxo, nasiibkiisana ka qaado, aniga taladayda kuma jirto xisbiyo badan oo  tafar uq maanta ina galiya in la furo, kuna talin maayo. Madaxwaynuhuna waa kaa gudida talo bixinta u saaray ee taladii balaadhiyey mawqifkiisuna isaguu u yaalaa oo anigu tilmaami maayo waxa uu  ye eli doono, aniguse rayigaygu wuu ka soo horjeedaa asxaab tiro badan oo la furo”.

Xaajiga mar aanu waydiinay sida uu u arko qabyada kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo shuruucdii aas aaska u ahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golayaasha sharci dajinta, waxa uu uga meel yaala golayaashooda, waxa uu yidhi “Arintaasi waxay u taalaa xukuumada iyo golayaasha, marka wakhti loo helo ayuunbaana la samayn doonaa”.

Mar aanu waydiinay sida uu u arko dhaliilaha xukuumada Siilaanyo looga soo jeediyo isbadalka  ma suuliyiintiii hore ee xukuumada iyo shaqaale hoosaadkii hay’adaha dawlada lagu sameeyey ee lagu tilmaamo inaan lagu xulanin aqoon iyo karti, balse lagu soo xushay arino ujeedo badan ah, waxa uu yidh “Dawladi nin aqoon lehna xilkii uu hayey ayey ka casishaa nimanaan aqoon lahayn oo aan wax ba lagu aamini karina way dalacsiisaa, taasina waa shaqada xukuumadaha”.

 

Source:Haatuf