Xukuumadda
Rayaale Markii ay Feenatay Dhulkii Danta Guud ahaa Ayey Xabaalihii u
soo Dhigatay
Xabaalaha New Hargeysa oo dhinaca
galbeed ka xiga Tiyaatar waxaa ka dhacay 16/12/ 2009 arrin
ugub ah oo iyada oo kale hore loo arag. Rayaale xukuumaddiisu
wax ay caan ku ahaayeen boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ah,
maahmaah Soomaa liyeedbaa tidh aahda
Dhidar Xabaalo Qodaa Ceebbuu Ka qaadaa.
Xabaaluhu waa halka aynu ku aasanay waalidkeen, walaaleheen iyo
dadkiinee qaraaba da ahaa ee ina ka geeryooday, mana aha dhul
bannaan oo dheef laga deyi-karo waxaa na mul kiyey cidda
ku jirta ee uu ilaahay u qoray in lagu aaso ilaa iyo maalinta yoomal
qiyaamaha.
Hadaba is weydiintu waxay tahay shaqaale hoosaadka dowladda Hoose ee
arrintan loo x idhay ee uu ka mid yahay darawalkii waday cagafgaftii
dowladda hoose ee meesha lagu d umiyey yaa siiyey amarka? Tusaale
ahaan haddii aad wiil dhalinyaro ah u xidho mid ka mid ah suumanka
qarxa oo la qabto hawshii uu u socdeyna ay fashilanto xadhigu ma
waxa uu ku ekaanayaa wiilka dhalinyarada ah ee la qabtay, mise waxaa
la raadinayaa ciddii suunka u soo xidhay? Hadaba darawalka cagafta
dowladda hoose ee Hargeysa ee xabaalaha new Hargeysa, cagafta
geliyey wuxuu la mid yahay wiilka dhalinyarada ah ee aynu soo
sheeg nay, waxaanu fulinaayey amarkii la siiyey waana in la helaa
ciddii amarka siisay.
Akhristow waqtigii xukuumaddii milateriga ahayd ee
Siyaad Barre, xabaalahan ay maan
ta cagafta gelisey xukuumadda Rayaale,
waxaa la odhan jirey xabaalaha danjirka
dah soon ee Hargeysa, waxay
lahaan jireen dayr aad u qurux badan oo leh hal albaab oo keliya.
Shaqaalaha rasmiga ah ee
dowladdii markaa jirtey ay musharka ku siin jirtey ilaalinta
nada afadda, bilicda qubuuraha new Hargeysa
waxay ahaan jireen afar nin, waxanna xusuusan ahay in ay qasabado ku
rakibnaan jireen xabaalaha maanta xagafta la geliy ey,
waqtigii uu Bile Rafle Hargeysa ka ahaa
badhasaabka, Afarta nin ee shaqaalaha ka ahina waxay ku be eri
jireen dhir aad u qurux badan iyo ubaxyada
noocyadooda kala duwan.
Waxaa kale oo xilligaasi jiri
jirey maalin la xuso oo la yidaahdo maalinta dal jirka dahsoon w
axaana la isugu iman jirey dowladda iyo dadweyneba xabaalaha hadda
cagafta la ge liyey, waxaan iman jirey masuulka ugu derejada
sarreeya dowladdii markaa jirtey ee Hargeysa joogtey oo haan
jirey badhasaabkii Bile Rafle Guuleed,
waxaana isku deyey in aan baadho labada faa’iido ee ay xanbaarsanayd
munaasibaddani oo ahayd labada arrimood oo ahaa.
1-In la muujiyo xushmada ay leeyihiin
dadka qubuuraha ku jira ee aynu ku biiri-doono.
2-In qof waliba xasuusnaado in uu ku
biiri-doobo qubuuraha uu soo booqday si uu ilaa hay {SWC] uu u
xasuusnaado iyo haddii uu yahay masuul qaran oo gacanta ku haya
hantida ummadda sida ugu habooni in ay tahay in uu ku dedaalo inta
awooddiisa ah, caddaalad iyo xaqsoor.
Gabayaddii abwaanka Cabdillaahi Macalin Axmed
Dhoodaan waxaa ku jirtey.
Waayeelkii Xurmada loo ogaa woodhaq ayaa u celiyey
Anigu waxaan leeyahay xabaalihii xurmada loo ogaa woodhaq yaa u
celiyey.
Laba bilood ka hor yahay ahayd markii wargeysyada madaxa banaani soo
daabeceen in x ukuumadda Rayaale, ay
jasiiradda Sacaado-diin ay ka iibisey
ganacsade reer Jabuuti ah si cadna xukuumaddu way u dafirtay imikana
waxay qiratay oo wasiirka dalxiisku sh eegay in ganacsade reer
jabuutiyi, uu jasiiradda maalingelin ku samaynayo mana xasu
usna dafiraa ddii hore.
Isku soo wada duuboo Rayaale Iyo wasiiraddiisu
waxay la mid yihiin ninkii gabadha
kuf sad ay markhaati goob jooga markii loo waayeyna kitaabka
quraanka gacanta saaray, ee ku dhaartay in aanu gabadhaa kufsan.
Dhaartii ka dibna Markii la weydiiyey waxaa
suxulada kaga dhacayna yidhi, “waa
rafadkay Rafanaysey”.
Cabdirisaaq Suudi Nuur
Hargeysa Somaliland
Tell 4425243
|