XUKUUMADDA KULMIYE IYO WARBAAHINTA MADAXABANNAAN

 


Astaamaha gaarka u aha xukuumadaha u xuubsiibtay keli talisnimada ayey ka mid tahay cabudhinta iyo cagajuglaynta hawlwadeenada warbaahinta xorta ah iyo muwaadiniinta rayidka ah ee hadba dhaliilaha iyo goldaloolooyinka maamulka jira ummadda u iftiimiya. Bani Aaadamka haddii la isku dayo in la  cabudh iyo oo xaqa uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa gaarka ah, ha noqoto maqal, muuqaal, amase qoraal, fa aii’dada keli ah ee laga dheefsadaana waa gadood dadweyne iyo xukuumadii jirtey oo hawada ka  baxd a.

Waxa habboon xukuumadda maanta talada Somaliland heysaa in ay ku cibro qaadato waaga cusub ee Waqooyiga Afrika ka bilaabay iyo sida uu u saameeyey dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika inteeda kale. Iyadoona wax dhegaha Madaxweyne Zein Caalbidiin Bin Cali dhegihiisa wax soo jiita laga sanqadhin, dhe ngid iyo shaabuug midna loola tegin ayuu saqdhexe dayuurad ka halabsaday dalkii uu seddex iyo  labaa tanka sannadood ka talinayey! Madaxweyneyaal badan oo kursiga laga fujin kari waayey ayaa hadda hurdadii ledi la’!

Laga soo bilaabo sannadkii 2002 markii ururadii siyaasadeed u tartmameen doorashadii deeganada, ay aa Xisbiga Kulmiye wuxu ku eedayn jiray xukuumaddii jirtay in ay warbaahintii madaxbannaanayd  cabu dhin ku hayso; xuquuqdii Aaadamaha lagu tuntay; distoorkii dalka iyo xeerarkii ka farcamayey la baal maray. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda jirta waxan leeyahay: Maanta maxaydun odhay? Tabaha aad adeegsanaysaan qarnigii ina dhaafay ayaa lagaga soo hayaamaye, idina ma tan ayaad la soo  guuxays een?

Marka aan u soo noqdo xadhiga Tafatiraha Wargeyska Waaheen, Md. Maxamuud Cabdi Jaamaca, waxa cad in Xeer Ilaaliyaha iyo Garsooruhuba toos u baal mareen Distoorka Qaranka qodobkiisa 32 iyo  Xee rka Saxaafadda ee Tirsigiisu yahay 27/2004, Qodobkiisa tobnaad (10), faqradda lixaad (6) ee  tilmaama ysa xadgudubyada ka dhanka ah warbaahinta in lagula dhaqmo XEERKA MADANIGA. Meela kagama jirto xeerka saxaafadda in la adeegsado XEERKA CIQAABTA ee ka soo farcamay Xeer Ciqaabeedkii  Baaniya alka (Indian Penal Code) e ay dhaqan gelisey Xukuumaddii Cabdirezaaq Catoosh Wasiirka Gudaha ka ah a, ka afgambi dhicisoobay bishii December 10th 1961.

Sida adduunweynuhu u dhaqmo, dembiyada loo yaqaana sumcad dil (defamation), aflagaado (slander) iyo wixii la mid ah waxa lagu kal baxaa maxkamad madani ah; haddii dembiga weriyaha lagu soo oogay cadaado, waxa markaa weriyaha dhuyuca loo geliyaa ganaax iyo magdhow culus; hase ahaatee  dacwe ysanaha maxkamada gudeheeda haad biidhi inta lagu jebiyo xabsiga looma taxaabo. Waxa sidan u  dha qmi jirtey dowladdii Afweyne Siyaad Barre, iyana halkay ku dambeysey isu sheegi mayno. Hadaba iyaba waa cibaaro adduune, ma tubtii ayeynu maanta halabsannay oo hab dhaqankeedii ayaa inagu soo  dux aya? Tafatiraha Waaheen, Md. Maxamuud Cabdi Jaamac, sida qareenkiisu caddeeyey, dacwaddaa loo heystey caddaymaheedii wuu soo bandhigay, waxa se cad in aanu Garsoore Cali Suudi Diiriye oo keli ku ahaa dhegeysiga dacwadda Tafatiraha markay Garsoorayaashii kale ee Maxakamdda Gobolka Hargeysa diideen in ay dhegeystaan dacwadda; taasina waa mid toos u baalmarsan xeerka maxkamada, waxan ay sharciyadda xukunka lagu riday Maxamuud Cabdi Jaamac ka dhigaysaa waxba kama jiraan.

Sidaa darteedna waxa qumman in Tifatiraha Waaheen iyo Boqor Raabi labadaba xoriyaddooda sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo.

Waxa kale oo iyana mucjisad kale ah in Garsoore Cali Suudi Diiriye uu abaal marin dallacaad ah ku helay sida uu dacwadda u fuliyey. Arrintani waxay dib inoo xasuusinaysaa, horraantii lixdameeyadii intaan  da lka Kiiniya madaxbannaanidiisa helin, ayaa niman asal ahaan Somali ah oo ay ka mid ahaayeen Adan  Ca bdillaahi Nuur “Gabyow” iyo nin lagu naanaysi jirey ma tukade oo booliska Kiiniya ka mid ah, kacdoonkii gobanimadoonka dalkaasna fal dembiyeedyo ka galey, ayaa dhinaca Somalia u soo tallaabay. Ma Tuke wuxu ku biiray Ciidankii Boliska Somalia. Xiliga waxa Taliye Ciidanka Booliska ka aha Maxamed Abshir  “H aamaan.” Waxay dhacday in lixdii biloodba Ma Tukade hal xidig ah la dallacsiiyo. Nin Wasiiraraddii  Xuku umaddaa ka mid ahaa ayaa yidhi: “Dallacaadu dhakhso badana ma xidigtii Ma Tukadaa.?” Dugsiga iyo dayaxu ma isku toosanyihiin?

Xiligii Xisbiga Kulmiye ahaa mucaarid waxaynu maqli jirney iyadoo la leeyahay Xisbiga UDUB iyo  hogga ankiisaba wuxu habaar kaga dhacay milgihii hadalka!! Waa tahay wadaad wadadii caddayd cagta  saar nay: Madax dhaqmeedku wuxu huwanyahay cumaamad uu wakiil cid ugu yahay; waa shakhsi la  karaa meeyey oo sharaf iyo maamuus mutaystay; waa hoggaan beeleed. Milgaha hadalka ku wajahan madax dhaqmeedna ma geyo in lagu tilmaamo: “ SODOH DOCDII INANTEEDA LAGU DHIRBAAXAY.” Inta af  Soom ali Ilaahay innagu mannaystay, halqabsi kan dhaama miyaa suugaanteena laga waayey?

Boqor Raabi waxan leeyahay hadalkaa xaal iyo raali gelin ayaa lagaa siiyey.

Waxan ku soo gunaanadayaa: Saxaafada iyo xoriyatul qowlku waa tiirka afraad ee dowladnimo. Xiligii xkuumadi dhowrilahayd afka bani Aadamka waxa ka soo yeedha iyo wargeysyadu waxay qoraan waa laga soo gudbay ee Xisbul xaakimku ha la qabsado halka dunidu marayso. Xukun qarqoosh iyo xabsi la isu taxaabaana kalsooni ummadeed laguma kasbade’. Xukuumadda talada dalka haysaa iyadooni lix  bil ood u buuxsamin hadday sidan u dhaqanto, shan sannadood ka dib halkaynu ku dambeyn?

 

 

 

 

Axmed Cali Ibraahiim