XAQAY LAMA QARIN KAROO MUJAAHID XAQAA EHEE XAGEED KU XIROONI DOONTAA XABAAL BAA KUU QUDANE

 



 

 


1.Geellow hoy daalimow dadkaan wada dhalanay iyo kuwii duntu noo xidhnayd ninkaa dacar marinayow.

 

2.Ninkaa xaq diidayee xogneenaad tabinayow.

 

3.Wixii uu wacad ku maray ninkaa waydaaranaayee wejiyada kale lahow.


4.Ninkii weedhiisa iyo wacad fulaba lahaynow.


5.Dariskay wada dhasheen kuway duud wada galeen ninkaa dabinada u xidhow.


6.Ninkaa Dekadooda iyo duunyada xoolahay dhaqdaan daboolada saarayee dacaayado faafiyow.


7.Ninkaa boqorada xukuma wax beena u sheegayee bartii ka dhaqaajinow.


8.Ninkaa iscajabiyayee kalidii is casuumayow.


9.Ninkaa saarayda iyo habruhu sacabadda u tumaanow.


10.Geesigii ina Xabiyo kuwii loo gubay xornimo xaqoodii daboolayow.


11.Gobtaa Somaliland xaqoodda garwaaqsanee xabaalo qodkii wadoow.


12.Nikaa daafaha adduun dilaal beenaadka iyo waxaan diintuba banayn dalkooda ka sheegayow.


13.Rabaa xaq dilaaciyow waxaan xabaddii ku helay waxaan xaasidnimo lahayn xamdibaa ku noolahee ninkaa xanibaayow allaa hoy kugu xawilay.


14.xisaabaha hoose iyo waxaad xidid beertayee xayndaab ku wareejisee xabaalo u qodotay baan ayaan xabad xabad u helee xogtaadii baan hayaa.


15.Xaqay lama qarin karoow Mujaahid xaqaan ehee xageed ku xerooni doontaa xabaal baa kuu qodane.


16.Xeerkii xeerbeegtidiyo dadkaa xeebtu ay lahaayeen ninkaa xagga kale u rogee xishood an aqooninow.


17.Ninkaa buugii Siyaad bakhaaro ka buuxsadee balaayo ku fooganee bacuhu u dhaqaaqayaanow.

 

 

Abdirahman Ibrahim Bouh