Wiil uu Dhalay Amiirka Kuwait oo Ballan-qaadday Mashaariic ay ka fulinayaan Somaliland




Waxa uu ka dhistay magaalada Sheekh Qasri nooca Raaxada ah (Luxury) oo ay ku baxday 3 Milyan oo Dollar



Sheekh (TNN)-Wiil uu dhalay Amiirka wadanka Kuwayt oo uu soo wakiishay Aabihii ayaa  boo qasho ku yimi maalintii shalay wadanka Somaliland, gaar ahaan Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Booqashada wiilka uu dhalay Amiirka Wadanka Kuwayt Ahmed Sabah Al-Ahmad Al Jaber Al Sabah ,ayaa la sheegay inay ka dambaysay ka dib markii boqorka wadankaasi uu ka dhistay wadanka Somaliland gaar ahaan magaalada Sheekh, Qasri nooca raaxada ah (Luxury), kaasi oo ay ku baxday lacag lagu qiyaasay inay ka badan tahay 3 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Wiilka uu dhalay Amiirka wadanka Kuwayt oo shalay ka soo dagay Madaarka Berbera ayaa waxa uu booqasho ku soo gaalaa-bixiyay Dhismaha Qasriga ah ee looga bineeyay Degmada Sheekh, Cisbitaalkii hore ee magaalada oo burbursanaa oo ay Boqortooyada kuwayt ugu deeqday inay qaab casri ah ugu dhisto dadweynaha reer sheikh oo iyagu ka codsaday.

Axmed Sabah Al Axmed ayaa wararka aanu ka helayno safarkiisu waxay intaasi ku darayaan inuu kulamo la yeeshay madaxda gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Sheekh, indheer-garadka iyo aqoonyahanka deegaankaasi. Iyada oo sida ay Shabakada wararkii maanta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah aqoonyahanka gobolkaasi oo si gaar ah ula socday socdaalka wiilka amiirku dhalay kulankaasi ay dadweynaha reer Sheekh kaga codsadeen inuu u dhiso Jaamacad, ka dib markii uu waydiiyay inuu jiro dalab kale oo waxqabad dhinacooda, taasi oo uu isna ku dhawaaqay inuu si buuxda u balanqaaday dhismaha jaamacad ay ku deeqdo kharashka ku baxaya dawlada Kuwayt oo loo dhisayo degmada Sheekh.

Waxaana uu intaasi ku daray inuu gacanta ku haynayso Dawlada Kuwayt cisbitaalka guud ee magaalada Sheekh, isla-markaana waxa uu ku dhawaaqay inay u dhamaystirayaan wixii agab iyo qalab ah ee ka dhiman muddo ku siman laba Bilood gudahood, ka dibna si rasmi ah xadhiga looga jarayo furitaanka cisbitaalka, isaga oo intaasi raaciyay inay gacanta ku  hayn ayso bisha Cas ee wadanka Kuwayt Dhakhtarka Sheekh.

Dawlada Kuwayt ayaa barnaamij horumarineed oo dhinaca biyo-gelinta ah ka hir-gelisay ma gaalada Sheekh, taasi oo ay aad ugu diirsadeen dadweynaha deegaankaasi.
Safarka wiilka uu dhalay boqorka kuwayt ayaanu isku daynay in aanu wax ka waydiino  wax yaalihii ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland, Md, Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo isagu gadh-wadeen ka ah weftigan, hase yeeshee noomay suurto-gelin, sidoo kale Maayarka Degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiye ayaa isaguna ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo socdaalka degmada Sheekh uu ku yimi weftigani.


Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay intaasi ku darayaan in Dhakhtarka degmada Sheekh oo ahaa dhakhtar wayn oo caan ka ahaa dhulkii laysku odhan jiray Soomaaliya, lagu samee yay dib u habayn casri ah, isla-markaana loogu magacdaray Xaaska Boqorka Kawayt Marwo Fatuux oo loo bixiyay (Fatuux Hospital).kaasi oo la sheegay inuu ku kacay lacag dhan 1 Milyan iyo Badh Dollarka Maraykanka ah.



Source:Wargeyska Waaheen