WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa 29 March,2012 (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane, Axmed Maxam ed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa fiid kii
hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti Balaa dhan oo ka Socda
Dawladda Turkiga oo uu hogaaminaayo Safiirka Somaliland iyo Somaliya
u qaabils an Dalkaasi, AMBASSADOR Mr. KANI TORUN, Weftigaas oo ka
kooban 6 xubnood oo shalay gelinkii da nbe Booqasho ku yimid
Somaliland,
Weftigan oo noqonaya kii labaad ee ka socda dawlada turkiga ee muddo
laba todobaad ku siman gud eheeda Dalka yimaada.
Waxa ay madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay
sheegeen inay tahay sii xo ojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo wax-wada
qabsiga labada Waddan, iyaga oo xusay inay booqasha doodani ku
xidhiidhsan tahay Booqasahdii ay dhawaan halkan ku yimaadeen
Madaxdii Hay’ada TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR.
Safiirka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr.
Kani isagoo ka hadlaaya sida ay dawladda turkigu diyaarka ugu tahay
inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo waxyaabaha ay
doonayan inay ka caawiyaan dalka, Waxa uu sheegay in ay dawladiisu
doonayso inay Somaliland wax kala qabato oo ay gacan weyn ka geysato
dhinacyada wax-barashada, Deeqaha Wax-barashada, Caafimaadka, Biyaha
iyo Adeegyada kale ee Aas-aasiga intaba.
Waxa kale oo uu xusay inay dhawan dalka iman doonan Khubaro turki ah
oo qiimayn ku samayn doonta Meelaha u baahan in ay dawladiisu ka
caawiso Somaliland iyo mugga baahidu intay tahay.
Waxa kale oo uu xusay inay dib u dhis ku samayn doonan goobaha
taariikhiga ah ee ay turkigu hore uga sameeyeen dalka Somaliland.
Safiirku waxa uu intaasi ku daray in uu cisbitaalka guud ka mid
yahay meelaha ay Khubaradaasi qiimayn doonto isla markaana ay
dawlada turkigu dhakhso gacan buuxda uga geysan-doonto baahida qalab
iyo wixii la mid ah ee uu qabo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahooda ku jirto dhismaha laba
Dugsi-sare oo turki ah oo ay Somaliland ka fulinayaan, iyo in ay
Somaliland iyo turkigu is waydaarsadaan macalimiinta Dugsiyada iyo
kor u qaadida aqoontooda, dhinaca kale waxa uu safiirku sheegay inay
Somaliland iman-doonaan shirkado iyo ganacsato waa weyn oo turki ah
maal-gashina ku samayn doonaan Somaliland.
Ugu danbayna waxa uu safiirku madaxweynaha u muujiyey xiisaha ay
dawladiisu u hayso wax la qabsiga Somaliland, isagoo sheegay in uu
ku rajo weyn yahay inay dawladiisu dhawaan martiqaad u fidin doonto
madaxweynaha Somaliland, oo ay kulmi doonan ra’iisal wasaaraha
Turkiga iyo madax kaleba.
Waxa intaa dheeraa amaan balaadhan oo uu safiirku u soo jeediyey
hanaanka dawladnimada ka hana qaaday Somaliland iyo sida ay wax u
qabsatay intaba.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo weftiga dalka ku soo
dhaweeyey ayaa waxa uu dawladda Turiga, safiirka, iyo xubnaha
weftiga ee booqashada ku weheliya uga mahad naqay booqashada ay ku
yimaadeen Somaliland iyo niyadsamida ay la yimaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu ka waramay xaalada guud ee dalka iyo inay
hanaanka dawladnimada somaliland ka hana qaaday, ku dhisan tahay
rabitaanka shacbiga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu tafaasiil ka bixiyey sida ay shacbiga iyo
Dawlada Somalilandba uga go’antahay dhismaha iyo horu-marka dalku,
iyo baahida ay Somaliland u qabto gacan qabashada iyo taageerada
beesha caalamka.
Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay
xidhiidhka taariikhigaa ee u dhaxeeya Somaliland iyo turkiga,
waxaanu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo xidhiidhka, wax-wada
qabsiga iyo isu soo dhawaanshaha labada wadan.
Intaa waxa dheer oo ay labada dhinacba (Xukuumada Somaliland iyo
weftiga turkiga) soo dhaweyeen in ay shirkada diyaaraha ee turkigu
duulimaadyo ka bilowdo somaliland, lagana wada hawl-galo suurta
galnimadeeda.
Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey
Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr.Sacad Cali Shire
Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirku ku-Xigeenka W/Arrimaha Dibadda , Mawliid Maxamuud Ibraahim
XubnahaWeftiga:-
Ambassador Mr. Kani Torun
Dursun Erman Birdal, Deputy Head of Mission
Kamil Kolabas, Advisor, Istanbul Metropolitan Municipality iyo 3
xubnood oo kale
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|