Ogaysiis: Shirwaynihii West London Somaliland Community
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu reer
Somaliland ogaysiinaya a in uu qaban doonoo shirwaynihii ururka
bishan December 11-keeda kuna qaban doono Harlington Community
School, Hayes, Pinkwell lane, Ub3 1PB.
Ururku wuxu shirwaynaha kusoo bandhiggi doonaa wax qabadkii iyo
xisaabaadkii sanadka 2010-2011-ka, waxaana lagu dooran doonaa gudida
ururka haggi doonta sanadka 2011-2012. Sidoo kale waxa lagusoo
bandhiggi doonaa qorshaha dhaw iyo ka fog-ba ee urur ja aliyadeedka.
Waxaanu ka codsanayna xubnaha jaaliyada, siiba cidda kasoo bixi
karta hawshan, inay is kusoo sharaxdo gudida xubnaheeda kala duwan
oo markaa soo gudbiso CV-giisa/geeda iyo qoraal kooban oo ka hadlaya
nolosha uu soo maray musharaxu. Waraaqda musharax-nimada lagu
gudbinayo iyo waxa laga rabbo xubnaha gudida waxaad ka helli kartaa
xarun ta urur jaaliyadeedka ee 80 East Avenue ku taala.
Wakhtiga: 4-ta
galabnimo ilaa iyo 8-da fiidnimo
Wixi faahfaahin ah waxaad kalasoo xidhiidha West London Somaliland
Community 0208 848 1180
/ 07870515334
amma:
wlondonsomalilanders@gmail.com
West London Somaliland Community
|