dhexdhexaadinta labada dhinac ee khilaafka dhulka Ceel-bardaale

 


Muran xoog badan oo saameeyay Golaha Guurtida ee ku dhex Jira Shaq aaqada Ceel Bardaale, oo mar kale dib u riixday go’aankii kama danbay sta ahaa


Shirku wuu soconayaa nin tagayna uma xidhmayo Gudoomiyaha Gudida Golaha Guurtida Maxamed Maxamud Diiriye


Gabiley(longlivesomaliland)-
Ergada ka socota Golaha Guurtida ee u fad hiday Kalabaydh dhexdhexaadinta labada dhinac ee khilaafka dhulka  C eel Bardaale ka dhaxeeyo ayaa manta mar kale dib ugu riixay maalinta Barito (manta) kadib markii buuq badani ka dhashay dhinaca ergada Dilla oo judhii hore ee wada hadalka manta (shalay) keenay warqad ay ku sheegayaan in aanay ku kalsoonayn Ergadan dhexdhexaadinta Golaha Guurtida ee labada dhinac .

Gudidan dhexdhexadinta labada dhinac ayaa iyaga oo u diyaar garoobaya gudo galka wada hadalka oo ay aad u daahsanaayeen Ergada dhinaca Dilla ayaa abaaro 12:00 duhurnimo soo gaadhay madasha wada hadalka nabada ee ka socotay mudaba Airport ka tuulada Kalabayd ee Gobolka Gabiley loona balansanaa ku dhawaaqista go’aanka Guurtida ka soo saari lahaayeen , iyada oo beesha Dilla dib loogu dhigay sadex jeer oo kala duwan ayaa waxay saaka ku yimaadeen iyada oo la raagsaday .

Abaaro 12:10 ayaa si degdeg ah loo galay hawshii wada hadalka iyada oo uu ugu horrayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Golaha Guurtida Max’ed Muxumed Diiriye , balse uu hadalka boobay Guddomiyaha Ergada dhinaca Dilla oo soo gudbiyey warqad ay ku sheegayeen in aanay ku kalsoonayn Gudidan dhexdhexaadinta .

Markaa ka dib oo Gudoomiyaha Gudida Guurtidu halkaa hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Dacwad uma fadhino , hore ayaynu kalsoonida isku siinay in aad manta keentaan dacwad maaha Go’aankii ayaa lanaga sugayey kaliya” sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gudida Maxamed Maxamud Diiriye . Intaa ka dib oo uu hadalka qaatay Gudoomiyaha Ergada Dilla ayaa isaguna si adag gaashaanka ugu dhuftay oo diiday in uu fadhiisto “Anagu fadhiisan mayno , lanoomana fadhiyo annaga” sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Ergada Dilla iyaga oo ka sii socda madasha , lagana baryayo inay fadhiistaan. Arrintan oo Gudoomiyaha Gudida Guurtidu si wayn uga biyo diiday si adagna uga hadlay ayaa yidhi “Shirku wuu soconayaa nin tagayna uma xidhmayo, nin joogayna uma xidhmayo , waxaanan galaynaa hawsheenii kale intii inaga qabyada ahayd oo ahayd labadii qodob ee ka dhinnaa gabo-gabada go’aanka , labadaa qodob oo lagu sheeganayey beesha Gabiley”

Labadaa qodob oo kala ahaa 200 oo kiish oo dhuxul ah iyo sadex aqal oo lagu gubay meesha Seemaal layidhaa . markii labadaa qodob la isla meel dhigay ayay Ergada Dilla Albaabka ka baxeen . balse, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Awdal C/laahi Indho-qarshe oo isagu hor kacayey imaatinkii Ergada Dilla ayaa isagu is hor taagay in ay Gawaadhidooda fuulaan oo dib ugu soo celiyey madasha si karaamo darro ah kuna xereeyey qol ka mid ah Madaarka Kala baydh ee shirku ka socdo .


Gudoomiyaha Gudida Guurtida Maxamed Maxamud Diiriye ayaa saxaafada isugu yeedhay una sheegay in aanay Ergadaasi u xidhnayn isaga oo amarkooda aanu bixin ka Guurti ahaan “Ergadaa Dilla nooma xidhna anaaga amarka xadhigoodana maanu bixin anagu ee Taliyaha ayay ku kooban tahay” intaa dabadeed shirkii waa soo xidhay Gudoomiyuhu .

 

 



Weriye Nicaaan Dheeg Ibraahim

Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office