Ururka Suxufiyinta Somaliland Ee Solja Iyo Hay’ada Caritas Oo Mu nasibaad Qurux Badan Abaalmarino Ku Gudoonsiyee Weriyayaal Ku Guulaystay Tartan Loo Qabtay Saxaafada Somaliland Iyo Timacade News Oo Kaalinta Koowaad U Gashay Websiteyada Dalka

 



Munaasibadan oo lagu qabtay hoteelka Ambassodor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb ga lay suxufiyiin, ururada bulshadda iyo  ...... .Daawo Sawiro Aad U Tiro Badan


Hargeysa (TNN):- ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo Hay’ada Caritas ayaa iska kaashaday abaal marino la siiyey Suxufiyiin tartan u galay baahinta fayo dhawrka nadaafadda.Tartankan loo qabtay wariye yaal ka qaybgalay Aqoonkorodhsi la xidhiidha sidii bulshadda looga dhaadhicin lahaa fayo dhawrka caafima adkooda iyo Sidii dadka loogu wacyigelin lahaa daryeelka nadaafadda deegaankoodda.

Munaasibadan oo lagu qabtay hoteelka Ambassodor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay suxufiyiin, ururada bulshadda iyo madaxda ururka SOLJA, inkastoo lagu casuumay wasiirada iyo xisbiyada qaranka, haseyeeshee nasiib daro kama ay soo qaybgalin munaasibadaasi.

Gudoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maqaalo laga qoray lagu sheegay in ururka SOLJA la midoobay ururka Soomaaliya ee NUSOJ ee saxaafadda, waxaanu tilmaamay in laga baxay wakhtigii la isku khuukhin jiray Soomaaliya, isla markaana ciddii qortay warkaasi ee sheegtay inay ururka SOLJA sir ka hayaan ay soo bandhigaan xidhiidhka ka dhexeeya SOLJA iyo ururka Saxaafadda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyah dallada SANSAF Mustafe Sacad, gudoomiyaha dal adda Nagaad ee dumarka, xoghayaha ururka SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo dhama antooda ka hadlay sida Ay muhiim u tahay in laga hadlo arrimaha bulshadda.

Gabogabaddii waxaa abaalmarino la gudoonsiiyey toddoba wariye oo ku guulaystay tartanka fayo dhawr ka Caafimaadka iyo xarumaha Ay Ka Shaqeeyaan Todobadaa Wariye Oo Ka Kala Socday HCTV, BULSHO TV, SLN TV, Wargeyska HUBAAL, Wargeyska WAAHEEN, Wargeyska OGAAL, iyo Shabakada TIMACADE NEWS OO iyadu kaligeed ka soo baxday Websiteyada ka hawl hala gudaha Somaliland.

Weriye Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare),oo ka mid ah weriyayaasha ka hawl gala Shabakadda Caalamigaa ee TIMACADE NEWS, ayaa ah suxufi aad u fir fircoon,waxna ka qora qaybaha kala duwan ee arrimaha  bulshada. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Barnaamijka Sama-Falka ee TNN oo uu ka di yaariyey hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe, oo haysa saddex wiill oo ay dhashay ,oo maskaxda ka xanuunsanaya

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland