“Waxan Ku Idhi Ciro Iyo Waqaf, Faysal Cali Waraabe Muu Dhicin
Isagaana Xisbiga Keenay, Xukuumadu Ama Maxkamad Ha U Gudbiso Ama Ha
Xukunto, Hadaan Qabyaalad Ku Shaqaynayo Berigii Ga rxajis Baxay Ayaan
Raaci Lahaa”Xaaji Cabdi Waraabe

Hargeysa, August 18, 2011 (TNN) - Xaaji C/Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi
Waraabe) oo hogaaminayey ergadii beesha Ciidagale ee dhex
dhexaadinta ka dhex waday khilaafka labada garab ee xisbiga UCID u
kala jabay ayaa sheegay in hawshii dhexdhexaadinta ay u gudbiyeen
xukuumada kadib markii garabka uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf ku
adkaysteen in aanay aqbalaynin guddoomiyenimada Fasysal Cali Waraabe,
shuruudna kaga dhigeen inuu ogolaado in muddadii xilkiisu dhamaatay,
isagoo intaa ku daray in wixii imika ka dambeeya xal u helida
khilaafka UCID u yaalo xukuumadu inay go’aan ka gaadho.
Xaaji Cabdi Waraabe ayaa siddoo kale jawaab ka bixiyay eedo Suldaan
Maxamed Suldaan C/qaadir u soo jeediyey xildhibaanadoodii iyo
Madaxdhaqameedkii beesha Ciidagale ee dhawaan Madaxweynaha Axmed
Siilaanyo xaalka ka siiyay eedihii Suldaanku usoo jeediyay.
Xaaji C/Kariim Xuseen oo xalay khadka Telephone-ka Haatuf xogwaraysi
khaasa ku siiyey, isla markaan a wax kaga waydiinay hanjabaada la
sheegay in guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro iyo Aadan W aqaf
kulan ay wada yeesheen ugu sheegay, haddii Faysal Cali Waraabe ay
xisbiga uga tagi waayaan, in wax weyni dhici doonaan, isaga oo
arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi Xaajigu “Maan odhan sidaasi,
balse waxaan ku idhi hadalo adag, waxay iyaguna yidhaahdeen aqbali
mayno Faysal Cali Waraabe gudd oomiyenimada uu sheeganayo ee ha
ogolaado in muddadii xilka guddoomiyenimadu ka dhaamatay oo la
badalay, anaguna waxaanu ku nidhi, Faysal Cali Waraabe ma dhicine
siddiinii hore ahaada, oo Faysalna guddoomiye ahaa, Aadan Waqafna
guddoomiye ku xigeenka ahaa, aqalkiinana furta oo si wanaagsan uga
wada hadla wixii aad isku haysaan, oo buuqa iyo qalalaasaha iska
daaya dabeeto markii aanu isdiid nay C/raxmaan Ciro iyo Aadan waqaf
waxay yidhaahdeen gar noo qaada ama maxkamada noo wada gudbiya,
dabeeto waxaan ku nidhi garna idiin qaadi mayno Maxkamadana idiin
gudbin mayno ee musla xa naga aqbala, intaa ka dib kolkii aanu
isdiidnay ayaanu xukuumada arrinkaasi ku wareejinay ama Max kamad ha
u gudbiso ama ha kala xukuntee xukuumada ayay hada u taalaa inay
go’aan ka gaadho khilaa fka UCID”
Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay eedaha looga jeedinayo, in
Faysal Cali Waraabe uu si reerni mo ah ula saftay garabka kalena ay
ka cadhoodeen, waxa uu yidhi “Waxaan ku idhi Faysal Cali Waraabe gar
buu leeyahay oo isagaa xisbiga keenay ee hadaad is diideen xisbi
kaleba furta, ergadana Somalila nd ahaan iyo beel ahaan baan ku galay,
hadaan qabyaalada ku shaqaaynayo berigii colaadi sokeeye ee Garxajis
oo dhami dhamaantii ka baxay Hargeysa ilaa Ceerigaabo ayaan raaci
lahaa, aniga C/raxmaan Ciro, Waqaf iyo Faysal-ba way ii siman yhiin”
Isaga oo ka hadlaya aragtidiisa la xidhiidha eedihii Suldaan Maxamed
Suldaan C/qaadir uga soo jeediy ay xaalkii ay dhawaan ka siiyeen
Madaxweynaha ee uu ku sheegay, in madaxweynaha ay Gabadh xaal
usiiyeen, ayaa waxa uu yidhi “Suldaanka way la noqotay, oo hadaad
wanaag doonayso hadal xumi waxba kuma yeelo, waanay la noqotay oo
isagaa arrinkaasi ku fashilmay Suldaanku wax xunse anigu u quudhi
maayo”.
Source:Haatuf
|