"Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Doorashada Wakhtigeedii Laga Soo Hormariyo Si Dalka Loo Badbaadiyo" Guddoomiyaha WADDANI

 



Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka digay in khilaafka KULMIYE xalkiisa laga dhigo in muddo kordhin loo sameeyo.

Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay khilaafka xisbiga KULMIYE, hasa-yeeshee khilaafkaasi uu saamayn ku yeelanayo doorashooyinka.

Md. Cirro, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Annagu waxaanu ka xunnahay khilaafka xisbiga Kulmiye, waayo khilaafka xisbiga Kulmiye waxa uu saamayn ku yeelanayaa doorashooyinka soo socda, xidhiidhka waddamada jaarka ah”

Guddoomiye Cirro oo ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga WADDANI u sameeyay Taageerayaal ku soo biiray, ayaa sidoo kale yidhi "Golaha Guurtida waxaan ka codsanayaa in aanay dhexdhexaadintooda dawo uga dhigin wax muddo kordhin la yidhaahdo, waxaanu soo jeedinaynaa in doorashada wakhtigeedii laga soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo taas oo ah xalka kaliya ee meesha yaala”


Md. Cirro "Kulmiye markii hore taageero fara badan buu helay, balse hadda waxa soo baxay midabkiisii dhabta ahaa nin maalintii oo dhan makhaayadda fadhiya oo suuqyada maraya yaa habeenkii saqda dhexe gurigiisa loogu dhacayaa maxaa keenaya sababtaas, qoladayada mucaaradka ahi waxaanu ka sii baqaynaa waxa dhici doona.”


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland