“Waxaan Ogahay In Maamulka Puntland Taleefan Kula Soo Xid hiidhay Madaxtooyada Somaliland Oo Ay Diyaaradda Kala Hadleen…”Faysal Cali Waraabe

 


“Xukuumadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa In dhakhso loola wareego diyaaradda iyo qalabka saaranba…..” “Annagu Xisbiga UDUB kuma raacsanin in la laalo diiwaangelintii doorashada aynu ku so o galnay…” Faysal Cali Waraabe: Waraysi Khaasa.

 


Hargeysa – 12 December 2010 (TNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali W araabe, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxtooyada Xukuumadda Somaliland, isla markaana ay ka  w ada hadleen diyaarad shalay Subaxnimadii soo fadhiisatay madaarka Caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay Ciidammada ammaanku ku ilaalinayaan, ka dib markii baadhitaan ay ku sameeyeen ku ogaadeen inay qalab Millatari u siddo Puntland.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha  bad an tallaabo uga qaaddo diyaaraddaas iyo cidda wadatay, qalabka ay siddana si toos ah Ciidammada Qaranka loogu wareejiyo. Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu soo jeediyey inaanay u dabcin Beer-laxawsiga uu sheegay inay Puntland ku maslaxayso siiddeynta diyaaraddaas. Faysal Cali Waraabe, wa xa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaasa oo uu Wargeyska HargeisaStar xalay khadka Taleefanka kula yeeshay isaga oo jooga Hargeysa. Waraysigaas oo uu sidoo kale, kaga hadlay inaanay UCID ahaan Xisbiga UDUB ku raacsanayn in la laalo diiwaangelintii codbixiyayaasha ee doorashadii Madaxtooyada lagu galay. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S: Dhawaan waxaad kulanteen Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB arrimaha aad ka wada hadasheen  wa xa ku jirtay Diwaan-gelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka, taasoo aad idinka (UCID) iyo UDUB kala aragti ka ahaydeen, maxaa iska bedelay mawqifkiinnii diwaan-gelinta?

J: Horta baryahanba kulanka Xisbiyadu wuu socday Saddexda Xisbiba way kulmeen oo anagu laba  Xi sbi ee kale waannu la kulanay.Shirkani ilaa bishii September-ba wuu noo socday, mar hadday  dhamm aatay doorashadii Madaxtooyadu oo la gelayo doorashadii Goleyaasha, markaa waa in Saddexda  Xisb iba ay isku mawqif noqdaan, haddii ay dhici waydo inay Saddexdu is raacaanna ay labba isku mawqif ku noqdaan, horenna waannu u soo saarnay Saddexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku in hore loo soo dhigo Doorashada Golayaasha oo aanay jirin wax innagu qasbaya in dib loo dhigo, labada  doo rashada la is dul saaro (Mar la wada qabto), wakhti deg-deganna la qabto ilaa 2011, waannu ku  hesh iinay oo Saddexda Xisbiba way saxeexeen, imikanna Salaasadii waxaannu wada shirnay Xisbiga UDUB oo aannu is tusaalaynay iyagu waxay ka qabbaana way noo soo bandhigeen, annagu waxaannu ka qabnana waanu u soo bandhignay.Diwaan-gelintu in aannay boqolkiibba boqolka fiicnayn cid  kastaa bba way ogtahay, markii uu dhammaaday Dis-play-gii way noo muuqatay in aannay waxba iska  beddelin tii hore ee la yidhi halla beddelo, hase ha ahaatee, waxaannu doonaynay in la adkeeyo mark a codka la bixinayo tiina may dhicin. Markaa, mar haddii aannu iska ogolaanay in doorashada lagu galo in aannu Diwaan-gelinta ka daba hadalnaa oo aannu nidhaahno halla laalo meesha ma taalo, waannu ka xunnahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore naga hor dhaco, markaa berito (Maanta), ayaa la fadhiisanayaa oo Guddi dhinac walba Saddex Xubnood ah ayaannu saarnay, saddex qodobna waannu isla qaadanay oo aannu doonayno in aannu berito soo saarno, markaa arrintaasi way noo socotaa. Haddii, aannu UCID nahay marna ku talin mayno in dalka doorasho bilaa Diwaan-gelin ahi ka dhacdo.

S: UCID ahaan ma waxaad leedihiin Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada Diwaan-gelintii hore  hal lagu galo, mise Diwaan-gelin cusub ayaad doonaysaan in lagu galo?

J:Mar haddaanay jirin qalqaale socota oo ah diwaan-gelin cusub la bilaabo oo adduunku labba jeer Lacag badan ina siiyey, labadii jeerna aynu innagu qasaarinay dantunna tahay in dalkan doorasho ka dhacdo, waxaannu jecelnahay in aannu Berrito (maanta), go’aan ka soo gaadhi doono,go’aankaas haddii ay UDUB nala qaadatanna wuxuu noqonayaa mid Saddexda Xisbi u dhan yihiin, haddii kale annaga ayaa soo saari doonna oo KULMIYE wuu nala qabaa, laakiin ka hor dhici maayo Guddida labada Xisbi ee Barrito (maanta), wada fadhisanaya.

S: Go’aanka aad idinka (UCID), iyo KULMIYE isku raacsan tihiin waa mid nooceeya?

J: Annagu waxaannu daafacaynaa kaannu markii hore saxeexnay ee aannu Komishanka iyo Madaxweynaha u dhiibnay in kaa lagu galo doorashooyinka soo socda, haddii wax laga hagaajin karo way bannaan tahay, laakiin marna mawqifkayagu maaha halla laalo oo Sannado ka hor halkii la taagnaa hallagu noqdo.

S: Maalin dhawayd waxaad ka hadashay Ciidammo Puntland loo tababarayo, maantana (shalay) waxa Madaarka Hargaysa soo fadhiisatay Diyaarad la sheegay inay Qalab Millateri u siddo Puntland, bal arrintaas ka waran, maxaad kala socotaan?

J: Arrintaas beryahaaba waannu ka hadlaynay UCID ahaan sida uu dhaqmaayo Maamul-goboleedka Garoowe (Puntland), waxaana hubaal ah illaa iyo intii doorashadu innoo dhacday ee ay ku dhammaatay nabad-gelyada, Xisbigii talada hayey ee UDUB-na si fiican ka yeellay ee si bilaa Rabshad ah Xilka loola kala wareegay ee bilaa Muranka noqotay Indhaha caalamka innoo soo jiiday ee maanta aynu Samcad wanaagsan ku helnay oo innoo taala hadii aynu ka faa’iidaysanayno Cadowgeenu dagaal badan ayuu innagu soo qaaday oo arrintaas ka galay isagoo doonaya inuu arrintaas ka hor tago.

Shirarbaa lagu qabanayaa Waddammo jeerkeenna ah oo la doonayo in Somaliland lagu beer laxawsado oo la leeyahay Madaxweynaha Somaliya qaata oo Caasimada qaata iyo Sheekooyin noocaas ah oo dhawaan ka dhici doonna Waddan aynu jaar nahay. Xaggan kale, waxa ka socda Ciidammo hubaysan oo ay samaysanayso Puntland, xaggaa kale waxa ka socota Jabhad hubaysan oo fadhida Buuhoodle oo sabab u ahayd iskunna dirtay Dadka deegaankaas oo riday dagaalkii Kalshaalle,shirkii Maygaagle in lagu kala kacanna way ka dambeeyeen, markaa waynu hareeraysan –nahay.laakiin, waa Illaahay mahaddii wixii aannu UCID ahaan sheegaynay ay soo baxday Dad iska nasiib-badan ayeynu nahayoo waa taa Diyaarad iska socota oo South Africaan iyo Hubba sidata soo fadhiisatay, innagu cid maynaan dulmin, laakiin innaga ayaa hore la innoo dulmay Soomaali waxba umaynu geysan cidkastoo wax innoo geysatayna waynu saamaxnay, haddana wali waa la inna daba socdaa oo waa kuwaa diyaaradaha hubka sidaa imikaba soo cago dhigtay. Imikanna waxaannu ognahay in aanay wali ka hadal Garoowe (Maamulka Puntland), Diyaaraddaa, laakiin waxaan ogahay inay Puntland la soo hadashay Madaxtooyada Somaliland.sidaa awgeed, Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay waa in tallaabo adag laga qaadaa, mar hadaanay is lahayn Warqada rarka saaran iyo waxay siddaa, dhammaan qalabkay siddo waa in lala wareegaa.

S: Guddoomiye, waxaad sheegtay in aanay Puntland si cad uga hadal, laakiin ay Madaxtooyada la soo xidhiidhay, arrintaasi wax fudud maaha, ee maxaad ku xaqiijinaysaa?

J: Annigu Xisbi mucaarid ah ayaan Madax ka ahay oo meelo badan ayaan Warka ka helaa, markaa waan ogahay in Madaxtooyada Somaliland iyo Puntland Taleefan ku soo wada xidhiidheen.

S: Guddoomiye, Markaa mawaxaad leedahay Puntland waxay Madaxtooyada Somaliland kala hadashay in Diyaaradda loo siiddaayo?

J: Si hoose ayey taleefan ugu wadahadlayaan wali oo si cad umay soo wada bixin, laakiin Xukuumadda Somaliland waxaannu leenahay waa in ay waajibkeeda gudataa, mar hore ayeynu tallaabo qaadi waynay oo tii Oog ka dhacday ayeynu ku fashilanay oo Ciidankeenna la iska afduubtay, waxaannay ka mid tahay waxyaabaha Cadowga innagu soo dhiiriyey, markaa waxaan leeyahay dalka waa in difaaciisa la adkeeyaa. Waxaan intaa ku darayaa, waxaynu ognahay in Puntland oo dhul ballaadhsi waddaa ku mar-marsoodo argagixiso ayaan la dagaalamayaa oo imikana uu soo Bara-kiciyey Dad reer Somaliland ah oo daga Bariga Sanaag oo ay waajib tahay in Xukuumadda Somaliland ay Naftooda iyo Maalkoodaba difaacdo, manaha wax la aqbali karo in Taako dalkeenna ka mid ah Maamul kale soo faro geliyo oo yidhaahdo argagixiso ayaannu ka baadi goobaynaa, taasina waxay noqonaysaa marka Dadkeenna argagixiso lagu sheego in aynu argagixiso nahay, laakiin Xukuumadda waxaan mar labaad u soo jeedinayaa inay Maamulka gaadhsiiso Sanaag-Bari, dalkana difaacdo, kana hor tagto dhul ballaadhsiga uu wado Maamulka Puntland, mana aha innagoo 20 sano jirney inaynu ka baqanno Maamul-beeleed aan dawlad ahayn, waa in aynu yeelannaa Ciidan Qaran oo dalka wada hanta, intoo imikaba Ciidankeenna Qaranku ku ammaanan yahay hawsha baaxadda leh ee uu dalka u hayo.

S: Musharrixii Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID ahaa ee aad doorashadii Madaxtooyada u wada tartan-teen, waxa Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay jagada la-taliya xidhiidhka caalamka iyo arrimaha ictiraaf-raadinta, markaa UCID ahaan miyaad isla qaadateen in Xukuumadda Xisbiga KUKLMIYE ka mid noqotaan?

J: Maya, ee annagu go’aanka aannu qaadannay wuxu ahaa inaannaan wax xubno ah ka noqonnin Xukuumadda KULMIYE, laakiin hawshaasi waa mid u gaar ah Maxamed-rashiid, Xisbi ahaan-se nagama dhaxayso inaannu ka mid noqonno ama xubno ku yeelanno Xukuumadda Xisbiga KULMIYE
 


Wargayska Hargeisastar