Been abuur Magacayga oo Laga been abuurtay

 


Shir Been Abuur ahaa oo, oo waliba Bug ahaa oo UDUB Birmingham Laga samyst ay

…shuruucda islaamka iyo tan ay bulshooyinka ku dhaqan ifka ay samaysteen in layska beensheego laguna muteyso xadhig iyo cadaab… ma'aha in aad aranway do waxa aad rabto…. Halagana taliyo xagga wanaagga iyo isku duubnida, hada ad rabto mucaarad noqo ama raace ahow… hana ku fakarin dan shakhsi oo aad wax u qorto ama ku difaacdid dulmi aad arkayso ama aad ku qoroto magacyo aan laguu igman…



SCWW

Halkan waxaan ka salamayaa shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, wa xaa aan ku jirnaa 10 casho ee u danbeeyey bisha ramadaan ee khayrka loo sha qaysanjirey mana jeclayn inaan maanta kheyrkaa lagu jiro jawaab ka bixiyo  be en abuur layga sameeyey.


Anigoo ah Shucayb Maxamed Gurux kuna nool Leicester dalka England, ahna  Mu waadin Somaliland,waligayna aanan magacayga ku qorin Wax kala Tageeraaya ama ka hadlaya dan gaar laga leeyahay interneedka ama koox tageersan oo  da miir xumo ah ku dheehantahay Waxaana waayadan batay kooxo dadka jaha  wa reersha kana been sheeqa, iyaga oo qof magaciisa iyo waliba jaaliyadiisa ama qabiilkiisa intay liis dheer ku qortaan si ay tiro badan ay liiskaas ugu qortaan  ka aga darane waliba dhahaya "hadaannu nahay koox ama jaaliyada hebel beesha Reer hebel waxaan soo saaray bayaankan waxaana qoray dadkaa Hebel iyo Heb..." oo ah been abuur ama heblaayo.


Sidaas darteed, waxaan beeninayaa maqaalkii ku soo baxay website ka Qaran News 14.09.2009, ahaana mid loogu jawaabeyo shir lagu qabtay Birmingham oo xitaa kaana anaan ogeyn waxaana aan Aqristayaasha u sheegayaa in xitaa Aniga maanta layga been abuurtay oo aan aad ula yaabay markaan ku arkay Magacayga liis dheer oo aan ku jiro, oo la leeyahay waxaa uu ka mid yahay hebel iyo hebel, aana kaga jiro No.14 aad,ayna u qoreen magacayga sidan qal dan ee : SHUCAYB KURUXEED ,kuna soo baxay Bogga beenta ee Shabakadda Qarannews :

waxaan beeninayaa maqaalkii ku soo baxay website ka Qaran News 14.09.2009, ahaana mid loogu jawaabeyo shir lagu qabtay Birmingham ,Una qoraa sidan:

Bayaan Shir Been Abuur ahaa oo waliba Bug ahaa oo UDUB Birmingham Laga samystay , ayna hoos kaga qoranyihiin magacyo dhan 19qof, waxanaan cadeynayaa in aanan qorin jawaabtaas oo magacayga lagu been abuurtay,.
Hadaba waxaan aqristayaasha la socod siinayaa in aanan ahayn qof magaciisa la bililiqaysto oo laga been sheegi karo lagamana been sheegi karo magaca dadka ku nool Qurbaha, qof walbana waxbaa laquman, taana waa in la qadariyaa.

Aniga waxaan aad u jeclahay in ay hesho Somaliland Nabad iyo wadajir, dulmina aan la tageerin ,sharciguna uu shaqeeyo taasoo ah bilowga horumar kasta oo ay aduunyadu hiigsanayo inta Somaliland looga helayo daawo jahawareerka ka saarta, hadaba ma'aha in aad qaranwaydo waxa aad rabto, waxaanan u  sheeg ayaa Reer Somaliland in loo soo jeesto horumarka dalka iyo dadkiisa, lagana da ayo daneysiga gaarka ah, dulmi u hiilinta , qaska, jaha wareerka, iyo jidgoyta sharciga , xuquuqda dadkiisa iyo dhaqaalihiisa, hana laga digtoonaado iska been abuurka iyo isticmaalka magacyada dadka sharafta leh ee hadba kooxaha  masa yrsan ee danaha gaarka ah wataa ay ku qoraan bogaga internetka ee  Qarannews u horeyso ayna u isticmaalan marwalba arimo ah hawtulhamag ama jaha wareer taasoo wax u dhimaya xitaa sharafta jaaliyada , shaqsiga iyo beesha.

Halagana taliyo xagga wanaagga iyo isku duubnida, hadaad rabto mucaarad  no qo ama raace ahow, una sheeg dadkaaga danta guud waxa ay ku jirto, uguna sheeg af iyo qalin , hana noqdaan wax uu dhaystuhu ama aqristuhu u riyaaqo in gaadho oo ah xagga nabadda iyo horumarka guud ee shacbiga reer Somaliland guud ahaan oo dhan, hana ku fakarin dan shakhsi oo aad wax u qorto ama ku  di faacdid dulmi aad arkayso ama aad ku qoroto magacyo aan laguu igman qoraan waxbaan ku difaaci taasuna waa qiyaama kicis!.Taasu waa iga talo.


Mar labaad waxaan aqristayaasha la socdsiinayaa in bayaankaas ku qoran  bo gga beenta ee Qarannews la'igaga been abuurtay oo aanan waxba kala socon waxana aanan ka ogeyn kana soo horjeedo shuruucda islaamka iyo tan ay  buls hooyinka ku dhaqan ifka ay samaysteen in layska beensheego laguna muteyso xadhig iyo cadaab.
 

 


shucayb Maxamed Gurux

Leicester UK