Ismaaciil
Hurre Buubaa oo Xukuumadda Madaxwe yne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad
la’aan
Hargeysa (Timacade News)- Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah
Siyaasiyiinta dh alasho ahaan ka soo jeeda Ja mhuuriyadda
Somaliland, hase ahaatee aaminsan mawqifka midnimo Soomaaliwe
yn, ayaa mar kale ka hadlay mawqifkiisa la xidhii dha
horumarka Somaliland.
Waxaanu dhaliilay wax-qabadyada
bulsho iyo horumarineed ee dalka oo uu sheeg ay in aanu jirin wax
horumar ah oo laga gaadhay. Isla markaana
wuxuu Ismaaciil ku dooday in mustaqbalka mar uun Soomaaliya midoobi
doonto.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ku sugan Magaalad Nairobi ee dalka
Kenya mar uu khadka Telefoonka ku waraystay
Weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan
Telefis h anka
HCTV ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ururkii SNM
ujeedooyinka uu u dagaallamayay ay ka mid tahay in uu dalka ka
xoreeyo dhibaatooyin loo ge ystay, hase ahaatee ay doonayeen
in ay Somaliland ka mid noqoto Umadda Soom aaliyeed. Waxaanu ka
hadlay socdaal uu sheegay in uu ku imanayo Magaalada H argeysa.
Ismaaciil wuxuu sheegay inay Somaliland siyaasad ahaan iyo amni
ahaan horuma rtay, balse wuxuu dhaliilay adeegyada
Cusbatallada Somaliland iyo sidoo kale hor umarinta Magaalada
Berbera oo uu sheegay in uu liito. Sidoo kale, Mr. Buubaa wu xuu
sheegay ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Xukuumadda Shariifka ee
Soomaali ya.
Waraysigaasi oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan;
S: Marka hore waxaad ka warantaa Mawqifkaaga
Siyaasadeed halka uu taagan yahay?
J: Mawqifkayga Siyaasadeed wuxuu taagan yahay halkii uu markii
horeba taag naa..Dadka ka midka ah Shacabka Soomaaliyeed ee ay
ka mid tahay Somaliland, waxaan u arkaa ina aanay kala maarmayn.
Laakiinse, kollayba Dimuqraadi ah Uma dda Soomaaliyeed ama dhinaca
Somaliland ha noqoto ama dhinacyada kale ha noqotee in ay horumar
sameeyeen.
S: Ismaaciil, dadku waxay isweydiin karaan
miyaad ka noqotay Mabda’aagii Soom aaliweyn. Arrintaa bal
faahfaahin ka bixi?
J: Mawqifkaygii waxaan u arkaa in danta Soomaaliyeed ay tahay in la
wada shaqe eyo oo la wada joogo. Ilaahay baa inaga dhigay Umad
Soomaali ah oo ku nool ge yiga Soomaaliyeed. Markaa waxaan u arkaa
inay danta Somaliland ku jirto in ay Umadda Soomaaliyeed wada socoto
oo midnimo ay jirto. Iyada oo ay sidaas tah ay, haddana, waxa
Siyaasadda la yidhaahdaa waxay ku salaysan tahay wixii had ba
suurtogal ah oo rabitaanka iyo helitaanku ma wada socdaan had iyo
jeer.
Haddii ay suurtogal noqon waydo
in ay Umadda Soomaaliyeed mid noqoto oo ay Somaliland gooni isu
taagto, Puntland ay gooni isu taagto oo Koonfurtu gaar isu taagto oo
dan guud loo arko, anigu ma noqonayo qof odhanaya waxaan ka soo
horjeedaa danta guud. Waxaan jeclaan lahaa in Umadda Soomaaliyeed ay
noqoto mid culus oo mid ah oo quwadaha waawayn ee Mandaqaddan Geeska
Afrika. Sidaas ayaan u arkaa inay dantu ku jirto,
waxaanan u arkaa inay sidaa ku damba
ynayso. Arrinta gooni-isu-taagga Somaliland siduu ku yimi
taariikhiyan haddii dib loo eego waxaan ka mid ahaa Ururkii SNM.
Waxyaabaha uu Ururkii SNM u dagaall amayna waxay ahayd in uu
xoreeyo qaybahaa Soomaaliyeed ee Somaliland ee Ingiriisku gumaysan
jiray. Ururkii SNM wuxuu aaminsanaa inay danta guud ku jirto inay
Umadda Soomaaliyeed wada shaqayso. Laakiinse, haddana Ururku wuxuu
ka shaqeeyay dhibaatadii gaarka ahayd ee Somaliland lagu hayay inay
dhammaato, waanu ku guulaystay. Waxaanay aniga ila tahay in Ururka
ujeedadiisu ay had iyo gooraale ay ahayd inay Somaliland ka mid
noqoto Umad Soomaaliyeed oo Geeska Afrika ku nool oo xooggan oo ka
qayb-qaadata horumarka dadka Soomaaliyeed ee kale ee Geeska Afrika
kula nool. Hase ahaatee, iyada oo ay maanta dhibaato ka taagan tahay
dhinicii Koonfurta, haddii danaha dadka Somaliland jooga lagu lumiyo
waxaan dan u ahayn iyaga, umadda Soomaaliyeedna aan dan u ahayn, wa
an fahmi karaa dadka dhinacaas wax ka eegaya. Laakiinse, anigu
waxaan leeyah ay aakhiritaanka Umadda Soomaaliyeed ma kala
maaranto, mana kala maarmi doonto.
S: Ismaaciil, Waraysi aad Warbaahinta Somaliland qaarkood siisay
waxaad ku she egtay in aad Hargeysa u soo socot. Maxaa
isbedelay?
J: Waa sidii uun, waan imanayaa Hargeysa oo Fikirkayga qaba oo aniga
oo aami nsan aan Hargeysa yimaaddo oo aan ka qayb qaato
horumarka Somaliland iyo U madda Soomaaliyeedba. Laakiinse, hadda
dano gaar ah ayaan Nairobi u joogaa in aan fushado, balse waan u
diyaar-garoobayaa in aan Hargeysa imaaddo.
S: Somaliland 18-sanno ayay jirtaa oo gooni bay isu taagtay,
Doorashooyin-na way qabsatay. Sideed Somaliland u aragtaa?
J: Somaliland waxay samaysay horumar guud ahaaneed oo Siyaasad,
degannaa nsho iyo ammaan. Laakiin, dhinaca Nolosha dadka maaha mid
sidaa u horumartay. Cusbataalladu aad bay u liitaan. Magaalada
Berbera oo ah Wejiga iyo horuma rinta Somaliland laga dheehan
karo, waynu ognahay siday maanta tahay. Maanta Somaliland waxay u
baahan tahay horumar culus. Taasna waxay ku gaadhi kartaa iyada oo
ka qayb qaadata horumarka iyo degannaashaha Mandaqadda. Laakiin, mid
intay iyadu cid walba iska faquuqdo ay horumar samayn karta ma
filayo inuu iman karo.
S: Sideed u aragtaa Dawladda uu hoggaamiyo Shariif Sh. Axmed ee
Soomaaliya, ma sii jiri kartaa?
J: Wallaahi, dhibaato xooggan ayaa haysata Xukuumadda Sheekh Shariif,
dadka hoggaanka ka ah Xukuumaddaasina maaha dad awood hoggaamineed
oo culus l eh maaha, dhibaato culusna way jirtaa oo way adag tahay
in siday wax u socdaa n ay ka baxdo. Iyada oo sidaasi jirto, waxa
arrinta lagu dhammayn karaa oo kaliya dib-u-heshiisiin ay u dhan
yihiin Umadda Soomaaliyeed. Laakiin, Ciidamo shisheeye oo loo yeedho
oo Xukuumadda ilaalisa maaha wax suurtogal ah, waayo waanu
tijaabinay oo tii aan ka mid ahaa ayaanu soo aragnay. Waxa lagama
maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed ay iyadu isku tashato oo ay wada
fadhiisato. Taas ayuun bay Xukuumadda Sheekh Shariif meel ku mari
kartaa. Balse, haddii lagu hoos gabbado Ciidamo shisheeya ama AMISOM
ha noqdaan ama kuwo kale ha noqdaane, waxaan u arkaa inaanay horumar
keeni karayn. Waxa loo baahan yahay in Xukuumad dadku taageerayo oo
loo wada dhan yahay ay meesha timaaddo.
Source:HCTV
|