Waxa La Gaadhay Xiligii Hargeisa iyo Cee lbardaale Lagu Kala Bixi Lahaa

 


Ummadan iyo dalkan Somaliland maydun ahayn kuwii u halgamay ee isir  guma a dka ku socday ka badbaadiyey ee xoreeyey ee keenay Calankan Quruxda   b adan ee Towxiidka Eebe ku xardhan ee aan weligii daadegayn ee inaga  dulbab anaya ee nabadgelyada, xasiloonida, dowlada, qarannimada iyo horumarkaas dhinac walba ka muuqda ee aad hagar daamooyinka ku haysaan. Mida kale, u madan iyo dalkan kuma aydun qabsan kumana qabsan kartaan qori caaradii, waana inaydun xasuusnaataan in aydun markiini horeba aad ku timaadeen dib u heshiisiin, saamaxaad, wacad la isla dhigtay, dowlad, dimoqraadiyad, iyo  da stuurka iyo shuruucda dalka u yaala.

Hadaba, ha ka abaal dhicina badbaadintii iyo nasteexadii xad dhaafka ahaa ee la idiin falay welina wanaag la idiin hayo, waxay ahayd inuu idin deeqa oo  ay dun abaalkeeda gudaan, hase yeeshee, taasi ma dhicin. Sidaas daraadeed, uu ma sii dul qaadan karno qabyaalada, dulmiga, nacabnimada iyo colaada aad  w adaan oo siidii dameero dhergay nooguma sii biiqleyn kartaaan oo Hargeisana, waxaad doontaan kama sameyn kartaan oo maatadayadana guryahooda  uu guma sii dhici kartaan oo kibir, aflagaado, tacadi fool xun iyo jidh dil kulama sii kici kartaan sida ku dhacday Marwo Aniisa Jaamac Xaji Cabdi oo ah hooyo iyo sodox sharaf iyo karaamo leh kana mid ah xildhibaan sugeyaashii Xisbiga UCID ee u tartamay doorashadii Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland;

Marwo Foosiya Maxamed ahna xaaskii Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada ee xiligii dhowaan uu Kacdoonkii Shacbigu uu ka dhacay Hargeisa si uula kac ah tacadii fool xun iyo jidh dil axmaqnimo iyo bahalnimo ah loo  geysa tay, dhalinyarada Ilaalada Madaxtooyadu ay shiishka ku baranayaan, iyo qaar kale oo badan kuwaasoo aan la idiinka daba hadhi dooniin idinkoo sharciga soo taaga kuwii soo amray iyo kuwii waaxishnimadaas geeystay mooyaane, haddii kale, waxa hubaal ah inay Borame ayaan dhow olooli doonto.

Dhinaca kale, degaanka Ceelbardaalena, waxaad doontaan kama sameyn  kar tan ee fiiro gaar ah ayaa la idiin yeelana, wixii hada ka dambeeyana, gacan bir ah ayaa la idinku qabanaya ee midaas ku talo gala. Run ahaantii, baadilka iyo dulmiga uu Riyaale, Beesha uu ka soo jeedo iyo xulufadooda yari ee ay  badan aa isku raacsan yihiina kuna hayaan guud ahaan ummada iyo dalka Somaliland gaar ahaan Reer Ceelbardaale iska sii jiitami kari mayso ee waa in si hagar la’I ah oo deg deg ah xaqa iyo sharciga loo soo noqdaa oo cida dhibka wada ee  g ardiidka ah ay garawsataa inaaney gar daro, xaq daro, sharci daro, deris  xu mo, xidid xumo, qabyaalad, nacabnimo, colaad, iyo dhiig daataa aaney dhul  a aney lahayn iyo straateejiyad siyaasad iyo tu Isir ahaaneedba u noqon karin oo weliba cimri dherer kursiga si xaaran ah lagu sii haysan karin oo meelna  aa ney ku gaadhi karin gudcur gudnimadaas habowsan sidaasna loogu sii dul  qaa dan karin ama ku sii socon karin aakhirkiina ay jab, hoog, halaag, takoorid, iyo qoomame uun ay kala kulmi doonaan, haddii aaney hada ka waantoobin  qaby aalada sumeysan, dhagarta iyo godobta ay muteysteen kuna sii socdaan tan iyo xiligii rijiimkii horor Siyaad Bare ilaa sannadkaas 2009.

Waanaanu la socona, ujeedooyinka badan ee laga leeyahay iskaga muranka  g ar darada iyo xaaranta ah ee dhul beel kale ay abidkeed iska lahayd lana  wad a garanayo ee weliba labada jeer loo si cadaaladi ku jirto loogu xukumay  laha anshaheeda iyo sida foosha xun ee lagala hor yimi kibir bilaashka, laab la kaca, isfatooxinta, aflagaadada, gardiidnimada, iyo dhagaraha qayaxan taasoo weli lala soo indho adag yahay lana soo jiqilo buuran yahay si ka baxsan  dhaqank eena suuban iyo Diinteena islaamka ah. Mida kale, waanu og nahay, in  muran kan dhuleed ee xaaranta ah ee Ceelbardaale uu ka mid yahay shirqoolo silsilad ah oo uu nacabka iyo cadowga gudaha ee gacan saarka la leh cadowga  shish eeye ay soo maleegeen. Waxa kale oo aanu og nahay in abeesooyinka, diina daha, iyo dhidirada ka guuxaya hareerahayaga laga bilaabo Djibouti, Borame, Ceelbardaale, Garoowe, Xamar iyo Shirkii Dhulbahante ee todobaadkan ka  dh acay Nairobi ay isku wada yihiin shabakad isku xidhan looguna wada hiilinayo Riyaale, UDUB, iyo xulufadooda u badan Hadhaagii Faqash si aaney doosho xor ah oo xalaal dalka uuga dhicin taasoo lagu guuleystay oo mudo laba  sannad ood iyo dheeraad ah xukunka si qayrul dastuur, sharci daro iyo xaaraanba ah lagu sii haysto iyadoo diwaangelintii cod bixiyeyaashana la minjoxaabiyey oo Komishankii horena la burburiyey oo komishankan hada la dhisaayona  burbu rkiisa la wado dembiyadaas oo dhanina looga jeedo isku dayga mudada dheer socday ee markii debeda wax lagaga qaadi kari waayey lagu doonayo in  guda ha laga burburiyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland taasoo aaney sinaba ugu suuri karin nacabka iyo cadowga ummada iyo dalka Somaliland.

Sidaas daraadeed, waxaa halkan uuga soo jeedinaya kuwa sida jaahilnimada, kibirka, macangegnimada, axmaqnimada, qabyaalada, nacabnimada, iyo  cado wtinimada ku hawlan la xidhiidha dembiyada Khiyaamo Qaran iyo Qaran  Dumi ska ee weliba ku si gar daro iyo xaq daro ah ugu muransan dhulka  Ceelbard aale, waa inay ogaadaan in qorshayashooda Faqashnimo loola socdo taako   t aako kuna guuleysan doonin inay ummadan iyo dalkan ka dhex ridaan  nabad gelyo daro, fowdo, dagaal sookeeye, iyo burburka xoriyada halganka dheer ee qadhaadh loo maray ee dhiiga farabadan loo soo huray haatana loo diyaar ya hay in naf iyo maalba loo huro.

Hadal iyo dhamaantii, waxaan halkan uuga soo jeedinaya beesha sida xaqa ah iska leh degaanka Ceelbardaale inaaney is dhigan, waana inay iska dhaaftaa beer jileeca maadama laala garan waayey, waana inay kala garataa  cadowge eda iyo nasteexeeda oo wixii hada ka dambeeyana ay u diyaar garowdaa  da an daansi iyo colaad kasta oo si gar daro ah ee dhinaca kale kaga yimaada oo haddii markan uu dagaal sidoodii ay soo qaadaan dagaal gar daro ah, waa in si buuxda looga qayb galaa oo la is kaba raaciyo cadowgan cadeystay ee wax maxeeriyaha ah ee reerihii ay is dhaleen isuna abtiga iyo xididka ahaa ku soo hoos noqday ee mudada dheer dhiiga sokeeyaha iyo isir gumaadka faraha  ku la jiray sidaasna lagu soo afjaro muran dhuleedka xaaraanta ah ee ka taagan degaankan. F.G.: Wa in baadilka iyo dulmiga meel looga soo wada jeestaa oo runta la sheegaa oo xaqa lagu adima. Sidaas daraadeed, waxaan idiinka  dig aya kuwa maqaalkan xaqa xambaarsan akhrista ee ku soo andacooda inuu  xa mbaarsan yahay qabyaalad, fidno, iwm soona aflagaadooda kuwaas dheg ha u dhigina waayo waa kuwa xaqa is diidsiinaya ee baadilka ku taagan ee dulmiga baaxada weyn ee dhinac walba saameeyey wada iyo xulufadooda yar ee  caa d eqaatayaasha ah ee sida badheedhka ah ugu garabtaagan Faqashnimadaas.
 

 


Farah Ali Jama

Ottawa, Canada