Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira,
By: Bashir Goth

 

 

Waxay warbaahinta Somaliland fidisay digniin uu Afayeenka Madaxtooyada Somaliland  Cabdi llaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu u jeediyey saxaafadda isaga oo uga digay falanqaynta iyo faragalinta wax ka arrimaha Diinta iyo Qabiilooyinka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Cukuse uu isticmaalo erayga “digniin”. Waxana la yaab leh nin sheeganaya Afyeen Madaxweyne oo isticmaalaya erayga “digniin”. Haddaba waxa habboon in uu Cukuse ogaado in aan erayga digniin ku jirin xeeraka Afayeenada Madaxda. Saxaafadda  di gniin lama siiyo. Maxaa yeelay marka aad tidhaahdo “Waxan uga digayaa” waxa daba taalla  ci qaab, waxa ka dhadhamaya digtaatoornimo, waxay xambaarsan tahay “shaqo ayaan idinka  q aban doonaa”, waxay la mid tahay ul taagan. Waa car juuq haddii kale is jira. Digniini ma aha hadal ku habbon Afayeen dal dimoqraadi ah oo xaqdhawraya saxaafadda xorta ah ee aad  adi gu bahda ka ahaan jirtay.

Afayeenka waxa looga fadhiya in uu erayada uu odhaanyo ka fiirsado, eray kastana eego  mii saanka uu leeyahay iyo macnaha uu xambaarsan yahay. Waa in uu wax kasta magaciisa ugu yeedhaa. Taasina arrin fudud ma aha haddii ay isga la dhib yartahay.

Waxa jirta sheeko tidhaahda faylasuufkii Shiinaha ee la odhan jiray Konfushiyas (Confiucius) a yaa mar la weydiiyey waxa ugu horreeya ee uu qaban lahaa haddii dalka xukunkiisa loo dhiibo. In yar markuu fikiray ayuu ku jawaabay: “ Waxa ugu horreeya ee aan qaban lahaa waxa  wee yi waxan sixi lahaa wax kasta magaciisa. ( I would rectify the names of things).” Ninkii  su’aas ha u soo jeediyey ayaa isaga oo yaaban weydiiyey: “oo arrintaasi siday xukun wanaag u keeni kartaa?” Markaas buu faylasuufkii ku jawaabay: “ Marka wax kasta magaciisu qaldan yahay, hadal caqliga gala laguma hadlo. Marka uu hadalku caqliga geli waayana waxna sida igu  habbo on looma qabto. Marka waxna sida ugu habboon loo qaban waayana dhismaha bulshada ayaa dhaawacma. Marka dhismaha bulshadu dhaawacmana ciqaabta iyo dambiga ayaa is leekaan waaya. Marka ciqaabta iyo dambigu is leekaan waayaana dadku waxay garan waayaan wax ay sameeyaan. Ninka qumani wax kaleba ha sameeyee waa in aanu hadal aanu u meel dayin ku hadal.” Sidaas bay diinteenuna u tidhi: “ (ilaahay) Aadam wuxu baray magacda….Wa cala ma Aadma Al Asmaa…”

Haddaba Cukusow waa inaad garataa in erayga kaa soo baxaa haddii aanad u meel dayin uu dhaawac gaadhsiin karo Madaxweynaha iyo dawladdaba. Hadhawna aanad Saxaafadda ku  ca naanan Karin.

Haddaba waxa lagaaga fadhiyaa ma aha digniino aad bixiso ee waxa kuu banaan in aad  beeni so wixii aan jirin ee saxaafaddu qorto oo aad bayaamiso waxay runtu tahay. Erayada aad  ade egsan karto marka aad doonayso in aad saxaafadda toosiso waxa ka mid ah: “ Waxa  habboon ayd, runtu waxay tahay, waxa wanaagsan, ilama habboona, way fiicnaan lahayd, waxan talo ku bixin lahaa iwm…”. Markaa digniin maya.

Waxa kale oo aad saxaafadda uga DIGTAY in ay ka fogaato ka hadalka amuuraha Diinta iyo  Q abiilka. Waxase hubaal ah in aanay saxaafaddu abuurin muranka diinta iyo hadal haynta qabii lka midna. Saxaafaddu waa dhuunmareen (medium) oo wixii dhaca ayuun bay werisaa. Qabyaa ladda waxa baabiisa caddaalad. Haddii ay xukuumadda jirtaa caddaalada baahiso qabyaaladda hadal haynteedu wuu iska baaba’aa, laakiin ha ka hadlina kuma aasanto. Waxad ogsoon tahay in Diktaatoorkii Siyaad Barre uu yidhi qabyaaladdii waan aasnay ee qofna yaanu ku hadlin isag una uu hoosta ku haystay. Markaa arrintiisu waxay ahayd aniga ayuun bay ii banaan tahay in aan ku shaqaysto. Haddaba markaad amrayso saxaafadda in aanay qabyaalad ka hadlin miya ad illowday in ay saxaafaddu tahay ta looga baahan yahay in ay iftiimiso qaladaadka  xukuuma dda ee qabiilku ka mid noqon karo. Wuxu hadalkaagu u egyahay in aad leedahay indhaha naga weeciya waxbaan laaqanaynaaye. Ogsoonow saxaafaddu haddii ay u muuan weydo qabyaalad xukuumaddu waddo wax aan jirin qori mayso.

Arrinta diinta waa laga hadli haddii xukuumaddu soo kala dhex gasho dadka iyo ilaahay. Dadkeenu Muslim buu ahaa 14 qarni iyo ka badan. Markaa haddii Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu fidmo abuuro oo uu yidhaahdo wixii aad soo caabudayseen aniga hortay waa waxba kama  jira an ee anigaa dariiqa toosan idinku ridaya saxaafaddu xaq bay u leedahay in ay dadka  weydii so in ay raalli ka yihiin iyo in kale. Xaq bay u leedahay in ay farta ku fiiqdo in diin waageeni ahi ina soo gashay, xaq bay u leedahay in ay sidii dacawga ka daba cido ciddii ummadda  soof  dar an habaabinaysa. Haddii aad doonayso in aad sida gorayada madaxa aasato saxaafadda waxa ku waajib ah in ay dadka tusto in qarqarka dambe uuni ku muuqdo oo uu maduxu ku aasan ya hay.

Hadalkaagu wuxu u egyahay in saxaafaddu damqaday boogo aad doonayso in ay qarsoonaato ama ajandha aad soo wadateen oo aydaan doonayn in dadku ogaado. Haddiise ay kaa daacad tahay waxa fiicnaan lahayd in aad faahfaahin ka bixiso hadalada laga argagaxay ee fidna  diin eedka inagu abuuri kara ee ka soo yeedhay wadaadka aad arrimaha diinta u dhiibteen. Mase illoobay wadaadku in Idaacaddu hoos timaaddo Wasiirka Warfaafinta oo aanu isagu shuqul ku lahayn. Miyuuse illoobay in dalka xornimo ka jirto oo aanu cidna ku dirqiyi Karin bucsharad uu dibadda kala yimid.

Ogsoonow Cukusoow saxaafaddu aamusi mayso weliba waxa u dambaysa in ay badka soo  dhi gto halka wadaadku ka damqanayo iyo cidda uu gacan hoosaadka la leeyahay. Haddaba inta aad saxaafadda u dig iyo damlaynayso bal horta xukuumadda aad Afyayeenka u tahay bar  si da wax walba magaciisa loo yidhaahdo adiguna u bilow, had iyo jeerna xusuuso in saxaafaddu mabda’eegu yahay: “wax la qariyo qudhun baa ku jiro.”


 

 

 

Bashir Goth
Email: bsogoth@yahoo.com