Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda oo xalay ku geeriyooday Hargeysa
December 23rd Hargeysa (Timacade
News)- Allaha u naxariistee Wasiiru-dawlihii Wasaa radda Arrimaha
Dibedda Somaliland Siciid Maxamed Nuur, ayaa xalay ku geeriyooday
gu rigiisa Magaalada Hargeysa, ka dib markii si kedis ah Wadnuhu
isu-taagay. Waxaana maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa xalay Wadnuhu istaagay sida la sheegayo. “Sida lay
sheegay wuu Caa fimaad qabay maanta (shalay), balse caawa (xalay)
abbaaro 10:45 ee habeenimo, ayuu Ilaahay ha u naxariistee
geeriyooday.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaarad da
Arrimaha dibedda Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).
Aaska Marxuumka ayaa maanta waxa ka qayb galay Madaxweyne Rayaale
iyo Masuuli yiin badan oo ka kala socday Xukuumadda iyo
Baarlamaanka.
Waa xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda
Rayaale ee geeriyoo da muddo bil ah gudaheed, halka Wasiirkii
hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha M arxuum Qaasim Sheekh
Yuusuf uu 20-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee November si ke
dis ah ugu geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga, waqtigaas
oo uu halkaa u tegay gudashada waajibaadka Xajka.
Source:Somaliland.Org
|