“Ismaaciil Yare waxaan Leeyahay Waxaad Eegtaa Boogtii Dhoqoshey,
Waxaanu Ahayn Koox Casaabadda Oo Madaxa Iskaga Duubtay Ma daxweynii
Hore Mujtamac Faasid ahna Sameeyey, Kuwa Qa yl inayaana..”Wasiirkii
Hore Ee Wersheddaha Somaliland
Hargeysa (TNN) Wasiirkii hore ee Wershedaha Somaliland Maxamed
Saleebaan Weyne ayaa sheegay in taliskii uu ka tirsanaa ahaa koox
casaabad ah oo ay Mujtamaca ka dhigeen mid faasid ah oo xaaraan
quute ah, kuwa as oo sida uu xusay ahaa kuwo aan dalka iyo dadka
midna u naxayn oo
dhir iyo dhagax aan midna dhaafayn, isla markaana madaxa iskaga
duubay Madaxweyihii hore Daahir Rayaale oo uu sheegay inuu ahaa
hogaamiye nabad jecel oo wanaagsan. Maxamed Saleebaan Weyne, waxa
kale oo uu ka hadlay arragtidiisa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee
xiligan, mawqifkiisa siyaasadeed ee ururada dalka lagaga dhawaaqay
oo uu sheegay inay kuwii Ummada hantideeda dhacay lacagtii dib ugu
soo celinaya an iyagoo magacyo Ururo la baxay oo qaarkood boogo
leeyihiin.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu jirin xiligan Xisbi la yidhaahdo
UDUB, isagoo dhinaca kalena ka hadlay wax a ka jira iskaashi
isbahaysi oo dhexmara xisbiga UCID iyo UDHIS iyo arrimo kale.
Maxamed Saleebaan Weyne, waxa uu sheegay in dad aannu magacaabin oo
xilligii halganka mujaahidiintii SNM xiniinyaha ka qaniini jiray ay
iminka faafinayaan borobogaando ah in Madaxweyne Siilaanyo uu
Somaliland dib ugu celinayo Soomaaliya, wuxuuna sidaa ku sheegay
Waraysi khaas ah oo uu siiyay Isniintii 29, Nov 2001, Tafaftiraha
shebekada wararka ee Araweelonews, Carraale Maxamuud Jaamac wuxuuna
isagoo ka hadlaya arragtidiisa xukuumadda waqtigan ee Madaxweyne
Siilaanyo iyo xukuumaddii uu ka tirsanaa faraqa u shexeeya yidhi,
“Waxaan Jecelahay in aan caddeeyo dawlad ayaan ka mid ahaa oo aan
wasiir ka ahaa, dawladaasi waxa hays atay madaxweyne wanaagsan oo
nin nabadgelyo ah, qof ahaantiisa iyo masuuliyadiisa madaxweynenimo
mid na muu ahayn qof rabshad, dhiig iyo burbur jecel muu ahayn
Daahir Rayaale, Hasa ahaatee waxayaga kale oo dhami waxaanu ahayn
casaabad aan dalkan u dhalan dadkana ka dhalan oo qoorta iskaga
duubay dalka, dadka iyo madaxweynihiiba, waxaanu ahayn casaabad aan
geed iyo dhagax toona reebayn oo dadkana u naxayn hilbana ugu ool.
Runtii aniga oo da’daa jooga oo wasiir ka ahaa golaha dawladda, ayaa
waxa ii muuqday dalkaygii oo laba farood dhexdood ka dhacaya, warwar
baddan ayaa I hayey, maanta se sidii doorashadu u dhacday (26 Jun
2010), ee dawladda cusub talada dalka u qabsatay wax warwar ah oo
aan dalka ka qabaa haba yaraatee ma jirto, madaxweynaha maanta dalka
ka talinayaana waa nin aan ku kalsoonahay inuu dalka amaan ka
dhigayo. Waayo inuu burburiyo kama baqayo, inuu Xamar tagana kama
baqayo, inuu qadiyadda Somaliland iibiyana kama baqayo, sababta oo
ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadduu Somaliland Xamar
gaynayo ama Soomaaliya gaynayo maalintii doorashadda (doorashadii
madaxtooyadda ee 2003) 80 ka cod lagaga helay ayuu Xamar tegi lahaa,
sidaas darteed anigu ma iibsan karayo Siilaanyo Xamar buu ku socdaa.
Ta labaad ee aanan iibsan karayn waxa weeye qolooyin kayagii
xinniinyo-qaniinada ahaa ee markii Siilaanyo isaga oo 35 jir ah
intuu dalka ka baxay ee uu xaaskiisii, ubadkiisii iyo shaqadiisiiba
ka dhaqaaqay ee duurka galay sidii dalka loo xorayn lahaa, kuwayagii
dadka xinniinyaha ka qaniini jiray ee iyaga oo SNM u aanaynaya
raggaa intay joonyado ku guraan badda ku tuuri jiray ayaa maanta ku
leh Siilaanyo Xamar buu tagayaa, taasi waa wax dambi ah oo aaan la
qaadan karin,” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyne.
Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland waxa uu sheegay inay jiraan
waxyaabo baddan oo ka khaldan dawl adda cusub, isla markaana wax
baddan oo dawladdii Rayaale xumaysay oo la haggaajiyeyna ay jiraan,
isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Way jiraan
dhalliilo kuwayagiiba qaar ka xun yihiin oo dawladda cusubi leedahay,
xaga dhaqaallaha marka la eego, sababta oo ah annagu waxaanu ahayn
tuug oo wixii aanu dalka wax ugu qaban lahayn ayaanu dadka ku
laaluushi jirnay oo faraqi jirnay, markaa dawladda cusubi wixii na
way maamushay oo dhaqaalihii way ururisay, laakiin dadku busaarad
bay dareemayaan, hadaad maqasho rag qaylinaya oo leh waa la
gaajoonayaa waa dadkii aanu xaaraanta barnay, waxaanu abuurnay
mushtamac faasid ah oo booli quutayaal ah, kuwan qaylinayaa waa
kuwii aanu xaaraanta barnay oo lacagtii laga xidhay, wixii aanu
barnay ayeyna doonayaan, laakiin waxay ahayd in lacagahan la
ururiyey in wax lagu qabto oo ay dalka ka muuqato, balse arrintaasi
maanta ma muuqato oo dadkii way qaylinayaan, markaa dhaliishaasi way
jirtaa, kuwo kale oo badana way jiraan.
Marka wax cusubyihiin jaanis baa la siiyaa, runtiina dawladda cusub
fursad baa la siiyey oo cid ka garawsana ysa maantaa fursad lanama
siin ma jirto, sidaa awgeed waa in wixii cadna caddaan loo sheegaa,
wixii madawna madaw loo sheegaa.”
Wasiirkii hore ee warshadaha Md. Maxamed Saleebaan Weyne oo la
weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha furasha dda ururrada, maadaama
xukuumadii Rayaale ee uu ka midka ahaa ka soo horjeeday in ururo
cusub la furo, waxa uu ku jawaabay “Dawladayadii hore wax ay
ogolaydba may jirin, wax walba waanu kasoo horjeednay, waxaanu odhan
jirnay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka waxa beddelaya kuwo
la soo doortay, doorasho inay dhacdana maanu doonayn, markaa wax
walba waanu ka soo horjeednay, sababta oo ah waxanu ahayn casabad
dalka qoorta iskaga martay, hasayeeshee furitaanka ururradu waa
sharci, waana arrin wanaagsan sharciga iyo Dastuurka, laakiin waxa
meesha ka soo baxday anigu dagaalyahan ma ihiye sheeko cajiib ah,
laakiin dadkii dibadaha ka dagaalamay baan ahaaye, waxaanu maqli
jirnay SNM niman shaadhad cadcad baa ka ag dagaalama oo 20 innan oo
aan soo quraacan ayaa xero dhan oo laba kun oo ciidankii Faqashtu ku
jirto oo taangiyo iyo dubaabadu haysta inay weerar ku qaadaan waxay
haystaanba ka qaadan jiray, markaa waxa la odhan jiray waxa SNM ka
ag dagaalama niman awliyo ah oo waxaba layn jiray, kuwiina weli
shaqadii bay hayaan. Waxan uga jeedaa awliyo Illaahay ayaa dadkan u
dagaal gashay oo dulmigii wax ka ridaysay, awliyadii baa imika
shaqaysa oo kooxdayadii hore ee xoolihii ummadda dhacay ee wixii
ummadda xaday ayey awliyadaasi sanaaduuqdii naga fureen, dabadeedna
waanagan xisbiyada furanayna ee dadka casuumayna oo lacagtii aanu
sanaaduuqda ku urursanay ayaa ummaddii lahayn dib loogu soo
celinayaa.
Wixii xukuumadayadii ka mid ahaa, kuwii naga horreeyey iyo kuwa
hadda joogaba ha ahaadaane kuwii umm addan dhacay ayey Awliyo
Illaahay lacagtii ka soo qaadaysaa oo ummaddii lahayd dib ugu
celinaysaa, marka la eego mabda’iyan furista ururradu way fiican
tahay oo waa hab dimuqraadi ah, laakiin waxan ka baqayaa inay inagu
noqdaan wado furan oo ay innagu soo baxaan xisbiyo gobol kaliya ku
kooban, xaafad, shuuciyad, xagjir, waxanan leeyahay halkaas markay
joogaan hala joojiyo haddii kale waxay noqonaysaa inay sidii
Salaadiinta nin walba geed inta uu fadhiisto oo caano isku shubo uu
yidhaahdo urur baan ahayn, aniguna u malayn maayo in ururradan imika
samaystay intooda baddan aanay iskaba bixin karin lacagta deebaajiga
ah ee lagu xidhay, balse waxa fiican in il gaar ah lagu eego
arrimaha ururrada cusub ee furmay.”
Md. Maxamed Saleebaan weyne oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha
diwaangelinta la laalay iyo saamaynta ka dhalan karta, waxa uu ku
jawaabay; “Diwaangelinta la laalay waxa ay ahayd wax lagu heshiiyey
oo beesh a caalamka, mucaaridka iyo komishanku isku raaceen oo la
yidhi, doorashadana aynu ku dhaafno, wixii dambe na diiwaangelin
hala sameeyo, heshiiskaas ayaa jira, laakiin markaad dhinaca kale ka
eegto diiwaangelintii baa la tuuray waxay noqonaysaa in madaxweynaha
maanta joogaa aanu sharci ahayn oo doorashadiisii xaaraan bay
noqonaysaa, taasna imika laguma doodi karo oo waxa ka horreeyey
qodob lagu heshiiyey oo ahaa in diiwaangelinta la laalo, ninkii
doonaya inuu xumaan iyo qalaanqal sameyo wuu ku doodi karaa, laakiin
waxa uu qabsanayaa laan ka samaysan xuub caaro oo la soo go’aysa.”
Mar la weydiiyey Maxamed Saleebaan Weyne mabda’aan cidda uu hadda
taageersan yahay wasiiradda ay isku xukuumadda ahaayeen ee ururrada
cusub ku dhawaaqay iyo inuu weli ka tirsan yahay xisbiga UDUB, waxa
uu yidhi; “Horta anigu wasiir baan ahaaye UDUB maan ahayn oo maan
gelin, mana dooran, wasiir qudha ayaan ahaa inkasta oo mushaharkayga
laga jari jiray lacagta qaadhaanka ah ee UDUB, imikana waxaan
leeyahay wax UDUB la yidhaahdo ma jiro, UDUB-na waxa uu ahaa salaam
nin doonayey inuu meel ku fuulo, salaankiina way la soo dhacday oo
dhulka ayey ku dhacday, wayna burburtay, sidaa darteed xisbi UDUB la
yidhaahdo oo maanta jirtaa ma jirto, sababta oo ah gole dhexe ma
laha, gudi fulineed, malaha, guddoomiyihii iyo xoghayihii guudna way
maqan yihiin, cidda khaldan tahay ee garan waayey doorkii ay
lahaayeena waxa weeyaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo
golayaasha deegaanka ee lagu soo doortay UDUB, ciddii xisbigaa
yeelan lahayd ee hoggaamin lahayd ee xisbi qaran ka dhigi lahaa
kuwaas ayey ahaayeen, nimanka badhaabadhaa leh ee TV-yada soo
fadhiistaa xaq iyo xuquuq midna kuma laha UDUB, waxayna la mid
yihiin nin cod qudha siiyey xildhibaannada la soo doortay.”
Wasiirkii hore ee warshadaha oo la weydiiyey halka hadda
siyaasadiisu ku jihaysan tahay, waxa uu yidhi; “Haaa!! siyaasadaydu
waxay ku jihaysan tahay ururka la yidhaahdo UDHIS, waxaan qabaa
raggii dalkan u hiiliyey ee magaalo jooga ahaa, ama ciyaalo iskuulka
ahaa ama reer miyiga ahaa ee dhallinyarada ahaa, raggii ababiyey ee
wadaniyada ku barbaariyey ee u jabhadeeyey inay dalka ka dhiciyaan
cadawgii haystay, wadaniyadaas raggii ku abuuray ayaa ururkan UDHIS
leh oo hoggaaminaya, maantana waxan qabaa in dhallinyarada reer
Somaliland ee sharciyadu u hiilisay ururkoodu yahay kan oo ay
wadaninimo iyo siyaasad kaga qaybqaadan karaan, ururrada ama
xisbiyada kale way ku gabraaranayaan dhallinyarada, laakiin cidda
aan qabo inuu dhallinyarada si xaqiiq ah u ababinayo waa UDHIS..
Ragga maanta ururrada furtay ee saaxiibkay Ismaaciil yare ka mid
yahay waxaan u sheegayaa oo aan leeyahay waxa la yidhi , “Haldhaagu
waa bahal qurux baddan oo marka uu baalashiisa kala bixiyo ayuu hoos
isku eegaa, wuxuuna isku arkaa nabar lugta kaga yaal, markaasuu
baalashiisa dib isugu celiyaa isaga oo murugaysan, markaa Saaxiibkay
Ismaaciil Yare waxaan leeyahay markaad is kala bixiso ee aad
baalasha la kala baxdo waxad eegtaa boogtii Dhoqoshay ee kugu taal
ee sidee ayaad ummadda madaxweyne uga dooni.”
Maxamed Saleebaan weyne oo la weydiiyey waxa uu kala socdo heshiiska
isgaashaan buuraysi ee la sheegayo inuu dhexmari doono UCID iyo
UDHIS, waxa uu kun jawaabay “Maaha in wax la iska mala awaalo,
maalintii sheekadan la soo qaadayna waan fadhiyey, Mujaahid Xasan
Ciise Jaamac ayaa soo jeediyey in UCID iyo UDHIS midoobaan, waxayna
ahayd figrad qof ka timi, wax la isla ogaa oo laga wadahadlayna may
ahayn, wax wakhtigan hadalkeedu furan yahayna maaha, ta kale xisbiga
UCID waa xisbi jira, waxa lagu murmaa beedka iyo digaagada kee
dunida u soo horreeyey, waxa hadaba su’aasha la isweydiinayaa tahay
ma UCID baa UDHIS ku beeray, mise UDHIS baa UCID ku beeray Illaahay
kama dhigee, haddii ay noqonayso in UDHIS ku biiro UCID waa
suurtogal, laakiin haddii UCID ku biirto UDHIS waa in la soo baabiyo
UCID ilayn waa xisbi hadda jiree.” Ayuu yidhi Maxamed Saleebaan
Weyne.
Source:Araweelonews
|