Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Kulamo Ay La Yeesheen Maalqabeeno Ingiriis Ah

 

Hargeysa, April 6, 2011 (TNN – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo saf ar shaqo ugu maqnaa mudo todobaad ah dalka Britian ayaa shalay galab markii uu dalka dib ugu soo g uryo noqday ka hadlay kulamo ay la yeesheen isaga iyo wasiiro uu hogaaminayey maalqabeeno iyo  ma dax Ingiriis ah, kuwaas oo uu sheegay inay wadamo badan oo Afrika ah ka hirgaliyaan maalgashi  caala mi ah, isla markaana ay ka wada hadleen sidii ay Somaliland uga maalgalin lahaayeen dhinaca macdan ta, baatroolka, beeraha iyo meelo kaleba.


Dr. Maxame C/laahi ayaa waxa uu sheegay inay isaga iyo wasiiradii la socday ay maalgashadayaashii ay la kulmeen ay u sharaxeen daraasadihii ugu danbeeyey ee Somaliland laga sameeyo mudooyinkii ugu danbeeyey ee dhinaca macdanta iyo batrool ku saabsanaa, isla markaana wuxuu sheegay inay ka xukuumadd ahaan aad u danaynayaan xidhiidho dhaw inay la yeeshaan wadamada deeq bixiyayaasha oo uu Ingriisku ugu horeeyo.

Wasiirka khaarajigu waxa uu ka hadlay saraakiil Ingriisa oo la sheegay inay kulamo Somaliland ka dhan ah la yeeshii madax ka tirsan maamulka Garoowe, waxaanu tilmaamay inaanay maamulkaasi waxba u dhimi karin xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ka dhaxeeya, waxa kale oo uu ka hadlay sababaha  dhabt a ah ee keenay inay xidhiidhada reer galbeedka ka daneeyaan kuwa ay xukuumada Somaliland la yeela to dunida carabta ee isbadalada waawayni ka dhaceen imika, waxaanu sheegay inay hada xidhiidho wanaagsan la sameeyeen qaar ka mid ah wadamada carabta, kuwaas oo aanu carabaabin.


Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaas oo isna ku soo qaaday wararkii sheegayey in xukuumada Ingiriisku culays ku saartay inay ka qayb  qal aan shirka qaramada midoobay gadhwadeenka ka tahay ee lagu qabanayo Nairobi, kaas oo loogu talo galay in la isku soo horfadhiisiyo kooxaha Somalia isku haya, waxaanu wasiirku beeniya inay Britain kala hadashay ka qayb galka shirkaas, ugu horayna isaga oo ka hadlaya ujeeda safarkiisii Britain, waxa uu yidhi “Safarkii shaqo ee aniga iyo labadii wasiir ee ila socdayba aanu ugu kicitinay dalka Britain  waxaa nu shirwayne ay qabatay wasaarada arimaha dibada Ingiriisku ku soo bandhignay khayraadka dalka Somaliland ee u baahan in la maalgashado, haday tahay khayraadka badda, haday tahay khayraadka macdanta iyo haday tahay khayraadka Batroolkaba iyo horumarka kale ee dalkeena Somaliland u  baa han yahay, sida warshadaha iyo beeraha. Waxaanu munaaqishooyin iyo wada hadalba kala galnay  ari ntaasi maalqabeeno Ingriirka u dhashay oo inta badan wadamo badan oo Afrika ah maalgashaday iyo wasaarada arimaha dibada iyo wasaarada iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas, kuwaas oo kaalin wayn oo wax ku ool ah ka qaatay, dalka Britain waxa shirwaynaha uga qayb galay laba wasiir oo ka tirsan dawlada Ingiriiska, waxaanu wufuudii shirkaas ka qayb galay u sharaxnay daraasadihii dalka Somaliland lagu sameeyey mudooyinkii u danbeeyey run ahaantiina way nala qaateen arimo badan sababta oo ah dalka Britain waa dal aynu xidhiidh aad u dhaw waligeenba la lahayn. Sadexdayadii wasiir ee Ingriiiska Safarka ku tagay waxa aanu shirkaasi kaga hadlay sida ay xukuumadda cusub ee maanta jirtaa u  dan aynayso maalgashi lagu sameeyo Somaliland iyo xidhiidh wanaagsan oo beesha caalamka aanu la yeelano”.



S: Maxaad ka odhan lahayd kulankii madaxda maamulka Puntland la sheegay inay la yeesheen saraakiil Ingiriis ah oo Garoowe kula kulmeen, kuwaas oo la sheegay inay Somaliland kaga dacwoonayeen?


J: Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska waa xidhiidh qoto dheer oo ilaa qarniyo soo jiray, mana ah mid ay waxyeelayn karaan maamulka Puntland iyo cid kasta oo aan rabin horumarka Somaliland, xidhiidhka wanaagsan ee qotoda dheer ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Britain hadaanu nahay xukuumada cusub waxa naga go’an sidii aanu u sii horumarin lahayn, isla markaana aanu dawladda Ingriiska wada shaqayn heerkeedu sareeyo ula yeelan lahayn. Kooxahan cabanayaana xidhiidha Ingiriiska inaga dhaxeeya waxba uma dhimi karaan.

 


S: Maadaama oo xukuumadiinu ay inta badan aad u danayso xidhiidhka wadamada reer Galbeedka, maxaa idiin diiday inaad xidhiidho cusub la smaysaan wadamada carabta oo imika qaar badan oo ka mid ah isbadalo waawayni ka dhaceen, isla markaana qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin kuwa sida ugu wayn u Diidanaa Ictiraafka Somaliland?

J: Waa runtaa intii dawladda cusubi jirtay waxa aanu inta badan xooga saarnaa wadamada deeqaha bixiya ee reer galbeedka ee Ingriisku ugu horeeyo oo aanu ilaa hada xidhiidho wax ku ool ah oo iskaashi la samaynay, aadna waanu ugu hanwaynahay natiijooyinka nooga soo baxay xidhiidhada aanu la  sama ynay dawladdaha reer galbeedka, hase yeeshee xaga dunida carabta iyaga laftigooda kama madhnin oo way jiraan wadamo aanu xidhiidh la samaynay, xukuumad ahaana waxaanu ku rajo waynahay  inaa nu wadada u jeexno xidhiidh iskaashi oo aanu la samayno wadamada carabta oo aanay wali hore u  dhi cin inay Somaliland xidhiidh la samayso. Waxaananu aad u rajaynaynaa inay dhawaan soo bixidoonaan midhihii xidhiidhada aanu la samaynay wadamada carabta hadii Alle yidhaa.



S: Waxa la sheegay inay xukuumada Britain culays idinku saartay adiga iyo waftigii wasiirada ahaa ee aad hogaaminaysayba inaad ka qayb gashaan shir Nairobi qaramada midoobay ugu qabanaysay  kooxa ha Somalia isku haya, arintaas maxaad ka odhan lahayd?

J: Arintaas wax ala wax ka jiraa ma jirto, dawladda Ingriiskuna waa dawladaha ugu waawayn ee aanu xidhiidhka la leenahay, xukuumadda Britain waxa ay ixtiraamaysaa oo ay soo dhawaynaysaa mawqifka Somaliland ay ka qaadato arimo badan oo mandaqada ka taagan, arintaasina maaha arin Somaliland iyo Ingiriisku ka wada hadleen, mida labaad waxa weeyi mawqifka Somaliland ka ee shirarkan Somalia lagu heshiisiinayo waa mid cadaana, mawqifkaasina maaha mid wax ka badalaya dawladaha aanu saaxiibka nahay ee xidhiidhka wayni ka dhaxeeyo Somaliland, Somaliland-na way jeceshahay inay gacan ka  gays ato nabadaynta kooxaha Somaliland isku haya, laakiin marka ay noqoto shirark kooxaha Somaliya isku haya dawladda loogu samaynayo ama lagu heshiisiinayo maaha kuwa aanu marnaba ka qayb galayno habayaraatee.

 

Source:Haatuf