Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Xilkii La Wareegay.

 



Xaflada ay labada masuul xilka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay..........


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Ducaale (B oobe) ayaa maanta si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Axmed Cabdi Xaabsade.


Xaflada ay labada Masuul xilka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay xarunta Telefishanka Qaranka ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo Wasaaraddaasi ka tirsan iyo Marti sharaf badan.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey Axmed Cabdi Xaabsade, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kor loo qaaday awoodda wakaaladda wararka ee SOLNA, waxa caalamka oo dhan gaadhay Telefishanka Qaranka oo markii hore ku koobnaa Afrika iyo Carabta, xaaladda aynu ku suganahay shacabka qurba-jo oga Somaliland si fiican ula socdaan. Waxa aannu bilaabi doonaa dhismayaal aannu idaacad da iyo telefishanka ku kordhin doono oo baahinda qandaraaskiisu Sabtida soo socota la fura ayo, taas oo dhammaantood lagu qalabayn doono qalab casri ah, habkooda shaqana noqon doono hab caalamiya, waxa kale oo iyaguna ku jira mashruucaas gaadiid oo runtii wax badan ku soo kordhin doona.” Mr. Faysal Cali Sheekh waxa uu tilmaamay inay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin saxaafadda dalka iyo kuwa dibadda, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay warbaahin ta Jabuuti iyo Itoobiya oo uu sheegay inay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta tab abaro u fidin doonto.

Wasiirkii hor ee Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaasbsade, waxa uu tilmaamay in madaxweyn uhu uu soo magacaabay wasiir aqoon buuxda u leh saxaafadda, isaga oo Ilaahay uga baryey wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradda warfaainta, waxaannu warbaahinta kula dardaarmay inay ka fiirsadaan waxay qorayaan, baahinayaana, waxaannu yidhi; “Nin walba siduu doonuu wax u qoraa, wuxuu doonana wuu ku hadlaa, sharcina ma qabanaayo, kii uu qabtana ummadda oo dhan baa ka qaylinaysa oo waxa la leeyahay saxaafadiibaa la cidhiidh iyey oo waxa loo diidan yahay inay madaxbannanaato, waxaan leeyahay Saxaafaddu way madax bannaan tahay, madaxbannaaniduna sidaas maaha ee waa inay sharci leedahay oo lagu kala dambeeyo, laguna kala dambeeyo, maaha in qof la iska dacaayadeeyo, maaha in qof la dhaleeceeyo, manaha inaad dalkaaga wax xumaan ah ka sheegto, waxa dhacda waxy aabihii la qarin jiray ee dalka u gaarka ahaa in saxaafadda lagu qoro, waxaana ka mid ah ciidanka qaranka, waana ka mabnuuc in ciidanka wax laga sheego, maxaayeelay dawladaan loo ogolayn inay dalka wax ka oggaato, markaa saxaafaddu xageebay joogtaa, waxa la sheegaya ciidan baa halkaas ka dagaalamay, ciidankaasi wuu jabay, waar waxaasi waa qoomiyad xumo.”


Axmed Cabdi Xaabsade oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi
“Waxaan aad u soo dhawaynayaa Wasiirka cusub ee warfaafinta oo ah nin aan wasaaradda ku cusbayn. Waxaan madaxweynaha uga mahad celinayaa inuu maanta aqoontii meesha uu keenay oo uu gartay ninkii ku haboonaa. Maalintii aniga meesha la I keenay waan yaabanaa oo waxaan lahaa halkaad ka bilaabaysaa. Warfaafin waligay ma arag, kamana shaqayn uman aan ducayn,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee warfaafintu, waxaanu intaasi ku daray “Laakiin maa nta wax badan baa iiga baxay oo farsamo ah oo aqoon ah oo haatan haddii la igu soo celiyo aan la talaabsan karo.”

Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu warbaahinta u soo jeediyey inay ummadda u dhaxayso oo si siman wararka ugu qorto oo wixii qaloocan iyo cidii wanaagsan si caddaalada u shee gto.


Wasiirku wuxuu sheegay in saxaafadda dawladdu ay u madax-banaan tahay hawlaheeda, waxaanu carabk ku dhuftay in markii uu xilka la wareegay uu amar ku siiyay Guddoomiyaha Wargeyska DAWAN inay ilaaliyaan dhex-dhexaadnimadda xisbiyadda.


“Wargeyska. Telefishanka iyo idaacaddu waxay u dhaxeeyaan ummadda Soomaaliyeed ee dee Somaliland. Yaanay noqonin wax la kala dhawaysto. Waar horta Soomaaliya waa la isku tagay oo waa la isu imanayaaye’e, yaanay waxba idin dhibin. Waa la isu imanayaa,waa la wada hadlayaa miis baana la wada fadhiisanayaa. Taasi waa tii soo dhammaatay oo waa laga gudbay,”ayuu yidhi Wasiirku.


Wasiirku wuxuu ku dooday in Wargeyska DAWAN uu xiligan yahay wargeyska ugu akhris badan. “Anigu wixii la qabtay waa laga hadlay ee waxaan tilmaamayaa wixii dhiman. Telefishanka qaranku wuxuu gaadhay Maraykan, Carabaha, Yurub iyo Afrika, hase yeeshee wuu dhutinayaa. Telefishanku wuxuu u baahan yahay dhaqaale badan. Wasaaradani hal shilin kama soo galo Ha’yadaha. Hadda meelaha aanu gaadhnay waxaanu ku gaadhnay dayn oo waxaanu dayn ka qaadanay Dahabshiil iyo baanka. Idaacad cusub ayaa la keenayaa. Idaacadda cusub waa la keenayaa laakiin waxay u baahan tahay dhaqaale. Waxaan wasiirka u sii sheegayaa in waxa miisaaniyadda wasaaradda ugu jirtaa aanu ku filayn,”ayuu yidhi Md. Xaabsadde.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay barigii dhawayd ee uu tagay Ingiriiska in jaaliyadda Somaliland ay cabasho ka muujiyeen shaqaalaha TV-ga qaranka oo ay tilmaameen inaanay aqoon laha yn, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Berigii dhawayd ee aan tagay Ingiriiska dac wadii ugu badnayd ee naloo soo qadimay waxay ahayd shaqaalaha TV-ga qarank ka hadlaa aqoon uma laha.waa la inaga cawday. Waxa kale oo nalooga soo dacwooday arrimaha dhaq anka kuma wanaagsana. 50 hablood oo reer Somaliland ah ayaa markii aan London tagay I casuumay oo casuumad gaar ah ii sameeyay. Waxay yidhaahdeen waxaanu idinka rabnaa inaad carruurtayada yar yar ee London joogta aad dhaqanka bartaan oo aad Telefishanka laga soo daayo hidaha iyo dhaqanka sida heesaha caanaha lagu lulo, kuwa guryaha lagu dhiso iyo heesaha xoolaha.”

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isagu khudbad dheer halk aas ka akhriyey, ayaa sheegay inaanu hanta u soo doonan wasaaradda hase yeeshee uu gurmad u yahay, waxaanu yidhi “Halkan umaan iman in aan ka shaqaysto, halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in aan gaadhi ka iibsado. Uma aan iman in aan si kale uga danayso,. Han garoocan idiin lama aan iman. Gurmad ayaan idiinku imi. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayey. Mushahar aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqlaaladna ka bixiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Muxumed (Siilaany), ayaa xilkan ii gartay oo iigu yeedhay, anna waan ka guddoomay, waxaan uga oggolaaday aniga oo aamminsan in qaranku cid waliba xaq ugu leedahay in uu waajib ugu yeedho.”

“Wasiir dadkii dhaqanka soo ururi dadkeenaas dibaddu waxay u baahan yihiin inay helaan dhaqankoodii si carruurta loogu ababiyo,”ayuu yidhi Xaabsadde.


Wasiirkii hore wuxuu ku baaqay in manhajka waxbarashada lagu darro dadkii aan SNM ku abtirsan ee ka soo jeeda beelo ka mid ah Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay. Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka wax la wadaagi maayo. Waa in daraawiishtii lagu soo daraa. Waa in lagu soo daraa raggii gaalladda inaga celiyay ee diinta u dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo.”

Md. Xaabsade wuxuu sheegay in beeshiisii ay siyaasad ahaan diidan yihiin Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Reer Tolkay way inaga maqan yihiin oo way ina diidan yihiin. Siyaasad ahaan ayay inoo diidan yihiin si kale inooma diidana. Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi.”

“Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fadhiisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn,”ayuu yidhi Md. Xaabsade.
Md. Boobe, waxa uu Ilaahay ka baryey inuu xilkan ku guuleeyo, isaga oo u mahadnaqay Wasiirkii hore ee Warfaainta Md. Axmed Cabdi Xaabsade.
Wasiirka cusubi waxa uu balan qaaday inuu ka shaqayn doono daryeelka shaqaalaha wasaaradda waxaanu yidhi “Waxaan idiin balan-qaadayaa inaan qaddarinta iyo tix-gelinta ugu mudan aan siin doono, daryeelka shaqaalaha iyo hawl-wadeennadda Wasaaradda oo ah hantida ugu qiimaha badan ee wasaaraddani leedahay.”

“Waxaan halkan hortiina idiinka balan-qaadayaa inaynu waajibaadkeena iyo xilkeenaba u gudan doono si wadaag iyo wad jir ah. Wasaaraddan warfaafinta iyo hawlaheedaba waynu wada leenahay inaggoo ka wakiil ah dadweynaha iyo dawladdaba. Waxaan hortiina ka balan-qaadayaa inaan idin hawl-geliyo aniga oo aan cidka ka buuxin oo aan tunka ku sidan, cidna ku buuxin oo aan takoorayn,”ayuu yidhi Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle Boobe
.
Agaasimaha Telefishanka Qaranka Mr. Axmed Saleeban Dhuxul, ayaa sheegay inay soo dhaw aynayaan wasiirka cusub ee loo soo magacaabay, isaga oo xusay in waxyaabaha u qabsoom ay aad loogu faani karo, waxaannu shaqaalaha warfaafinta ku amaanay hawlaha ay u haya an qaranka.
Agaasimaha Idaacadda Mr. Siciid Aadan Cige oo isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in idaacadda Radio Hargeysa tahay idaacadii ugu horraysay ee Geeska Afrika afsoomaali ku hadasha, isaga oo intaa raaciyey in idaacaddu waqtigan gaadhay horumar weyn. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa ugu baaqay Wasiirka cusub inuu shaqaalaha u daydayo mushahar fiican oo ku filan si hawlahoodu u fiicnaadaa, waxaannu arrintaa ku sababeeyey iyaga oo uu ku tilmaamay inay ka shaqo badan yihiin shaqaalaha kale ee dawladda.

Dhinaca kale, waxa Wasiirka cusub oo ay weheliyeen agaasimaha guud iyo agaasimeyaasha waaxay soo mareen waaxaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta oo uu xafiis-xafiis u soo maray.


Timacade News Desk
Haegeysa Somalilan