Dib u qiimee tirada wasiirrada soo maray Somaliland

 1991-2012?



 

Marka hore waxaan salaamayaa bahweynta reer Somaliland ee mar-walba u heeganka ah Qad arinta iyo qiimaynta Wadaniyadaysan ee ay la barbartaagan yihiin Madaxdooda kal a duwan ee ay qarankan ku aamineen una igmadeen inay hogaamiyaan.

Marka labaad waxa aan salaamaya Bahda Saxaafada ee Qiimaha iyo qadarinta leh, mar walban a u heeganka ah sidii ay bulshada Somaliland ugu soo gudbin lahaayeen Aragtida walaalahooda kala duwan ee dacalada Dunida ku nool oo aan leeyahay halkaa ka sii wada ALLE haydin la qabt ee, idinka oo marwalba xaqiiqada ku salaynaya qoraalkiina ALLE-na ka cabsanaya.

Hadaba aan u noqdo maqaalkaygan aan ku cabiraayo mudadaa ay Somaliland jirtay ee ay noqo tay qaran ka madax banaan wixii laysku odhan jiray Shanta soomaaliyeed, kuna dha waaqday inay noqoto Dawlad iskeed isu maamusha oo gooni u taagan, ILLAAHAY ayey mahadi u sugnaa tay oo inagu guuleeyey in aynu noqono dawlad taaba gasha oo caalam ku ka war hayo una og soon yahay inay tahay dawlad buuxisay shuruucda dawladnimo la gu noqon karo inaga oo ilaa hada u taagan in aynu ku biirno dawladaha la aqoonsan yah ay ee ka jira aduunka.

Waxa 21-kii Sanno ee ay jirtay Jamhuuriyada Somaliland ay xilal u magacawday wasiiro tiro ba dan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin tiradooda oo aad idinkuna markhaati ka tihiin, balse aan xaga u danbaysa kaga istaago oo aan eego fikirkayga iyo wasiirada Xuku umadan hada talada haysa wasiirka ugu mudan ee aynu odhan karno waa masuul buuxiy ey Xilkiisa Wasiirni mo bulshaduna ay markhaati ka tahay inuu yahay masuulka ugu mudan 21-kaa sanno ee Somal iland ay jirtay muujiyeyna kartidiisa mustaqbal iyo inuu beri hanan karo masuuliyada qarankan una tartami doono isaga oo khibrad iyo waayo aragnimo dhe er u leh dalkiisa iyo dadkiisaba.

markaan mudo daba socday ee aan indho darsay xaaladaha uu ku mutaystay wasiirkani inuu noqdo Wasiirka wasiirrada ee Somaliland soo maray mudadaa dheer isaga oo weliba ah wasiir aad u dhalin yaro ah oo aynu odhan karno Somaliland waxa uu u horseedi doonaa mushtaqbalk a dhaw iyo ka fogba hadii EEBBE ku simo oo uu dalkan uu hogaamiye ka noqdo ama uu dedaal kiisa halkaa ka sii wado kii aynu sugaynay mudadaasi dheer ee caruurtii dhalatay ay maanta yihiin Aabbayaal iyo aqoonyahano haseyeeshe sugayey inay doorkooda siyaasada dalka ka dhex arkaan mar uun wasiir ama hogaamiye da’yar oo dadkiisa iyo dalkiisa u huraya wakhtigiisa qaaliga ah, aniga oo marwalba xushmad iyo qadarin siinaya Masuuliyiintii soo maray Mansabkan Wasiirnimada aniga oo aan meel kaga dhacayn hadana waxa aduunkan laysku dhaafay waa Qii mayn iyo tartan loo galo bulshada, taas oo ay markhaati marwalba ka yihiin ama codeeyayaal ka yihiin Quluubta iyo indhaha Fayaw ee Bulshada markaasi joogta.

Intaa ka dib waa kuma wasiirka aynu odhan karno waa wasiirka ugu mudan ee xilkiisa wasiirni mo ka soo baxay ee ay bulshadu indhaha la raacayso mustaqbalkiisa iyo intuu ka duwanaado wasiiradii badnaa ee soo maray Somaliland oo iyagu noqday kuwo marka la magacaabo ama xil ka laga qaado baalku ka qoyo oo aan dib loo arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, taas oo aan odhan karo waa mid ay sababtay markii ay xilkan hayeen in aanay dadka ka samaysan qiimayn iyo is dhexgal sida hada ka muuqatay wasiirka aynu hada u gol-leenahay ee Wasaaradda Mad axtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Bulshada Somaliland ku dhaqani ay maanta Carabka ku balaadhiyaan marwalbana ay hadal hayn iyo amaan la daba ta agan yihiin taas oo aynu odhan karno waa masuul shacbigiisa ka mutaystay isaga oo da’a yar karti iyo dedaal dheeriya oo uu dadkiisa iyo Dalkiisa la garab taagan yahay hadh iyo habeenba.

Waana wasiirka keliya ee aan odhan lahaa hadii cid laga qiimaynayo wasiiradii tirada badnaa ee soo maray qarankan waa midka ugu haboon ee aynu odhan karno waa Masuulka Mustaqbalka ay Somaliland hiigsan karto kuna hamiyi karto inuu noqdo hogaamiyaha u soo kici doona jiilas han qiimaha iyo qadarinta mudan ee iyagu la jaanqaaday horumarka iyo aqoonta ay hoygooda ku barteen iyaga oon qaxoonti, daal iyo diihaaltoona u marin sidii ay ku noqon lahaayeen buls ho qiimo badan oo caalamka hiigsata.

Hadaba waxa aan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku Hambalyeynayaa xulashada uu ku soo magacaabay wasiirkan ka dhex muuqday bulshadiisa iyo Golihiisa wasiirada ee noqday Laambada keliya ee ka dhex ifisaysa Shacbiga gaar ahaan dhalin yarada Somaliland meel ay jo ogaanba kuna hirtaan inay mar uun noqdaan xirsi oo kale aniga oo madaxweynaha uga faa’iida ysanaya Fursadan waxan leeyahay madaxweyne 4 Wasiir oo kale oo Xirsi u dhigma, hadaad d alka ku soo kordhiso waxa aynu noqon lahayn bulsho ku talaabsata horumar ka balaadhan kan aynu maanta hayno, sidoo kale waxa aan Madaxweyne ku leeyahay Hambalyo Hambalyo mada ama aad khibradaada iyo waayo aragnimadaada bulshada ku bartay Masuuliyiinta qiimaha iyo kartida u leh shaqooyinkan oo kale buuxin karana baahiyaha Siyaasadeed ee bulshadani ay do onayso inay mustaqbalka u carbiyaan dalkan si loo helo hogaamiyihii berito dalkan xukumi lahaa ee ay bulshadu ku nasan lahayd.

Ugu danbayn waxa aan hadalka ku soo koobayaa wasiir waxad noqotay madaalihii qarankani tebaayey nudada dheer balse nacabka iyo xaasidka ayaa badan ee dheg ha u jalaqsiin hawlaha aga qarankana sidaad isaga xilsaartay uun isaga xilsaar bulshada inta wanaaga iyo horumarka jecelina way ku garabtaagan tahay marwalaba.

WA BILAAHI TAWFIIQ

 


Faisal Mohamed

Heegan_10@live.com